[War Deg Deg Ah] Dil Hadda Ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeysa

0
Thursday 12th July 2018 15:52:02 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 2688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Deg Deg Ah] Dil Hadda Ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeysa

    [War Deg Deg Ah] Dil Hadda Ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[War Deg Deg Ah] Dil Hadda Ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeysa






Alle ha unaxariistee marxuum aan ilaa hadda magaciisa la shaacin ayaa goor dhawayd waxa dil loogu gaystay xaafadda Daloodho ee dhinaca waqooyi ee magaalada Hargeysa.


Marxuumkan ayaa waxa lagu gowracay mid taasi oo sababtay in markiiba ay naftu ka dhacdo.

Gacan-ku-dhiiglaha marxuumka dilka u gaystay oo ay qaraabo ahaayeen marxuumka ayaa haatan waxa uu ku jiraa gacanta ciidammada ammaanka oo goobta soo gaadhay waxyar kadib markii uu dilku dhacay.






Dad goobjoogayaal ah ayaa Karinnews u xaqiijiyey in marxuumka la dilay uu duhurnimadii maanta uu yimid guriga ninka uu sabab saday gacantiisa oo ay qaraabo ahaayeen.



Ciidammada ammaanka oo goobta soo gaadhay ayaa qaaday maydka geeyay qolka maydka ee Isbitaalka guud ee Hargeysa halka ninka gacan-ku-dhiiglaha ahna ay u qaadeen dhinaca dambi-baadhista.



Lama oga ilaa hadda waxa uu ku dilay hasayeeshee dad ka agdhow guriga uu dilku ka dhacay ayaa Karinnews u sheegay in muddaba ninka dilka gaystay uu ahaa qaswade loo malaynayo inuu xanuusanayo.




Wixii warkan ka soo kordha kala Soco Karinnews

LATEST NEWS