Askarigu Waa Mashaxarad Jecel ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday 4th December 2018 10:14:21 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Burco
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askarigu Waa Mashaxarad Jecel ( Abdi-Shotaly).

    Waxan maanta qalinka u qaatay, waxa weeye, bal in aanu ku qaadaa-dhigo, arimahan bulshaddii u kala saarey,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan maanta qalinka u qaatay, waxa weeye, bal in aanu ku qaadaa-dhigo, arimahan bulshaddii u kala saarey,

 dabaqado dhanka nolosha ah, ee qayb yari dhidid-kood ku naaxeen, in ka badan 85%-na ay gaajo awgeed geeri iyo nolol u dhexeeyaan macaluul daraadeed. Waxa nasiib daro ah, raggii dalkan u soo shahiiday, wixii ay ku naf waayeen, haddii ay noqdeen ama ku dambeeyeen, biyo col dhaanshay( waa mujaahi-diintiiye sidda Lixle, Adan shiine, Koodbuur, Ina Saleebaan weyne, Maxamed Cali, Aadan Cade, Koosaar, Haybe Laambad, Harag-waafi, M'Mooge, Ina Macalin Haaruun, Ina Habane Iyo qaar kaloo badan lana soo koobi karin) wixii ay u dhinteen, waa taas ay askartaii laxoodda xarshin ka qaadi jirey ay qulubaage-diyeen. Maanta waxay ka shihiideen kana dirireen, meel ka boqol jeer ka sii xun bay maraysaa, Waxa dhoosha ka qoslaaya saaka wiilkii uu sodoga u ahaa Af-weyne ee Hargaysa xukumi jirey ( Waa Moorgane), murti somaliyeed baa tidhaaha, " Gaajadda ka bax baan ku doodaayee, ma hadaan galay heerash-keeddii" miyaa ummadani ay meeshaba soo dhigatay, xaalka ay ku sugun yihiin manta " saw kud ka guur oo qanjo u guur maaha".oo kamadegi la'a dhibta iyo waalidda uu maamul ku sheegani ku abuuray.Hadaba aniga oo idiin sawiraaya marxaladan aynu ku jirno, oo ah u qaadan-waaga iyo wax aan la filayn in ay timaado, oo mar qudha uun ku siddii bahashii roobka la socon jirtay, ee la odhan jiray cir ka soo dhac ku habsaday iyo qanaca ku dhacay dadkii, naf iyo maal-ba u huray, dib u xorayntii Somaliland agoon-tooddii, baa markii aan halacsaday sidda wax yihiin akhristaw, aan curiyey maansadan ka hadlaysa arimaha sare aan ku xusay iyo faln-qayn-toodda, ee ku soo dhawaw:-



Mujrim bay idin haystee, Marka hore salaan guud,
Caafimaad-na mahaddii, Murti doora iga gura,
Saaka Muuniddii bay, Cadceedoon mudh soo odhan,
Kala miirmin waaggii, laygu keenay maayade,
Markii aan baraarugay, Ka akhriyey muraayadda( Kombiyuutarka),
Micnahay ka hadashiyo, Milga-heedi ii dhacay,
Askarigu waa Mashxarad jecel, Ku murqaama Sacabkoo,
Daraad muu ilaawine, Is makeeki weeyaan,

Allaa mudane waan qiray, Masalooyin beeniyo,
Muraadadda la leeyahay,Arimaha mulaaq-miyo,
Xadhig marankan taliyee, Miciin-saday qabiilkee,
Nin-kaan meel ka soo gelin, Mareegtaw xidhaayee,
Ku maqiiqa jeel-kiyo, Meel baas ha laga rido,
Midka xiga gunee iyo, Maal lagu gargaariyo,

Askarigu waa Mashxarad jecel,Ku murqaama Sacabkoo,
Daraad muu ilaawine, Is makeeki weeyaan,

Maksab sare u dhiib iyo, Qandaraas u miis iyo,
Musuq-maasaq dhaaf iyo, siiya mehered aan jirin.
Macaash badan u tiriniyo, Macdantoo la boobiyo,
Shidaal lagu mashquul-shiyo, wado loo maleegtiyo,
Waxaas oo mush-keladaa, maandhe ina hor yaalee,
Mas-kana abuuroo, maskax laawe weeyee,

Askarigu waa Mashxarad jecel, Ku murqaama Sacabkoo,
Daraad muu ilaawine, Is makeeki weeyaan,

Hadaad muu tidhaa-dana, Beluu maagan yahay iyo,
Qas buu miiqayaa iyo, Waa mid diidan nabadiyo,
Mukur aan dhamaan bay, Isla daba maraanoo,
Ruuxa meel ka soo baxa, murjin bay ku jiidaan,
Mujaahi-diintii laga saar, Ina Mire ka dheeraa,
Dhega-weyne maqashaye, hurdo miyuu dhakoolaa,

Askarigu waa Mashxarad jecel,Ku murqaama Sacabkoo,
Daraad muu ilaawine, Is makeeki weeyaan,

Malaayiin kalaa maqan, meela aan u hoyanoo,
Wax jidiin la mariyana, mulac suna kolay tahay,
Muusa-cagaley shaydaan, Jinaac madaxa laga jaray,
Mukulaal bakhtiya'iyo,Malaw baadi gooboo
Mirta dhexe habeenkii, Inta mawadda lagu shido,
Malmal-kiyo dhir-kaynkii,Masaskii xalaashaday,

Askarigu waa Mashxarad jecel, Ku murqaama Sacabkoo,
Daraad muu ilaawine, Is makeeki weeyaan,

Allaa maaligaa jira, Ma gaaonti baa qatan,
Inta mijaha go'an iyo, Mid calooshu madhantiyo,
Miskiin suuqa rooriyo, Wiil madax xanuun qaba,
Misciriir mid jiifoo, Maalmo aan qadayn iyo,
Inta qaawan ee murux, Maro aan xidhnayn iyo,
Inta ciilka maan li'i, Lagu maad-sadaa badan.

Askariguwaa Mashxarad jecel,Ku murqaama Sacabkoo,
Daraad muu ilaawine, Is makeeki weeyaan,

Rabbaw madarka dayreed, Muskayaga ku foorari,
Daalin milikhsa-naayiyo, Munaafi-qiinta naga eeg,
Muumi-niinta nagu beeg, madax adigu noo noqo.
Abaarahana naga moos, Masiibooyin naga hay,
Macaluusha gaajiyo, Na baal mari haraadkoo,

Cudur meel fog naga gee, Cadaw yuu malkdan iman,

N.B Rabbaw Madarka Dayreed, muska-yagga Ku Foorari.
Qore:- Abdi-Shotaly

 

[email protected]

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS