Maxaa Ka Jira In Ex Wasiir Xaashi La Wareegayo Xisbiga Ucid, Faysalna Ay Isku Afgarteen Wakhtigii Khaatumo

0
Thursday 8th November 2018 16:14:51 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Ex Wasiir Xaashi La Wareegayo Xisbiga Ucid, Faysalna Ay Isku Afgarteen Wakhtigii Khaatumo

    Maxaa Ka Jira In Ex Wasiir Xaashi La Wareegayo Xisbiga Ucid, Faysalna Ay Isku Afgarteen Wakhtigii Khaatumo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Jira In Ex Wasiir Xaashi La Wareegayo Xisbiga Ucid, Faysalna Ay Isku Afgarteen Wakhtigii Khaatumo







Hargeysa (Karin News):- Warar joog hoose ku duulaya ayaa dhex maraya gudaha magaalada hargeysa, kuwaas oo sheegaya in Wasiirkii hore ee madaxtooyada somaliland uu isu diyaarinayo hanashada xisbiga mucaaridka ah ee ucid, xilli laga war sugayo madaxweyne biixi wareejinta xisbiga kulmiye maadaama uu hayay talada dalka ku dhawaad sanad.


Warar ay helayso Karin News ayaa sheegaya in ex wasiir xaashi iyo guddoomiye faysal c waraabe uu ka dhaxeeyay heshiis ku saabsan wakhtigii khaatumo ee imaaraadka carabta ee faysal iyo wasiir xaashi wadeen dedadaalada siyaasadeed ee khaatumo iyo somaliland la iskugu soo dhaweynayay.







Dhinaca kale bulshada siyaasadda somaliland falanqeysa ayaa iyagu qaba inaanay habooneyn in mar kale xisbiga kulmiye ku noqdo gacanta jeegaanta oo iminka marysa meel xaasaasi ah islamarkaana uu xisbiga kulmiye fashilmayo oo burburayo haddii gacan isku dhiib uu noqdo kulmiye.



Lama oga madaxweyne biixi xiliga uu wareejinayo kulmiye hadana waxaa isa soo taraya muddadii sanadka ahayd ee uu xilka hayey madaxweynuhu inay ku xigto sidii uu guddoomiyenimada u wareejin lahaa iyo cidda rasmiga ah ee la wareegaysa in kastoo la sheegayo in siyaasiyiinta beelaha habar yoonis lagu wareejinayo mid ka mid ah halkaasna ay ka soo bixi doonto wiiqitaan siyaasadeed oo ku yimaada xisbiga waddani.




Ugu dambeyntiina heshiis adag ayaa u dhaxeeyay madaxweyne biixi iyo ex wasiir maxamuud xaashi cabdi kaas oo ku saabsanaa sida mustaqbalka uu u dhisayo madaxweyne biixi saaxiibkii ex wasiir xaashi laakiin aan caddeyn xisbiga uu murrashaxa ka noqonayo maxamuud xaashi marka laga reebo xanta suuqa hargeysa ku jirta ee xisbiga ucid, maadaama aanay jirin yidiidilo muuqata oo ku aadan in ururuada axsaabta mar kale furo.

LATEST NEWS