Waa Kuma Safiirka Cusub Ee Madaxweyne Trump Usoo Magacaabay Dalka Soomaaliya?

0
Thursday 12th July 2018 10:32:27 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Safiirka Cusub Ee Madaxweyne Trump Usoo Magacaabay Dalka Soomaaliya?

    Waa Kuma Safiirka Cusub Ee Madaxweyne Trump Usoo Magacaabay Dalka Soomaaliya?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kuma Safiirka Cusub Ee Madaxweyne Trump Usoo Magacaabay Dalka Soomaaliya?




Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii iclaamiyay safiirkiisa Soomaaliya. Trump ayaa danjirihiisa Somalia u magacaabay Donald Yamamoto oo aqoon badan u leh Geeska Afrika.


Yamamoto ayaa hadda ah kaaliyaha Afrika ee waaxda arrimaha dibadda Maraykanka.

Waxa uu hore u soo noqday safiirka Maraykanka u fadhiya Itoobiya sanadihii 2006 ilaa 2009, waxa kale oo ahaa safiirkii Jabuuti sanadihii 2000 ilaa 2003.





Magacaabistu waxay imanaysa iyada oo waaxda arrimaha dibadda Maraykanku cusboonaysiisay digniinteeda socdaalka ee Soomaaliya 9-kii bishan, islamarkaana muwaadiniinteeda uga digtay in ay Somalia u socdaalan oo ay ku jirto Somaliland haliso ka dhan ah muwaadiniinteeda awgeed.

Maamulka Trump ayaa sidoo kale kordhiyay faro gelintiisa Soomaaliya isaga oo fuliyo weerarro dhanka cirka ah iyo taageero ciidamada lugta ah.

LATEST NEWS