[Breaking News:—] Xeer Ilaaliyihii Mareykanka Mr Jeff Sessions oo Is-casilay

0
Thursday 8th November 2018 08:05:26 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Breaking News:—] Xeer Ilaaliyihii Mareykanka Mr Jeff Sessions oo Is-casilay

    Breaking News:—Xeer Ilaaliyihii Mareykanka Mr Jeff Sessions oo Is-casilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Breaking News:—Xeer Ilaaliyihii Mareykanka Mr Jeff Sessions oo Is-casilay












Washigton (Karin News):— Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa Arbacadii shalay xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maraykanka Jeff Session. Talaabadan ayaa xisbiga Dimoqraadigu ay uga digeen inuu ku joojiyo baarista Robert Mulleur oo ah ninka baaraya xiriirka lagayaabo inuu u dhexeeyey ololaha Trump iyo dawladda Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa dhiniciisa, fariin twitter ah oo uu soo diray, ku shaaciyey tagista Sessions, isla markaana u mahad celiyey, isaga oo sheegay in xiliga soo socda la magacaabi doono qof si joogta ah xilka u qabta.

Mr. Session ayaa warqad uu isku casilayey oo uu Trump u diray ku sheegay inuu xilka ka degayo ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday, hadalkaas oo u muuqday in lagu khasbay inuu shaqada ka fariisto, taas oo uu horay uu diiday, isaga xitaa aflagaado iyo hoos u dhigid kala kulmi jiray madaxweynaha, ka dib markii uu Sessions shaaciyey inuu ka gaabsanayo inuu dusha kala socda baarista gaarka ee uu wado Robert Muleur.

Haddaba xiliga ay is casilaadani ku soo beegantay, iyo sida laga yaabo in baarista Mulleur ay u saameyso ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu ka wareystay Garyaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi oo ka hawlgala gobolka MN.

LATEST NEWS