Madaxweyne Muusow,,, Kacdoon Beeleysan Shacab Ka fogow ''

0
Wednesday 3rd October 2018 12:07:29 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muusow,,, Kacdoon Beeleysan Shacab Ka fogow ''

    Dadkeenu waa ul iyo diir Dan wadaagta dhaqan yahan Gacal iyo Sookeye ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkeenu waa ul iyo diir Dan wadaagta dhaqan yahan Gacal iyo Sookeye ah

Caynkaynu ku ogeyn
Daaqsiin iyo xoolaha
Derbi gaar ah kala xidhin
Duugsi nabadu ay tahay
Dawo qaran waxay tahay
Dowladnimo Dareen badan
Shacabkoo daryeel hela
Gacalkoo kala dilin
Dano gooni loo deyin
Taajirku Dilaal noqon
Dibin dabyo laga dii'do
Bulshadeena kala geyn
Daadka waa la' moosa



Anigu haddaan madaxweyneMuuse Bixii Cabdi ahaan lahaa asxaabta mucaaridka xilalka sare-sare qaranka wax kasiin lahaa lana yeelan lahaa wadatashi joogta ah.

JabhadaKorneyl Caarree wada hadal u furi lahaa ergo miisaan leh oo xul ah ka tirsan Xisbiyada qaranka madax dhaqameed u diri lahaa.


Fikrada ah laysku joojin maayo waa nidaam keli talisnimo madax adeyg macaangegnimo ka muuqato.
Aan dan u ahayn qarankeena curdinka ah oo leh cadow faro badan. Laga faa'iideysan karo adeegsan karo qurbejoog iyo qol-qol joogba.


Dalka iyo dadka madaxweyenMuuse Bixiimidee Taariikhdii iyo dhaxalkii (legacygii) Madaxweyne Xaji Axmed Siilanyo godmadow haku ridin.

Talo waxaan usoo jeedinayaa kooxaha hubeysan qurbejoogu maalgeliyo iyo cadow liid ku ah isku duunbida wadajirka dimoqraadiyadda Somaliland dalkeena iyo dadkiina u tudha qaxoontii shacabkeenu ma qaadii karo maanta.



Cali C/laahi Ismaciil Dheeg
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid
Wales, UK.

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS