[Xog Culus:-] Is-casiladdii Madaxweyne Shariif Xasan Oo laba guulood u ah madaxweyne Farmaajo

0
Thursday 8th November 2018 09:49:18 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xog Culus:-] Is-casiladdii Madaxweyne Shariif Xasan Oo laba guulood u ah madaxweyne Farmaajo

    Xog Culus:- Is-casiladdii Madaxweyne Shariif Xasan Oo laba guulood u ah madaxweyne Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog Culus:- Is-casiladdii Madaxweyne Shariif Xasan Oo laba guulood u ah madaxweyne Farmaajo







1-Madaxweyne Farmaajo iyo Shariif Xassan in ay isku wajahaan loolan siyaasadeed ma aha markii ugu horreeysay, waxaa aad loo xasuustaa 2011 iyo Kampala Accord (Heshiiskii Kampala)

Farmaajo oo ah Ra’iisul Wasaarihii xukumaddi KMG ahayd ee xillgaas ayaa waxaa lagu qasbay in uu is-casilo, waxaana dhacdooyinkaas qeyb ka ahaa oo waliba wax ka saxiixay Shariif Xassan oo xilligaas ahaa gudoomiyihii baarlamaanka.

Is-casilaadda maanta ee Shariifka iyo inuusan dib ugu soo noqon hoggaanka Koonfur Galbeed, waa guul shaqsi, ama ugu yeedhay aargudasho, oo Farmaajo uu ka gaadhay Shariifka.










2- Iyada oo ay saddex bilood uun ka hadhay laba sano in ay jirsato xukumadda Nabad iyo Nolol, hadana waxa ay u muuqataa in markii ugu horreeysay tan iyo bur burkii dowladdii dhexe Villa Somalia looga arrimin doono inta badan gobolada Soomaaliya (Maamul Gobolleedyada).

Dolwadan ay hadda madaxda ka yihiin Farmaajo iyo Kheyre iyo kuwii ka horreeyey ee bur burkii kaddib, waxaa dowlada dhexe caqabad ku ahaa maamulada oo mar walba uu khilaaf u dhexeeya uga dhammaan jiray waqtiga.

 

Iminka oo ay laba sano uga hadhsan tahay waqtiga ay talada hayaan, waxaa muuqata in inta badan ama dhammaan maamulada noqon doonaan kuwo ku siyaasad ah Villa Somalia. Waxaa hadda dowladda gacanta ugu jira HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana xiga Xaaf. Rajada Axmed Madoobe ma fiicna, waxaana hadhay oo kaliya Puntland.

 

LATEST NEWS