Gorfoynta buugga duca qabe, halgankii iyo siyaasadii maxamed x ibraahim cigaal:

0
Wednesday 7th November 2018 12:53:54 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gorfoynta buugga duca qabe, halgankii iyo siyaasadii maxamed x ibraahim cigaal:

    Buuggan waxaa qoray qorraa la yidhaahdo xasan cabdi madar , waxaana uu ka qoray mid ka mid ah siyaasiyiintii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buuggan waxaa qoray qorraa la yidhaahdo xasan cabdi madar , waxaana uu ka qoray mid ka mid ah siyaasiyiintii
somalida ee geeriyootay maxamed x ibraahim cigaal sida qof waliba iska garan karo mar hadii buuggu yahay mid uu qof ka qoray qof kale waa iska cadaan in aanu lahayn xiisaha uu yeelan lahaa buug uu qof ka qoray naftiisa, waliba xasuus qor uu qoray qof siyaasada amaba dhinacyada kale ee nolosha in badan ku soo jiray sida maxamed x ibraahim cigaal,hadaba Markii aan akhriyay buugga magacaas aan sare ku soo sheegay leh, cutubkiisa koowaad waxaa I dhex mirtay su,aalo badan oo aan buuggu ka jawaabin haba yaratee , qoraalkan ugumaan talo galin inaan kaga jawaabo su,aalahan waayo jawaabtoodu waxay ku jirtaa oo aan kaga jawaabay buug aan qoray balse aanan daabicin wali laakin waxaan garawsaday in aan su,aalahan u bandhigo dhalin yarada Somaliland iyo dhamaan kuwa somaliyeed ee daneeya inay taariikhda faaqidaan si ay wax uun uga fahmaan jidkii taarikheed ee somalidu soo gebi dhaclaysay iyo halkay maanta dhigtay .



Sida ay ku bilaabmayso dulucda buuggu ,Halgankii gobonimo doonka ,Kulankii xayle salaase iyo waftigii Somaliland ee uu hogaaminayay maxamed x ibraahim cigaal, 1950aadkii, nuxurkii wadahadalka oo ku saabsanaa dhulka reserved area waxaa uu ahaa sadex su,aalood oo ka yimi dhanka itoobiyaanka, dhulkaad ka timaadeen yaa ka taliya ?kan aad doonaysaan yaa na siisay ee aanu kala hadalnay? Idinku ashkhaas ahaan xor ma tihiin yaase ka socotaan? Sadexdaas su,aalood oo aan laga jawaabin jawaabna loo haynin ayaa kulankii dhamaaday waana lagu kala dareeray.
Hadii 1941 kii ingiriisku koonfur iyo waqooyi isku daray oo mideeyey isla markaana doonay inuu sadexdii gobol ee maqana ku soo daro sida qoraagu buuga horaantiisa ku sheegay waa maxay midowgan danbe? Talyaanigu muxuu uga tagay afartankii somalida sideese ingiriisku kula wareegay ? Duruufta talyaaniga ka gaxaysay somaliya sidee ingiriisku uga madhnaa waqtigaa isagaaba la qabsadaye?
Sidee midowagii labadii somaliyeed ku yimid? Midowgee?......



Waqooyigii somaliya iyo koonfurtii somaliya oo midoobay miyaanay ahayn somali wayn? Jibadii reer waqooyiga iyo cagajiidkii reer koonfurka maxaa sababay? Madaama labada gobolba dadkii metelayay ahaayeen shaqalihii gumaysiga Jibada iyo qiirada waqooyigu iyo caga jiidkii israaca ee reer koonforku ma ahaa wax yaga ka yimi mise labada dhanba waa lagu dhalinayay? Markii midowgii laysla qaatay maxaa keenay cabashada reer waqooyiga doodoodase maxaa ku saleeyey xilal? Awooda lagaga sareeyey ee lagaga sad bursaday se maxay ahayd?
Dhaxalkii is raaca: Cinwaanadii hore mid ka mid ah waxaa ku cadaa in talyaanigu koonfurta gumaysi xun markiyay isla markaana aanu wax horumar ah ka gaysan dhankuu doono ha ahaatee, isla cinwaanka xiga ee dhaxal kii is raaca waxaa ka muuqda in somaliland aanay dhisnaynba sidaa ay qabeen xisbiyadii iyo hogaanadii somaliland ka talinayay yagoo dalbanayay in dib loo dhigo is raaca inta laga helayo dheelitir dhanka dowladnimada ,dhaqalaha iyo ilbaxnimada ah sidoo kale waxaa cinwaankaa laftiisa uu qoraagu ku cadaynayaa in ingiriisku ku taliyay in uu shan sano oo danbe somaliland sii gumaysto isaga oo wixii uu sideedanka sano saamayn waayay marmarsiiyo ka dhiganayaa, waa iska horimaad ka taarikheed ee ay ku celceliyaan kuwa taariikhda gediyaa, taasi waa ta keentay in reer koonfureedka somaliyeed reer woqooyiga somaliyeed ugu yedhaan ,nin jooga oo aan la tirin, Nin maqan oo aan la tebin Iyo nin tegaya oo aan la joojin sida imikaba xaalka reer waqooyi ama somaliland tahay.
Aragtidii cigaal ee midowgii labada gobol qoraagu wuxuu ku sheegay in markii hore midowgoodu ahaa tijaabo ah in la midoobi karo , in dal ka go,o dal kale oo la tijaabiyo bal inuu cagahiisa isku taagi karo waynu aragnay ee yaa sheegaya dalal isugu biiray ama u midoobay tijaabo, sideedaba dabiiciyan in la midoobaa waa khayr balse qoraaga buugani wuxuu ku sheegay midowgii hoog halaag, in la burburay oo la baaba,ay kadibna in loo sii kala tagay jifi jifi iyo qoys qoys tasoo loo maray qax layska buuxayay ardu xabasha yadoo la joogay ogaden, magaalooyin burburay oo goraygu ka hadaafay, qoraaga buugan duca qabe wuxuu ku tilmaamay horumar iyo tanaad caqliyada sidaasana wuxuu ku amanay maxamed x ibraahim cigaal , sidoo kale wuxuu sheegay in ina cigaal aaminsanaa somaliya mid ah oo ku kala tagan wuxuu ku sheegay siyaasad, waxaa macruuf ah in siyaasada dal leeyahay midayso wax walba oo dalkaasi leeyahay side ayay suurta gal ku tahay in siyasad lagu kala tagan yahay hadana wax midayso?

Isbedelkii siyaasadeed : Cinkaasi wuxuu akidayaa in bookta kaliya ee somali loo samaystay ahayd reer waqooyiga oo doorkoodu ahaa inay jilaan doorkii gacmaha dadkii yurubiyaanka ah ee sheegta inay wax gumaystaan kuwaas oo markii hore ku riixay inay u jilaan siyaasad gacan ku rimis ah oo aan somalidu dhana wax door ah ku lahayn laakiin loogu kala guulaysanayay sidii loogu kala bislaa looguna kala karti badnaa balse waxaa wax laga xumaado ah in wali layska indha tirayo in si dhab ah loo waajaho, taas bedelkeedana laga sameeyo jaahwareer tariikheed oo lagu dawakhiyay dhalintii somaliyeed waliba kuwii reer waqooyi waayo qoraaga buugga duca qabe wuxuu xusay in midnimadii somaliya fashilantay oo kala kala lulatay intaan ina cigaal raysal wasaraha noqon isagoo runta ka baydhaya, midnimo fashilantay meeshaa ma jirin ee waxaa siyasadii midnimada ku saaqiday oo ku fashilmay reer waqooyigii somaliya taas waxaa cadaynaya in maxamed xaji ibraahim cigaalba markii uu ka xoroobay siyaasadii reer waqooyiga ee ku xidhnayd san cadalaha uu qayb libaax goostay waayo xilkaas sare ee cinwaaankani ka waramo kamuu helin reer iska daaye waabay fashilanayeen yagoo danaynaya inay iska wataan cabashadaas ay gidaarada la fadhiyaan wali tasoo reer koonfurkii somaliya ugu bixiyeen magacyo uu ka mid yahay ,"qaldaan" taas way ku saxsanaayeen laba siyoodba marka hore oo ay ku dhololayeen magaca midnimo aan maqnaynba laakin looga dhigayay shabuug lala dhaco kuwaas oo ahaa reer waqooyiga tasoo ay kala yimadeen hargaysa ,marka labaad oo ay midnimadii ay ku ololeeynayeen bilo gudeheed dureen oo ay ka shaqeeyeen inay kala turaan oo rabash iyo in qilaab kiciyeen ,waxay ku doodayeen oo aan misaan lahayn waayo waxaa ugu waynaa mansab iyo xil qof kaasoo hadii la dadaalo oo lala yimaado karti siyaasadeed ay waxaba ku helayeen sidaa ina cigaal sameeyey.
Barnaamijkii cigaal: qoraaga buuggu waxaa uu ka eegay dhanka siyaasadii arimaha debeda gaar ahaan tii gobolka bariga afrika iyo qadiyadaha somalida xuduud beenaadka ka baxsan tasoo uu iga hawl galay si ka duwan sidii ay ahayd intii aanu hogaaminta ka qayb qaadan,waxaa xusan in uu la yimi waji siyaasadeed cusub kaas waxaa la odhan karaa muu cusbayn m.i cigaal wuxuu u bislaa gacmihii qadiyaha bilow ilaa dhamaad fara galinta ku lahaa gayiga somalida mar walbana waxay arimuhu waxay faraha ugu jireen dadkii sidaa u dhigay markii hore sida la dareemi karo dhamaan kulamada buuga ku xusan sida shirkii kishasa, heshiiskii adis ababa iyo is afgaradkii caruusha, taa waxaa kuu cadaynaysa aftidii laga qaaday somalida kenya kadib markii kenya xorbimo been ah qaadatay iyo in aan la tixgalin sidii ay u dhacday ee ay kenya somalidii dhaar ugu xagaf siisay, maxamed x ibraahim cigaal inuu ahaado nin jecel nabada waxaa ku qasbaysay duruuftii taalay geyiga somalida,geeska afrika iyo guud ahaan afrika ee ku dhisnayd fara galinta shisheeye , udoodistii china ee markaa ahayd in dib loogu soo celiyo madalihii waawaynaa ee caalamiga ahaa sida tan qaramada midoobay iyo golaha amaanka waxay ahayd faaiidooyinkii kaliya ahayd ee dheefta lahayd tasoo somalidu ka dhaxashay dowladihiihii ka horeeyey kacaankii october .
Dil iyo af genbi: Madaxwayne sharmarke taariikhdiisa kadib dilkiisii taariikhdu miyeey ka sinaysatay mise somalidaa ka sinaysatay ? Shaqaabiintii madaxwayne sharmarke dhowrkà goor ee uu buugu sheegay shirqoolay markii danbena dilay haybtee ahaayeen ? madarasada ay ka soo bexeense siday u ahayd ruush? hadii ay ka soo jeedeen qoyskii madaxwayne sharmarke maxay tebeyeen ee tirsanayeen? Maxamed x ibraahim cigaal muxuu maraykan kala yimi? Qoraaga buuggu wuxuu cadeeyey in dilkii cabdirashiid cali sharmarke cidii ka danbeysay mugdi wayni ku jiro ,ma suurta galbaa in madaxwaye dhan oo dal cidii dilkiisa ka danbaysay la garan waayo,ninkii dilka fuliyay maxaa deg deg loogu dilay? Miyuu khaldanaa milatarigii somaliyeed markii uu ka diiday maxamed x ibraahim cigaal inuu madaxwayne u soo xulay x muuse boqor? Wad,adaha u sii aaraaranayay madaxwayne danbe maxay rabeen maxaase ogaysiiyay madaxwaynaha danbe ee iman doona intaas oo su,aalood waxay u baahan yihii jawaab hadaan taariikhda la kufsanayn, xabsigii cigaal iyo ragii kale ee la mid ka ahaa sidee buu u ahaa khalad mar haday xidheen rag dalkaba inqilaab ku qabsaday isla markaana ay ahayeen ina cigaal iyo ragii uu ku jiray kuwii la inqilaabay ee talada laga tuuray sax iyo qaladba, culimadii la xidhay kadibna la dilay maxay la wadagayeen siyaasiyiintii la xidhnayd ama lala dilay xidhnayd?



Sanad guuradii lixaad ee kacaanka maxaa is bedelay ee keenay in kacaankii saamaxo ragii uu ku kacay iyagoo ka shakisan inay wali ku hawlan inay xukunka ka tuuraan yagoo jeelka ku jira? maxay ugu baahdeen inay xil ku maslaxaan nin kii ay xukunka ka tuureen walina ka shakisan yihiin? xilkiise maxaa ka dhigay safiir hindiya fadhida ina cigaal ma aqoon dheeraada ayuu u lahaa hindiya? Maxamed siyaad barre iyo siyaad barre ma isku mid bay ahaayeen mise kala laba ? hadii lays waydiiyo kuumuu ahaa maxamed siyaad barre miyaanay ahayn in qoraagga qalinka hayaa si hufan oo hagar baxsan u sheego kuu ahaa wuxuu doonno ha ka tirsanayee?
Qorraaga buugga duca qabbe wuxuu mar labaad cadeeyey in 1974-1975 dalka isbedel ku dhacay isagoo xusay in dalka ay horumariyeen aqoon yahan iyo saraakiil khibrad leh oo maxamed siyaad bare hawl galiyay oo uu magac iyo sharaf badan ku helay balse sanad guuradii lixaad ee kacaanka kadib dhamaan cawdaa loo jaray isla markaana waxaa laga yeelay qaar la eryay oo baxsaday, qaar la xidhay iyo kuwo la dilay kadib waxaa la soo daayay dhamaan ragii hore ee la inqilaabay oo ugu horeeyey maxamed xaaji ibraahim cigaal sidaasi waxay ku cadahay buugga , hadaba sidee ayay suurta gal u tahay in maxamed siyaad barre intuu ragii la soo kifaaxay mudadaas dheer karbaasho, ku bedelo ragii uu kursigiisa uga baqayay?
Sidoo kale waxaa qoraagga buuggan duca qabe iyo dhamaan qorayaasha uu soo daliishanayaba iskaga markhaati kaceen in dalku horumar dhan walba ah ku socday intii ka horaysay 1975 kii kasoo gaadhay in la koriyo garaadka iyo aqoonta yadoo la dejiyay manhaj heer sare ah kasoo lagu baranayay lacag la,aan waxaa laga dawoobay dhamaan cuduradii yadoo dalka uu ka hirgalay adeeg caafiimaad oo billaash ah,isku xidhnaanta shacabka iyo la dagalanka qabyalaada qoraayasha kacaanka danbe waxay is aaminsiiyeen inay ahayd halkii ay u adkaysan wayeen saaxibadoodu isla markaana waxay abuurayaan taariikh kale yagoo wixii qabsoomay oo dhan burburintooda dusha u saaray ninkii hirgashay ee ku faanayay yagoo si cad ugu eedaynaya inuu keligii isa siiyay wax dadku wada qabtay oo iska indha tiraya in dadku hogaaamini ku riixday waxay qabsadeen taasna waxaa cadaynaya qoraagga buugan duca qabbe oo si cad u sheegaya in dalkii somaliyeed soo mareen sadex siyaad barre oo kala duwan kii ugu horeeyna ku aamanay wax qabad iyo somalinimo xad dhaaf ah balse waxay taariikh suntan ku cayimeen in waxaas dhan ooda loo rogay kadibna la abuuray waxaan ahayn siyaasadii socotay oo lala yimi in xitaa diintii si qaawan oo aan ka suurta galin qof somaliyeed loo weeraray isla markaana aayado quraanka ka mid ah la masaxay, hadaba markii aan meelahaas akhriyayey waxaa ii soo baxday su,aal odhanaysa buuggu ma wuxuu ka waramayaa taariikhdii maxamed x ibraahim cigaal siday doonto ha ahatee mise wuxuu baabiinayaa oo masaxayaa taariikhdii maxamed siyad barre oo aan qarsoomayn?

Shantii somaliyeed waqtigan aan joogno imisa gobol ayay ka kooban yihiin gobolkeebaase ugu xoriyad dhow?

Hadaba akhriste bal intaas oo su,aalood si fiican uga baaran deg waxaan ugu talo galay in ay furan caqliyada xidhan kadibna way wanaagsantahay inaan hello fikirkaaga si aan u wadaagno xog iyo xaal wixii aad ka fahamtay taariikhdaas la dhalan rogayo.


Allaa mahad leh
w/q maxamed cabdilahi nuur (koomaati)
tell:2524258662
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS