WASAARADDA WAXBARASHADA IYO SAYNISKU WAXAY JIDAYSAY SUNNE WANAAGSAN. WQ: Khalid Idan Yousuf

0
Wednesday 3rd October 2018 12:02:51 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASAARADDA WAXBARASHADA IYO SAYNISKU WAXAY JIDAYSAY SUNNE WANAAGSAN. WQ: Khalid Idan Yousuf

    Sidii caadada innoo ahayd waxa aynu u baranay in boqolaal qof inta la isku yeedho la yidhaa imtixaan baad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidii caadada innoo ahayd waxa aynu u baranay in boqolaal qof inta la isku yeedho la yidhaa imtixaan baad
galaysaan, ha dhawna si lagu xushay la garan waayo taasi oo u horseedi jirtay ardaygii dedaalay niyad jab iyo u qaadan waa. Maanta se waxa lagu kala saaray ardayga siday u kala sarreeyeen natiijo ahaan. Waxaad mooddaa in wasaaradda waxbarashu bilawday nidaam wax ka bedeli doonaa guud ahaan qorshaha xulashada fursadaha sida shaqaalaysiinta, dalacsiinta, waxbarashada iyo waliba fursadaha kale ee dawladda ka bannaanaada.

Waa markii ugu horreysay ee nidaaam noocan oo kale ah lagu kala saaro codsadayaasha fursado waxbarasho oo ay innoogu deeqday dawladda Ethiopia. Waa talaabo hore loo qaaday oo dhiiri gelinaysa ardayda u heellan waxbarashada. Wasaaraddu waxay bilawday nidaam haddii lagu dhaqmo horseedi doona in tayada waxbarashada iyo dedaalka ardaydu is bedesho.


Fikir ahaan waan waan soo dhawaynayaa, waxaanan u arkaa nidaam xalaal ah oo cid walba ku qanci karto. Waxaan ugu baaqayaa Wasaaradaha iyo Hay'adaha kale ee dawladda in nidaamka la raaco, oo uu noqdo mid hirgala.

WA BILLAAHI TAWFIIQ

W/Q: Khalid Idan Yousuf


Blog:http://khalididan.blogspot.com






 

 
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS