Aqoonsi La,aanta Somaliland Macnaheedu Ma Ma Madaxbanaanaa?...W/Q Maxamed Xaaji

0
Tuesday 6th November 2018 11:01:37 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Burco
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonsi La,aanta Somaliland Macnaheedu Ma Ma Madaxbanaanaa?...W/Q Maxamed Xaaji

    Ma jiro hal dal oo Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsan waddan madaxbannaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma jiro hal dal oo Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsan waddan madaxbannaan

, waana sababta keentay in aynaan kursi ku yeelan fagaarayaasha caalamiga ah ee dalalku adduunku ku bahoobeen. Waxase jira in 193-ka dal ee Qaramada Midoobay ku bahoobay ay qirsan yihiin guulaha Somaliland ay ka soo hoysay nabad-galyada, dawladnimada, dimuqraadiyadda iyo horumar sare oo aan cid kale wax ku lahayn iyada oo ku taal mandaqad iyo qaarad aad u halis badan.


Waxa kale oo dunidu ogtahay in Somaliland 27-kii sano ee u danbeeyey aaney ka mid ahayn Soomaaliya oo ay iskeed u ga go’day (Unilateral withdrawal). Waxa taa caddayn u ah erayga caan baxay ee Somaliland loo gaar yeelay ee ah ‘’Self-Declared Republic’’ oo sheegaya in Jamhuuriyadda Somaliland ay iskeed gaar ugu taagan tahay oo ay iskeed u madaxbannaan tahay. Hadalka noocan ahi waa hadal mug iyo miisaan weyn, waana hadalka Taiwan ka gaar yeelay China, Falastiinna ka gaar yeelay Israel.

 

Dadka inta aan wax badan ka fahmin shuruucda caalamiga ah, iyo siyaasadda hal-keliyaalaha ah ee loo yaqaan ‘’One Policy’’ waxa la ga yaabaa in aaney aad u fahmin erayada farsamo ‘Technical Terminologies’ ee loo adeegsado magac-bixinta qarannimada iyo dawladnimada ee siyaasadda ku taxalluqa.

Adduunyadu waxa ay si kal-furan u ga dharagsan tahay in Somaliland ay ku dhisan tahay heshiis bulsho oo u gaar ah, in ay leedahay dawlad gaar ah oo xukunta dhul gaar ah, oo leh shuruuc gaar ah – si wal oo khusaysa dawladnimo/qarannimo ay u ga madaxbannaan tahay Soomaaliya.

Keliya aqoonsi la’aanta Somaliland ayaa kallifta in dalalka adduunka, hay’aadka caalamiga ah iyo qaramada midboobay ay si edboon u qayaxaan siyaasiyan erayo ka turjumaya sheegashada labada dhinac ka hor inta Soomaaliya iyo Somaliland aaney ku heshiin midow iyo kala tegis midkood.

Dunida cilmi-baadhista jaamacaduhu waxa Somaliland ay u adeegsataa ‘’Self-Autonomy’’ oo ah is-xukun iyo maamul gaar ah oo madaxbannaan. Saxaafadda adduunku badi waxa ay u adeegsadaan ‘’Self-Proclaimed/Self-Declared’’. Halka dalalka adduunku u adeegsadaan ‘’Autonomous Administration’’ oo ah dawlad amma maamul madaxbannaan meel se lugtu ugu xidhan tahay sharciyan.

Waa sidaa sida qaraarrada ka soo baxa Qaramada Midoobay iyo dawladaha kale ee Soomaaliya ka gargaara nabadda iyo siinta sadaqada masaasadaysan ee ay ugu horrayso mushaharka shaqaalaha dawladda, ciidamada iyo gunnooyinka kale ee la siiyo xildhibaannada Barlamaanka, Wasiirrada iyo Xafiiska Vila Soomaaliya in ay mar wal aa arrimaha Soomaaliya la ga hadlayo xusaan erayga ''Sovereignty and Territorial Integrity of Somalia’’ oo ah dhul iyo dawladnimo Soomaaliya hal baan u aragnaa.

Sidaas oo ay tahay haddana Somaliland si gaar ah ayey dunidu u la macaamishaa. Waxa taa ka markhaati ah barnaamijka ‘’Somaliland Special Arrangement’’ iyo ficilka ka dhashay ee loo yaqaan ‘’Somaliland Development Fund’’ oo ah qoondaha qorshaha gaarka ee sanduuqa horumarinta Somaliland. Aqoonsi la'aanta Somaliland macnaheedu ma aha Somaliland ma madaxbannaana.

Mohamed Hagi Mohamoud



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS