Wafdigii uu horkacayey wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha ,maxamed Muuse Diiriye ayaa ku qanciyey Ex maayar maydhane inuu is casilo.by Ahmed jama

0
Wednesday 10th October 2018 13:59:29 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 91
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdigii uu horkacayey wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha ,maxamed Muuse Diiriye ayaa ku qanciyey Ex maayar maydhane inuu is casilo.by Ahmed jama

    Inkastoo madaxweynuhu ku soo darey wasiir ku xigeenka maxamed Muuse Diiriye dad isku hayb ah oo ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo madaxweynuhu ku soo darey wasiir ku xigeenka maxamed Muuse Diiriye dad isku hayb ah oo ay
ka xanaaqeen bulshada reer borama hadana waxay ku liqeen wasiirka oo ahaa shaqsi ka soo baxay masuuliyadiisii loo idmadey.



Lkn shacabka reer borama waxay aad uga boodsanayeen wasiir saajin iyo Axmed sh cali ayaanle oo lagu bartey iney caan ku yihiin qabyaalada,kala qaad qaadka dadka reer borama taas baana keentey iney ka shikiyaan waftiga uu madaxweynuhu u soodirey borama




Masuulyiintan dawladda Dhexe oo Boorama ku sugnayd ilaa arbacadii ayaa arrinta Golaha degaanka soo dhexgalay kaddib markii eedeymo isugu jira amar diido iyo musuqmaasuq loo jeediyey maayarkii hore,maxamed Maydhane isla markaana koox ka tirsan xildhibeenada golahaasi ku baaqeen in xilka laga xayuubiyo.



balse taa beddelkeedii aqlabiyadda golahaasi kana koobnaa 9 sagaal Xildhibeen ayaa gaashaanka u daruuray soo jeedintaasi waxayna ku adkaysteen in maayarka xilka looga qaadi karo fadhi an caadi ahayn fadhigaasina u qabsoomi waayey xildhibeenada mooshinka keenay,waxayna taasi sababtay in xukuumadda dhexe soo farageliso maayarkana ku qanciyaan inuu xilka ka dego haddii kalese uu muteysan donaa xadhig.



20 ka mid ah xildhibeenada Golahaasi oo saaka kasoo xaadiray Golahaasi ayaa Maayar Maydhane wuxuu ku dhawaaqay inuu xilka ka degeyo cid kalena loo doorto Golahaasi tallabadaasi oo ahayd laga sugaayey maayar maydhane inuu yidhaahdo sidaasi taasina waxay guul u keentey waftigii uu horkacaayey wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha maxamed Muuse Diiriye.



Kaddib loolan adag oo dhex maray Maayarkuxigeenkii hore Boorama laguna magacaabo maxamed dheereyste ,iyo maayarkii hore ee Magaalada Saleemaan Xasan Xaddi kaasoo cod gacan taag ah markii loo qaaday toban cod ka helay 19kii xubnood ee golahaasi halka maayarkuxigeenkii horena u helay sagaal xubnood waxana an codeynin maayarkugeenka haatan ee golahaasi oo la yidhaa maxamed Ileeye oo isagu ahaa guddoomiyaha fadhiga maadaama u guddoomiyuhu xilka ka degay.Masuuliyiintii dawladda dhexe iyo dadweyne kale oo halkaa ka hadlay ayaa dhammaantood xildhibeenada kula dardaarmay inay ka wada shaqeeyaan danta iyo horumarka Magalada borama.



By Ahmed Jama


Paris France

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS