"Waa In Komishanku Iscasilo," Prof Cabdi Cali

0
Friday 5th October 2018 13:04:37 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa In Komishanku Iscasilo," Prof Cabdi Cali

    Prof Cabdi Cali Jaamac oo hore xilal isaga casilay ayaa guddida doorashooyinka Somaliland ugu baaqay in ay iscasilaan. Waxa uu sheegay in maaddaama xisbiyadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof Cabdi Cali Jaamac oo hore xilal isaga casilay ayaa guddida doorashooyinka Somaliland ugu baaqay in ay iscasilaan. Waxa uu sheegay in maaddaama xisbiyadu
isku fahmi waayeen shaqada Komishanka waxa guddi ahaan la gudboon yahay in ay iscasilaan oo hawsha fududeeyaan.
Maxaa La Gudboon Xubnaha Komishanka Doorashooyinka.

"Anigoo aad u ixtiraamaya xubnaha Komishanka, qaarkoodna aanu asxaab nahay, haddana waxan ku baraarujin lahaa in la soo gaadhay xilligii ay iyagu dib isugu noqon lahaayeen, mar haddii arrinkii qir iyo qir is taagay.

Adduunyadu waa sharafta iyo baabah; inkastoo aydaan siyaasiyiin ahayn, haddana ma tihidin shaqaale caadi ah; hawsha aad haysaana waa siyaasadda dhuuxeedii; siyaasaddu damcad bay leedahay; immika wixii ka danbeeya haddii aad idinku fududayn waydaan, waxa laga yaabaa in sharaftiina dhaawac soo gaadho; cuntada aad karisaan immika wixii ka danbeeya, ma yeelan doonto wax dhadhan ah; xataa haddii aad xawaashka ku badisaan!!!!; sidaa darteed, markaan eego milgihiina iyo milgaha xilka aad haysaan, waxa idiin fiican in aydaan sii joogin, xataa haddii sidaa laga idinka codsado.


Haddii aad sidaa yeeshaan waxaynu noqon ummad leh dhaqan siyaasadeed (political culture); idinku waanin maayo wax aanan angiu dhaqan u lahayn, laakiin runtii waa mid ka mid ah sababaha aan isku casilo anigu, markaan waxba garan waayo.”
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS