Lacagta Ay Koox Walba Ka Heli Doonto Koobka UEFA Champions League Oo La Shaaciyey [Adigu Kooxdee Wadataa Akhriste?]

0
Thursday 11th October 2018 06:15:15 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacagta Ay Koox Walba Ka Heli Doonto Koobka UEFA Champions League Oo La Shaaciyey [Adigu Kooxdee Wadataa Akhriste?]

    Lacagta Ay Koox Walba Ka Heli Doonto Koobka UEFA Champions League Oo La Shaaciyey Adigu Kooxdee Wadataa Akhriste?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lacagta Ay Koox Walba Ka Heli Doonto Koobka UEFA Champions League Oo La Shaaciyey Adigu Kooxdee Wadataa Akhriste?




Koobka horyaalada yurub ayaa bilaaban doona, habeen dambe ayaa qaar ka mid ah garoomada yurub laga baasan doonaa, sidaas darteed waxaa faah-faahin laga bixiyay qiimaha lacageed oo ay koox walba ka heli doonto tartankaan.

Xidhiidhka qaaradda yurub ee UEFA ayaa sare u qaaday lacagaha ay heli doonaan kooxaha ka qeyb galaya tartanka marka lala barbardhigo fasal ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxaana sanadkaan fursad fiican heli doona kooxaha u gudba wareega bug-baxda kuwaas oo heli kara lacago badan.

Marka laga hadlo bilowga waxey koox walba heli doontaa 15.25 Malyan oo Yuuro, lacagahaas waxaa ku kordhi doona 2.7 Malyan oo Yuuro oo guulo ah iyo 0.9 Malyan oo lagu heli doono barbaraha.






Sidaas darteed kooxdii hesha 6-guulood oo tartanka yurub ah waxey ka dhigan tahay iney jeebka ku shuban doonto 16.2 Malyan oo Yuuro.

 

Marxaladaha iyo sida lacagaha loogu helo:

Hadii kooxda usoo baxdo wareega 16-ka waxey heli doontaa 9.5 Malyan oo Yuuro.

Hadii kooxda usoo baxdo Quarter Final-ka waxey heli doontaa 10.5 Malyan oo Yuuro.

Hadii kooxda usoo baxdo Semi Final-ka waxey heli doontaa 12 Malyan oo Yuuro.

Hadii kooxda usoo baxdo Final-ka waxey heli doontaa 15 Malyan oo Yuuro.

Hadii ay ku guuleysatana waxey heli doontaa 4 Malyan oo Yuuro dheeraad ah.

Marka laga hadlo fasalkii hore koox walba oo ka qeyb galeysay waxey heshay 12.7, sidaas darteed waxaa sanadkaan jira koror (2.55 Malyan ah), sidoo kale guusha waxaa lagu helayay 1.5 Malyan, waxaa lagu kordhiyay 1.2 Malyan, halka barbaraha lagu helayay sanadkii hore 0.5 Malyan, waxaana lagu daray (0.4 Malyan).

Ugu dambeyntiina kooxda ku guuleysata tartanka waxey jeebka ku shuban doontaa 4 Malyan oo Yuuro lacag ka badan sanadkii hore.

LATEST NEWS