NABADDA CEEL -AFWEYN UMA BAAHNA DHOOLA-TUS EE CAQLI BAY U BAAHANTAY

0
Wednesday 11th July 2018 14:58:44 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NABADDA CEEL -AFWEYN UMA BAAHNA DHOOLA-TUS EE CAQLI BAY U BAAHANTAY

    Marka duul saraayo iyo dil dhexdoodda ka dhacay Nabadoodda la doonaayo uma baahna Babuur Iyo dad badan oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka duul saraayo iyo dil dhexdoodda ka dhacay Nabadoodda la doonaayo uma baahna Babuur Iyo dad badan oo

 lays daba-geliyo ee waxa loo bahan yahay keliya aqoon wax kala Guri-taqaan. 
Akhristow sidaynu ula socono labadda Beelood ee dagalamaya waxa maalmihii u danbeeyay dhexdooda ka dhacayey dilal aad u foolxun iyo dagaal gaadhay Caruurta Iyo Dumarka,  Horena waxaynu u ogeyn in dad nool la gubay marka ficilka noocaasi yahay ka meesha yaalla.
Waxaa loo baahan-yahay horta in xaalada la dejiyo oo dadka la kasbado si ay kuu dhegaystaan , Adigoo aan Ciidanka RRU Iyo Caga-jugleyn kula kicin Waxaan Leeyahay : Marka aad Hantido kalsoonidda dadka ,  ayaad Gar-qaadi kartaa, isla-markaana  ka qaldana aad qaban-kartaa.
Hadiise nin coladeed aan weligiiba Nabad ka talin Iyo barti-yaqaan aan Golle rag isku waajahay ama xaajo qaad ka noqon la yidhaahdo Garta-Gooya waxay ila tahay Heestii geella ee odhan jirtay: "Hargo Madhan side hawli kama tegin Haraadna u dheer!! waxaanse odhan lahaa manta oo dareen la xasuusan karo ah,Heesta "Xeer-Beegti” aan waqti hore u dhiibay Fanaanadda Nimco yaasiin ayaa waxay tidhaahdaa.
Hadaan xeer beegtiyo gar loo wadda Xaakim-noqon 
xushmeyn lagu wadda dhaqmeyn,
Miyaa xilli laga Gudbaa
U baahnaa xaajo Qaad .
Wuxu xil-dhibaa 
Qofkii in uun wax u xilanayee 
Xaqiiqadda hadaad ka Baydho
dib -baad ka xanuusataa
Xususo shalay u noqo 
Maxaan xeer kula dhigtaa
Xumaantiyo Sowdigaa wanaagaba kala xadeen
hadaan xamas ururiyo
xogaal talo loo xuleyn wadaan xakab lagu adkeyn
Miyey xaragadu laabta xishoodkaba kan Aqoon
abw.Mohamed Xassan douglas (Alle-yaqaan)

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS