Waan Bogaadinayaa Isbaddelka Siyaasada Amuuraha Dibbada Somaliland,

0
Monday 5th November 2018 12:13:53 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Burco
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waan Bogaadinayaa Isbaddelka Siyaasada Amuuraha Dibbada Somaliland,

    Wasaarada Amuuraha Khaarajiga Somaliland ayaa mudooyinkan danbe samaysey wax ka baddel nidaam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Amuuraha Khaarajiga Somaliland ayaa mudooyinkan danbe samaysey wax ka baddel nidaam
 oo dhinaca macaalimaadka beesha caalamka (International Communityga), Taasoo culeyska saartey isfahanka iyo cilaaqaadka wanaagsan ee mandaqada ay ku taalo ee Geeska-afrika ama wadamada ay jaarka yihiin, Mudada Xukuumadani Hogaamiye Biixi talada haysay iyo sanadkii ka horeeyeyba waxa aad loo saluugsanaa Siyaasada Amuuraha Dibbada ee uu hagayo Wasiirka qun-yar socodka fahmada badan ee lagu magacaabo Dr. Sacad Cali Shire, Mudadan laga dareemayey hadhka iyo caadka amuuraha khaarajiga waxa si weyn is baddashey Dabaysha Siyaasada Caalamka iyo Xidhiidhada Dibloomaasiyadeed, Waxa dhashey ama curtey isbaddalo hogaaneed oo aragtiyo cusub wata iyo is-xulafaysi cusub oo salka ku haya danaha caalamiga ah ee ay door-bidayaan Quwadaha Aduunku.

 

Hadaba si ay Somaliland u hanato himiladeeda Aqoonsi-raadis iyo ka mid noqoshada Quruumaha Midoobey waa iney ku qancisaa wadamada jaarka iyo cida doodu ka dhaxeyso oo ah Dawlada Federaalka Soomaaliya, Wadamada Somaliland kala shaqeyn kara gooni-isu-taageeda ictiraafeysan waxa ka mid ah wadamada (Ethiopia, Kenya, Djabouti, Uganda, Tanzania, Sudan, Iyo qaar kale oo isla Geeska ah), Hadaba labadii bilood ee ina soo dhaafey oo ay aad u baaxaa-dagayeen dabaylaha isbaddel ee dhamaan caalamku ayey qorshe diyaarisey Wasaarada Khaarajiga Somaliland yadoo ka duuleysa guulaha ay gaadhey iyo ama caqabadaha ka hor-yimid, Qorshahani ayaa waxa uu suura-galiyey xog-ogaalnimada ay hayso Wasaarada Arimaha Dibbadu una fududeysay fahan fara-badan oo la xidhiidha istaraatajiyada ay ka duuleyso kuna hawl-galayso Somaliland.

Mudadii ugu danbaysay waxay Somaliland si fiican indhaha ugu kala qaadey Saaxadii Siyaasada geeska waa shirkiiye, Waxa lagu soo casuumay gudaha Somaliland xubno marti-sharaf wadamada geeska-afrika iyo dalelka kale ee aduunka, Wax badan ayaa lagu lafo-gurey sidoo kale waxa la soo ban-dhigey halkii la taagnaa , wixii qabsoomey iyo waliba waxyaabaha dhiman ugu danbayn waxa kulamadaa ka soo baxey talooyin ama wadiiqooyin ay Somaliland wax ku raadsanayso yadoo caalamkuna marag ka yahay, Dadaaladan oo iska iba-furnaa shirka ka hor ayaa suura-galiyey kulan dhex marey Wasiirada Amuuraha Dibbada Somaliland iyo Ethiopia (Dr. Workneh Gebyahu Iyo Dr. Sacad Cali Shire), Kulankani oo wax badan ka baddaley tuhunkii Dawlada weyn ee Ethiopia laga qabey gaar ahaan Somaliland intan isbaddelku ka dhacey dhinaceeda, Yada oo la xaqiijiyey in Ethiopia ay ka soo dabacdey halkii ay taagnayd intan uu hogaanka qabtey Dr. Abbiy Ahmed Ali Ra,iisel-wasaaraha Cusubi.

Dadaaladani oo sii durkaya ayaa si wacan waxay ugu fideen ama ay ugu balaadheen Geeska-afrika si tartiib-tartiib ah waxaana ka muuqda ifafaalo midho-dhala, Sida ka muuqatey mudadan aan xuseyno ayaa waxa lagu arkeyey safaro isdaba-joog ah oo uu ku gaalaa-bixinayey wadamada jaarka ee Geeska-afrika Sida (Djabouti iyo Kenya), Djabouti yada laba safar ayuu ku tagey isla mudadani yadoo uu la soo kulmay Wasiirku waa Dr.Sacad Cali Shire,e dhigiisa djabouti iyo xubno kale oo isla golaha Wasiirada Djabouti ah, Halka Wadanka Kenyana uu xadhiga ka jarey Xafiika Safaarada iyo waliba mid ganacsi isla markaana la balaadhiyey xarunta safaarada , Yada waan soo xusney Ethiopia oo wuu gaadhey walibana kulan goos-goos ah ayuu ku soo qaatey, Raadedka imika ka muuqda foolkeena ayaa waxay muujinayaan libin ama guul u soo hoyatey Somaliland taasi oo inta ugu badan ay dadaalkiisa aheyd Dr.Shire Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibbada Jamhuuriyada Somaliland.

Talaabadani ayaa waxa laga dhex dheehday fahan Siyaasadeed oo ay Somaliland Wajahdey waliba ta arimaha dibbada, Hadaba tani waxay fududaynasaa inaan helno wado bilaa tur-xaan ah oo aynu u marno Aqoonsigeena, Aduunku waa xulafooyin ta ay Somaliland cagta saartayna waa halka loo loolamayo in loo kala badiyo waxa kaliyaata ee la sugaaba waa madal dood caalamiya oo ay isu food-saaraan Somaliland Iyo Soomaaliya waliba ay gadh-wadeen ka yihiin wadamada jaarku oo door laxaad leh ku leh madasha ka gar naqida dalalkan moransan ee is dulmay, Guulahaasi wasaarada khaarajiga waan bogaadinayaa waxaanan leeyahay hambalyo waliba waxa idin sugaya wado dheer oo lagu jafayo helitaanka Qaran madax-banaan oo caalamiya lana yidhaahdo Somaliland, Waa hubaal in hiigsigeeda la gaadhayo wax kastoo la galiyo dadaal iyo juhdi quwad leh loona wada dhan yahay , Runtii Wasaarada Amuuraha Dibbadu waa muraayada ama hal-beega Somaliland laga dhex eegayo tayadeeda iyo taagteeda dawlad ahaaneed.

Sidaan aaminsan nahay kuma helayno Aqoonsi doorasho iyo waxyaabahan ay Beesha Caalamku inagu beer-laxawsato balse waxaan kaliya ku haytiyeynaa kartideena dadaal ee ku aadan Suuq gaynta caalamka ee qadiyada Somaliland. Kadartaasina waan ka gudbi kareynaa marka aad eegto xajmigeena aqooneed iyo fahankeena mucaamilaadka aduunka, Waxa waliba aad u suura-galinaya istaraatajiyada mandaqada aan ku dhaqan nahay, Juquraafi ahaan iyo taariikh ahaanba waayo dhulka Somaliland waxa ku duugan taariikh mug-weyn iyo aasaar qadiimiya oo aan imika dadkeedu dareemin balse wakhtigeeda la sugayo, Waa xaqiiq biyo-kama-dhibcaan ah in xiligeeda la gaadhi doono yadoo Somaliland ka mid ah Calaamka waliba ku dhex leh xuquuq quruumaha iyo umemka midoobey waa marka ay wakhtigeeda gaadho, Waxase loo baahan yahay in sidaa maanta loo dadaaley loo dadaalo loona fahmo giraamaha geeska, Ugu danbeyntii dadaalada qodobka ugu danbeeya waxaan u amaaninsan nahay imaatinka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey (Mr. Nicholas Hoymos ), Waxaanan ka fileynaa guul is-af-garad iyo gobanimo in lagu dabaalo amuuraha dhex yaala labadan dawladood.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Diplomatic Annalism.

Gabiley/Somaliland.

[email protected]



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS