Axmed Siilaanyo:-Hoggaamintiisii Mucaaridka, Muxaafidka Iyo Go’aannadii taariikhda galay

0
Monday 5th November 2018 12:05:37 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Burco
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Siilaanyo:-Hoggaamintiisii Mucaaridka, Muxaafidka Iyo Go’aannadii taariikhda galay

    Sidda runta ah Anigu shaqsiyan aqoon gaar ah umma lihi, walow aan ka soo shaqeeyay Xukuumaddiisii,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidda runta ah Anigu shaqsiyan aqoon gaar ah umma lihi, walow aan ka soo shaqeeyay Xukuumaddiisii,
haddana maan ahayn Mansabyadda siyaasad ahaan ama Shaqo ahaan ay sida toos ah isu gaadhaan Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Siilaanyo.

Haddana, shakhsi ahaan waxan ku tirinaya ama u yahayba ruug cadaayada siyaasadeed ee somaliland ee faro ku tiriska ah ee maanta ka sii nool rugcadaayadii siyaasadeed ee reer somaliland.

Waxa kale, oo an humaag ku jirin in Madaxweyne Siilaanyo uu kamid yahay raga dalkan iyo dadkanba ,wakhtigiisi maalkiisi maskaxdiisi, muriqiisi aqoontiisi naftiisi intaba usoo horay.

Dhinaca kale, Waxa odhan kara waxa ii suuro galinaya inaan wax ka qoro ama wax ka sheego, Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Siilaanyo maaddaama aanan aqoon shaqsi u lahayn shaqo ahaana aanan is gaadhin , haddana waxa i samaxaya inaan wax ka qoro sirta ku duugan talaabooyinka ama hogaaminta siyaasadeed ee uu ku talaabsaday, mudooyinkii kala duwannaa, kuwaasoo aan si dhaw markasta ula socday maaddaama aan ahaa shakhsi dalka ku nool, isla markaana si togan ula socda dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka ka socday.

Intaa haddii aan kaga baxo aarraarta Qormaddan, unna gudbo dulucda qoraalkayga waxaan kaga hadli doonnaa Hoggaamintii siyaasaddeed ee Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Siilaanyo Wakhtigii Mucaaridka, taasi oo ka bilaabmaysa Asaaskii Urur siyaasadeedkii KULMIYE.

Wakhtugii uu madaxweyne silanyo ka degay xilkii wasiirnimo ee xukumadii marxum cigaal. ninkii garanaya garanaye, Axmed silanyo wuxuu ku dhawaqay in uu siyaasada ka nasanyo amaba ka tanaasulay, sida u ka sheegay mediaha.

mudo yar kadib waxa geeriyooday madaxweynihi cigaal waxana xilka madaxweyne nimo la wareegay dahir rayaale kaahin. oo aha kuxigeenkii marxum cigaal.

Markii dhacdada geerida madaxweynuhu dhacday ee xilki madaxweyne nimo lo dhaariyaya dahir rayale kahin, waxa mudo yar kadib saaxada siyasaada dib ugu so laabtay madaxweyne silaanyo. waxanu si degdega u aasaasay urur siyaasadeedka maanta ah xisbiga kulmiye asagoo gudoomiye ka noqday.

Wakhtiga ururka u asasay axmed silanye, waxa la weydiiyaya oo saxafadu waydiisay , goankii hore ee u ku sheegay in uu siyaasada ka fadhiistay kana nasanayo? Md Axmed silaanyo waxa uu si fudud oo macqula uga jawabay suashaas waxanu yidhi asagoon is dhibin.

”Ismaan soo sharaxeen ama ururkan man fureen hadii madaxweynihii hore ee cigaal nolyahay waato wuxu ahaa nin aan dalka iyo dadkaba ku aaminayay oo anan loga baqanayn. laakin markii xaqii u yimid. ee u geeriyooday waxan go.aansaday in aan dalkii u gurmado isuna so taago hogaaminta dalka madama dalkan tacab naf iyo maalba leh loo so galay in aanu maanta laba farod dhexdooda ka bixin , tasa igu so celisay masaraxa siyaasada”

dhanka kale saaxada siyaasada ee dhanka ururada waxa ku sii jiray ururo badan oo siyaasadeed o anan halkan ku wada xusayn balse waxan xusaya oo kaliya urur siyaasadeeskii asad oo u gudomiye ka ahaa gudomiyaha golaha gurtida md saleban . halka waxan ka wada in gudoomiye saleeban oo ah siyaasi weyn oo ay isku beel ka soo jeedan madaxweyne silaanyo, aya waxay kala hogaaminayeen laba urur siyaasadeed. kuwas oo runtii ahaa laba urur oo midba midka kale caqabad siyaasadeed ki yahay, madama labada hogaamiye ay yihiin siyaasiyiin isku degaan iyo beel ka soo wada jeeda.

labada hogaamiyana way dareensanayaan sida labadooda urur siyaasad ahan midba ka kale caqabad siyaasadeed ugu yahay. laakin nin waliba tabtii iyo xeladii siyasadeed ee ururukiisu ugu so bixi laha ayuu diyarsaday isticmaalayna.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la galay doorashadii u horaysay ee golaha degaanka, waxana tartankii ururada marxalada xisbinimo ugu soo gudbay sadexda urur siyaasadeed ee kala ah Udub, Ucid. iyo Kulmiye.

Guulihii siyaasadeed ee uu soo hoyay ururukii kulmiye ee gudomiyaha ka ahaa Axmed Silaanyo. ee wwkhtigas.

  1. Waxa ugu horayn ku guuleystay in uu si sababaysan oo macquula ugu so laabto saaxada siyaasada, asagoo jawab lagu qanco ka bixiyay ku so noqoshada masaraxa siyaasadeed madama hore asagu u shaaciyay inu ka fashiistay.
  2. Waxa uu ku guulaystay in ururki u hogaaminayay usoo gudbo xisbinimo waliba kalinta labaad ku baxo ,
  3. Waxa kale oo uu ka gudbay ama ka guulaystay urur siyaasadeedkii asad oo asagu markaa si gaar ah caqabad siyaasadeed ugu ahaa sababihii aynu soo sheegnay.
  4. Waxa kale oo iyana guul siyaasadeed u ahayd Madaxweyne silaanyo, in ururukii asad ee caqabada ku ahaa markii uu hadhay siyaasiyiin ama mujaahidiin badan oo ku jirtay intoodii badnay ay si toosa ugu biireen xisbigii kulmiye.
  5. Waxa kale oo iyana guul fajaciso ahayd in doorashadii labaad ee uu madaxweyninamada u tartamay md Silaanyo muran kadib 80 cod lagaga helay oo uu kaga helay Xisbigii udub oo runtii asago ahaa mid mudo dher urur ahaan soo jiray kana fac weyn kulmiye oo asagu markaas jiray mudo koban. marka lo eego Udub .

La Soco qaybta danbe

Cali Xasan Cawaale

Tell:- 0634241051



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS