[War Hadda Soo Dhacay:-] Maamulka Puntland Ee Garoowe Oo Iminka Dadweynaha U Diray Digniin Caalami Ah [Maxaa Soo Kordhay?]

0
Wednesday 10th October 2018 16:11:48 in Wararkii Maanta by Xafiiska Sare
  • Visits: 1626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Hadda Soo Dhacay:-] Maamulka Puntland Ee Garoowe Oo Iminka Dadweynaha U Diray Digniin Caalami Ah [Maxaa Soo Kordhay?]

    War Hadda Soo Dhacay:- Maamulka Puntland Ee Garoowe Oo Iminka Dadweynaha U Diray Digniin Caalami Ah Maxaa Soo Kordhay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Hadda Soo Dhacay:- Maamulka Puntland Ee Garoowe Oo Iminka Dadweynaha U Diray Digniin Caalami Ah Maxaa Soo Kordhay?














Garoowe (Karin News):- Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu u digay dadka ku nool meelaha la filayo in ay ku dhufato duufaanta Luban.

C/laahi Xaashi Cayrow, madaxa hay'adda ka hortagga masiibooyinka ee Puntland (Hadma), ayaa BBC u sheegay inay la xiriireen gudoomiyeyaasha, duqeyda magaalooyinka iyo taliyeyaasha booliska ee deegaannada ay duufaantu ku soo socoto.

"Seddex maalmood ka hor ayaan billownay in aan la xiriirno, waxaana farnay in ay dadka u sheegaan inay is uruursadaan".

  • View image on TwitterView image on Twitter

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @metofficestorms

"Qolada gaadiidka badda ayaan iyana uga dignay in gaadiidka badda ee Dubai ka yimaada ee Soomaaliya soo aada ay halkooda joogaan, kuwa Boosaaso fadhiyana ay halkooda fadhiyaan inta laga gaarayo Isniinta" ayuu yiri C/laahi Cayrow.

Wuxuu intaa ku daray in wakhtigaas wixii ka dambeeya loo malaynayo in duufaantu ay u dhaafi doonto dhanka marinka Baabul-mandab.

"Dadka waxaan kaloo uga dignay in aysan doomo kalluumaysi badda la gelin inta ay duufaantu socoto. Waxaan kaloo farnay in reer miyiga ay ka uruursadaan meelaha biyo mareennada ah iyo dhulalka dooxooyinka ah si ay uga nabad galaan daadadka ka dhalan kara roobabka xoogga leh ee duufaanta la socda" ayuu yiri Ceyrow.

Cabdullaahi Xaashi Cayrow wuxuu maraakiibta iyo doomaha faray in aysan badda gelin ilaa Isniinta
Image captionCabdullaahi Xaashi Cayrow wuxuu maraakiibta iyo doomaha faray in aysan badda gelin ilaa Isniinta

Cabdullaahi Xaashi Cayrow iyo maamulka Puntland midkoodna kama hadlin qorsheyaal lagu daadguraynayo dadka ku nool meelaha la ogyahay in duufaanta xoogeedu uu ku soo fool-leeyahay.

Saacadaha hore ee Axadda ayaa la filayaa in duufaantaas Luban ay ku dhufato cirifka bari ee Soomaliya ee ay iska galaan badweynta Hindiya iyo badda cas.

Deegaannada Soomaliya waxaa ku yar ama aan ka jirin imkaaniyaadkii iyo awooddii lagula tacaali lahaa masiibooyinka dabiiciga ah, xataa haddii laga sii warhayo.





BBC

LATEST NEWS