Mudo kordhin aan Dastuurka Waafaqsaneyn macnaheedu waa khiyaamo shacab oo noqonaysa" dhabarka ii xoq aan kuu xoqee" . qalinkii A/rahman Fidhinle UK

0
Monday 3rd December 2018 09:22:06 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudo kordhin aan Dastuurka Waafaqsaneyn macnaheedu waa khiyaamo shacab oo noqonaysa" dhabarka ii xoq aan kuu xoqee" . qalinkii A/rahman Fidhinle UK

    1- Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ka gaabiyeen dar-dar gelintii qodoban soo socda:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ka gaabiyeen dar-dar gelintii qodoban soo socda:

A) Habraacii wadashaqeyneed ee ay la yeelan lahayeen Golaha Baarlamaanka si Baarlamaanku xeerarka saami qaybsiga u curiyaan
B) Dar-dar gelintii iyo dib u furistii Diiwaan gelinta Codbixiyayaashasi howshu u kala socoto oo mudada qorshe hawleedku u soo gaabato
C) Miisaaniyada Doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta ooaanay ka soo wada xareyn badhkii Xukuumadasi diiwaan gelinta Codbixiyayaasha loo sii bilaabo
D) Waxay ka gaabiyeen Hab-raacii wada shaqeyneed ee Madaxweynaha iyo ogeysiintiiGarsoorka si xukuumaduxil-isaga saartomiisaaniyada qaybtakaga aadan oo dhan
E) Waxay ka gaabiyeen dhamaan wada shaqeyntii Waaxyaha qaranka waayo way arkaayeen saansaanta mudo kordhinta ee ayla sugeen waqtigan xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ee ay ku dhawaaqeen in doorashadu dib u dhaceyso. waxay aheyd in ay 6 bilood ka hor sii iclaamiyaan liiska codbixiyayaasha iyo jidwalkahabsami u socodka hawlaha Diiwaan gelinta codbixiyayaasha.


2-Golaha Baarlamaanku waxay iyanadhegaha ka fureysteenqodobadan hoose :
A) in ay diyaariyaan shuruucdii Saami-qeybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada Goboladaoo mudo aad u dheer soo cakirnaa ooilaa Doorashadii hore hortaalay..
B) Waxay ku fashilmeen in ay xeerarka labada Doorasho ee isku sidkan ay is waafajiyaan oo aanay howsha isla wada sugin ee sii falkiyaan.
C) Waxay ku fashilmeen ku dhaqankii waajibaadkii Dastuuriga ahaa ee ay Kuraasta Baarlamaanka ku baneyn lahaayeen maadaama mudo xileedkoodii uu dhamaaday.

3- Madaxtooyadu waxay ka gaabisayqodobadan hoose :
A) in ay dabo galaan Xeerarka Baarlamaanku miiska hoostiisa uu dhigay ee ay diyaarin waayeen mudada dheer.
B) Waxay ku fashilmeen Miisaaniyada Doorashooyinka ee komishanka qaranku u soo gudbiyey ee ay qaybtooda soo dhameystiri waayeen.
C) Madaxweynuhu wuxuu ka gaabiyey Isfahan la'aantii ay is fahmi waayeen asxaabta qaranka ee mucaaridka ah.
D) Madaxtooyadu waxay ka gaabisaydar-dar gelintiidhamaan qorsheyaashii lagu gaadhi lahaa in Doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto.
E) Madaxtooyadu waxay ku ribatay ku dhaqankii Dastuurka qaranka iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa ee Hanaanka Geedi socodka Dimuqraadiyada JSL ku dhisneynd
Maadaama Doorashooyinkii dib u dhaceen .

Golaha Baarlamaanka waxaa mudo kordhin qayrul sharci ah loo sameeyey3 Jeer oo hore, waxaanay kuraasta ku fadhiyaan mudo3 termah iyada oo aan marna la qiimeyn ku dhaqanka xeerarka Dastuurka qaranka ee sida cad u qeexaaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran Sadexda Dhar-dhaar ee Qaranku ka kooban yahay.
Shuruucda Dastuurka ee sida Badheedhka ah loo jebiyey waxaa ka mid ah dhamaan shuruucdii isla xisaabtanka qoleyaasha qaranka sida ay qeexayaan qodobada37-aad oo qeexaya waajibaadka isla xisaabtanka, qodobada 56-aad iyo 97-aad oo qeexaaya awoodaha isla xisaabtanka waaxyaha qaranka. Waxaa la jebiyey Hanaankii Dimuqraadiga ahaa, maamul-wanaagii, milgihii iyo macnihii dawladnimo, Waxaa la jebiyey Xil-gudashadii I, is-xisaabintii iyo Xaliibnaantii sadexda hayadood ee qaranka JSLugu sareeyaoo kala ahFulinta, Xeerdejinta iyo Garsoorka.

Dhamaan waxaa xilkoodii gabay hayadihii isla Xisaabtami lahaa ee xilkooda Dastuuriga ah gudan lahaakuwaa soo Waaxiba ay Waaxda kale xilkii u kordhinayso oo hada xaalkoodii uu iska noqday "dhabarka ii xoq- aan kuu xogee" taas oo shacab weynihii doortayiyo musharaxiintii iyaga bedeli lahaasi badheedh ahloogu heshiiyey si kuraasta loogu sii fadhiyo mudo dheer. " Bal waa taase shacabka reer Somaalilaan mar qudha ha loo sheegocida xilkeedii gudan wayday ee masuulka ka noqonaysa Doorashooyinkaa mudada dheer dib ugu sii dhacaya.? Waxaa la caayayaa waa caqligii shacab weynihii doortay ee dirtay ee maandheytkamudada kooban ee5-ta sano ah siiyey.

Doorashooyinka mar kasta dib u dhacaaya ee aan waqtigooda lagu qaban waxay Saameyn xoogan oo taban ku yeelanaysaa Sumcadii iyo karaamadii Somalilaan waxaana ay ka dhigaysaa Sawirkii guud ee Somalilaan qorax madow oo sii dhacaysa. Waxay aheyd in aanay ciida ku rafan ee Komishanka doorashooyinku 6 bilood ka hor ay is cadeeyaan oo ay sii sheegaan in doorashadu dib u dhacayso.. Waxaa ceeb iyo fadeexadqaawan inagu ah in Doorashada Baarlamaanku ay5-jeer dib u dhacdohalka Dawlada Federaalka Somaaliya ay 3doorasho baarlamaanqabsatay halka inaga ay hal baarlamaan ina hor fadhiyeen 13 sanadood. Maadaama Sababta ugu weyn ee Doorashooyinku dib ugu dhaceen aytahay Xeerarka cakiran ee Saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka oo mudo dheerayansixin waayeengolaha baarlamaanku waa in uu madaxweynuhu arintaa soo fara geliyaa oogo'aan adag ka qaataa si doorashadu waqtidhow ugu qabsoonto.

Waxaan ku soo garoocayaa qormadan :Shacaboow Tiraa Kaa Gedmane Wax isu geygeyso " !!

Allaa Mahada Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS