Dunida,Shacabka Iyo Adduunka Ceeryaamo Ayaa Kaga Jirta Xaggasomaliland U Socoto.

0
Tuesday 4th December 2018 10:00:29 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Burco
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dunida,Shacabka Iyo Adduunka Ceeryaamo Ayaa Kaga Jirta Xaggasomaliland U Socoto.

    Tan iyo intii ay timi Xukuumaddii Kulmiye tii Siilaanyo ku Xanuunsaday iyo tan Kulmiye ee cusubi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo intii ay timi Xukuumaddii Kulmiye tii Siilaanyo ku Xanuunsaday iyo tan Kulmiye ee cusubi
wadanku geeddi socodkii madaxweyne yaashii hore ku socdeen wuu ka lumey ,maamulkii Khali duur iyo hanti boob iyo musuqmaasaq baahsan buu galay. Xukuumadda cusub ee Muse Biixi waa la rajaynayaayey inay wax isbedel ahi ka imanayo waayo isagu hubaal ma xanuunsanayo wadanku sid uu wadan ku noqonayona wuu garanayaa , nina nin madaxiisa ma isku rakibi karo oo hubaal wuu ka duwanyey Siilaanyo iyo Xukuumaddii madbakha looga talin jiray. Illaa hadda wax is bedel xaggii geeddi socodka Somaliland wax kuma soo kordhin aan ahayn hanjabaad badan oo Muse Somalia u hanjabo mooyaane, waxaa uu Madaxweyne Muse ku mahadsanyey oo aan mucaaridku sheegin waa musuqmaasigqii ahaa qaatee qaado ee Xukuumaddii Siilaanyo ka Xanuunsaday lahayd wuu joojiyey.

 

Xukuumadiisu isuma dheeli tira, wasiiro badan oo ay u horeeyaan ka gudaha iyo ka khaarajiga waa ma dhiiqaan dhaqayo ah XAGGA kartida waana cawsle la muuseeyey wadankana khasaare ayaa ugu jira inuu bedelo ummadda way ka codsanayaa. Mandaqadda isbedel baa ka socda saamayn weyn ku leg Somalia iyo Somaliland ba. Muse siyaasiyiin heavy weight ah buu u baahanyey oo uu ka shopping garaysto mucaarid iyo muxaafidba waana ta masaxaysa wixii ka dhashay qabaailka Somaliland dhexdeeda, jinni Ninkii keenaa bixiya Kulmiye iyo Muse ayey isbedelka siyaasaddu u taalaa.


Baarlanaanada iyo golayaasha deegaanadu waa digaagado xafashay iyo sii joogitaankoodu waa cudur Dadka qalbigooda ku jira waa inuu geesinimo Muse ku dhaqaaqaa oo kasaaraa meesha loogama baahna fadhigooda.

Madaxwene Muse waa inuu Dadka dhalinyarada u horkacaa XAGGA wax akhriga oo taageeraa qora aga Somaliland oo DHAN iyo wixii wanaagsan ee buugaaga ee la qoray oo uu buuggii Xumaa ee wasiirka warfaafintu reer Somaliland ceebta ugu soo hooyey kasaaraa. buugaagtana ugu horeeyaa buuggii Xirsi Cali X. Xassan Muse a la baxaa Madaxweynihii wax akhriga isagu a wax akhriga bartaa qoraana noqdaa way dhiiri Felin lahayd dhalinyarada Somalida. Arinka wax akhriga waa dawada koobaad ee maskaxda binu Adamka Somaliyeyna ogaada wax akhrigu wuu ka macaanyey CAANAHA GEELA E.

Madaxweyne Muse maanta hadal badan loogama baahna , ummadda ficil madaxweyne uunbaa wax ka bedeli kara oo Somaliland dhexdeeda ka socda. Qaybsanaanta SHACABKA Muse waa ka kaw laakiin intaanuu isbedelka Le samayn waa inuu isagu naftiisa ka bilaabaa oo ummadda isbedel tusaa afkana soo mariyaa sidii uu usoo samayn jiray 30kii sano ee la soo dhaafay inuu bedelayo waayo waa madaxweyne maanta oo wixii hore kama soconayaan oo wadan dhan buu isbedel ku samayn kara maanta Taariikhda adduun kana wuu geli karaa maanta isaga ayey u taal dadku talo uun bay siin karaan.

M Bashe

[email protected]


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS