Xil, Nacnac Oo Ku Faanay Inuu Silaanyo Saaxiibkii Ruma Yahay, Kana Tirsan Yahay Xisbiga Waddani Biixi Ma Ka Cdhooday?

0
Friday 31st August 2018 12:54:29 in Xulka Karin News by Super Admin
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xil, Nacnac Oo Ku Faanay Inuu Silaanyo Saaxiibkii Ruma Yahay, Kana Tirsan Yahay Xisbiga Waddani Biixi Ma Ka Cdhooday?

    Xil, Nacnac Oo Ku Faanay Inuu Silaanyo Saaxiibkii Ruma Yahay, Kana Tirsan Yahay Xisbiga Waddani Biixi Ma Ka Cdhooday?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xil, Nacnac Oo Ku Faanay Inuu Silaanyo Saaxiibkii Ruma Yahay, Kana Tirsan Yahay Xisbiga Waddani Biixi Ma Ka Cdhooday?



Hargeysa (Karin News)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo katirsan Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay saaxibtinimada isaga iyo
Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siillaanyo yo sida uu yahayxidhidhka isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Kootada Haweenka,Saamiqaybsiga iyo Doorashada Wakiilada ugu horeyna isagoo ka hadlayaNabadgalyada ayaa yidhi "Waxaan leeyahay dadka nabadgalyada ha lailaaliyo oo wadaninimada ha la ilaaliyo,oo shaydaanka inaganaara,maanta inaynu Somaliland ku kala cararo uma fadhino,Qarankeenaayaa wax walba ka weyn,nabadeena wax walba ka weyn,uma fadhino inmaanta nabadeena waxyeelo soo gaadho,ee aynu iska ilaalino wax kastaoo nabadeena wiiqaya,waxaana leeyahay arintaas berriga iyo nimankaasqul-qulaya yaan la dhayalsan ee wax ha ha laga qabto”.






Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey Doorashada Wakiilada iyo Saamiqaybsiga ayaa yidhi "Saami qaybsigu wuxuu imanayaa Barlamaanka oo kadooda iyo tirikoobkii oo la sameeyo,wakhti bayna qaadanaysaa,ilaahaddana looma dhaqaaqin;saami qaybsiguna wakhti buu qaadanayaa,Kootoayaa cid loo xdhayna socon maayo ee cod baa la iskumuquuninayaa,Dastuurka ayaana la raacayaa”.


Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey saaxibtinimada isaga iyo AxmedSiillaanyo iyo siday isku yihiin Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yidhi"Axmed Siillanyo saaxibtinimo ayaa naga dhaxaysa,Madaxweynaha haddanawaa Madaxweynahayagii oo wax mushkilad ahi nama dhex taalo wadashaqeyn baana naga dhexeeysa Xisbiga Waddanina waan ahay”.

Geeska





LATEST NEWS