|
|
Shirkad Sameysa Doolarka Been Abuurka ah Oo La qabtay & Masuul Dawladda Ka Tirsan Oo Kiiska Tuugada Fududeeyay [Waa Kuma?]
Shirkad Sameysa Doolarka Been Abuurka ah Oo La qabtay & Masuul Dawladda Ka Tirsan Oo Kiiska Tuugada Fududeeyay [Waa Kuma?]
Muqdisho (Karin News):— War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda Nabad Sugida iyo Sidrdoonka Magaalada muqdisho ee ( NISA) oo lagu daabacay barta Twitterka hay’adda ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka garoonka Muqdisho ay gacanta ku dhigeen Shabakad ka shaqeysa lacag dhaqidda iyo sameynta doollar been abuur ah.
Hay’adaha ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in labo ruux lagu qabtay Shabakadda lacagta dhaqda , islamarkaana NISA waxaa ay sheegtay in kuwo kalana lagu daba jiro, Waxaa uuna howlgalkan ka dhacay Gudaha garoonka Diyaaradaha Mqdisho ee Aadan Cadde.
"Ciidamada amaanka garoonka Adan Cade ee Muqdisho, waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu dabajiraa,”.
Hay’adda Nabadsugidda ayaa sheegtay in shabakaddaas uu howlaha u sahlay mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ,waxana galka baadhista ee shabakadda loo gudbiyay hay’adaha sharciga. |
Copyright © 2010 - 2019 Karin News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |