[Breaking News:-] Sawirada iyo magacyada saraakiisha Sacuudiyaanka ee loo haysto dilka Jamaal Khashoggi oo la shaaciyey Iminka

0
Wednesday 10th October 2018 13:35:55 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 776
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Breaking News:-] Sawirada iyo magacyada saraakiisha Sacuudiyaanka ee loo haysto dilka Jamaal Khashoggi oo la shaaciyey Iminka

    Breaking News:- Sawirada iyo magacyada saraakiisha Sacuudiyaanka ee loo haysto dilka Jamaal Khashoggi oo la shaaciyey Iminka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Breaking News:- Sawirada iyo magacyada saraakiisha Sacuudiyaanka ee loo haysto dilka Jamaal Khashoggi oo la shaaciyey Iminka














Istanbul (Karin News):- Saxaafadda waddanka Turkiga ayaa shaacisay sawirrada 15 sarkaal oo Sacuudiyaan ah kuwaasoo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen in la waayo qoraaga caanka ah ee Sacuudiga Jamaal Khashogi oo Talaadadii 2-da Bishan lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Muuqaalada iyo magacyada Saraakiisha Sacuudiga oo gaaraya 15 ayaa laba diyaaradood ku tegay magaalada Istanbuul isla maalintii la waayey Qoraaga Jamaal Khashogi, waxayna isla maalintaas ka duuleen magaalada iyadoo ku kala laabtay Sacuudiga, markii ay sii mareen Qaahira iyo Dubai.

Sidoo kale waxaa raggan loo heysaa inay ka danbeeyeen dilka Qoraaga iyo wixii ku dhacay, iyadoo uu socdo baadhitaanka halkii uu ku danbeeyay Qoraaga oo si weyn looga hadal hayo dunida oo dhan, iyadoo lagu wado in warbixin rasmi ah ay soo saarto dowladda Turkiga,faafinta magacyada iyo muuqaalada raggan lagu tuhusan yahay inay yihiin kooxdii geysatay wixii ku dhacay qoraaga oo dhaliili jiray madaxda Boqortooyada ayaa jug kale ku ah Sacuudiga oo tuhunka dilka qoraagu uu saaran yahay.





LATEST NEWS