[War Deg Deg Ah:-] Warkii Ugu Naxdinta Badnaa Jabuuti Iyo Soomaaliya oo Iminka Dp-world Shaacisay

0
Thursday 11th October 2018 13:14:28 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 3187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [War Deg Deg Ah:-] Warkii Ugu Naxdinta Badnaa Jabuuti Iyo Soomaaliya oo Iminka Dp-world Shaacisay

    War Deg Deg Ah:- Warkii Ugu Naxdinta Badnaa Jabuuti Iyo Soomaaliya oo Iminka Dp-world Shaacisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:- Warkii Ugu Naxdinta Badnaa Jabuuti Iyo Soomaaliya oo Iminka Dp-world Shaacisay






Hargeysa(Karin News):- Shirkadda Dp World ayaa BBC World Service u sheegtay in aanay dib ugu noqon doonin dekedda Jabuuti ee lagala wareegay taas bedelkeedana ay culayska saarayaan horumarinta dekedda Berbera ee Somaliland. Guddoomiyaha DP World Suldaan Axmed Bin Sulaymaan waxa uu sheegay in ay dawladda Jabuuti kula jiraan dagaal sharci si ay u helaan saamigooda ah 33% iyo faa’iidada ay heli lahaayeen 20 sannadood oo heshiiska uga hadhay "Ma doonayno in aanu ku noqono Jabuuti. Waxaanu kula jirnaa dagaal sharci oo ay iyagu bilaabeen,” Sidaas ayuu sheegay guddoomiyaha DP World.

Guddoomiyaha DP World oo sheegay in ay hadda xoogga saarayaan horumarinta dekedda Berbera waxa kale oo uu tilmaamay in Somaliland oo aan la citiraafin wax dhib ah ku hayn heshiiskooda "Ma keenayso wax dhibaato sharci ah maxaa yeelay waa wax qabad dhaqaale waana deked la doonayo in ay shaqooyin abuurto,” ayuu yidhi Suldaan Axmed. Shirkadda DP World ayaa shalay munaasibad dekedda Berbera lagu qabtay ku dhagax dhigtay balaadhinta dekedda oo la bilaabay waxaana isla maanta madaxtooyada Somaliland lagu qabtay xaflad lagu waynaynayo bilawga mashruuca balaadhinta dekedda Berbera. 







LATEST NEWS