Madaxweyne Biixi Oo Sheegay Inay Xaaladda Haweenka Kala Hadlaan Gabadh Uu Dhalay Iyo Hooyadii "Inan Aan Dhalay Oo Dhakhtarad Ah Oo Cisbitaalka Hargeysa Ka Shaqaysa Ayaa".?

0
Thursday 6th December 2018 10:54:08 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Oo Sheegay Inay Xaaladda Haweenka Kala Hadlaan Gabadh Uu Dhalay Iyo Hooyadii "Inan Aan Dhalay Oo Dhakhtarad Ah Oo Cisbitaalka Hargeysa Ka Shaqaysa Ayaa".?

    Madaxweyne Biixi Oo Sheegay Inay Xaaladda Haweenka Kala Hadlaan Gabadh Uu Dhalay Iyo Hooyadii "Inan Aan Dhalay Oo Dhakhtarad Ah Oo Cisbitaalka Hargeysa Ka Shaqaysa Ayaa".?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Oo Sheegay Inay Xaaladda Haweenka Kala Hadlaan Gabadh Uu Dhalay Iyo Hooyadii "Inan Aan Dhalay Oo Dhakhtarad Ah Oo Cisbitaalka Hargeysa Ka Shaqaysa Ayaa".?







Hargeysa, December 06, 2018- (Karin News)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uu khaati ka taagan yahay laba haween ah oo Golihiisa wasiirrada ka tirsan iyo Hooyadii iyo waliba gabadh yar oo uu dhalay oo uu sheegay in ay dhammaantood si adag ugala hadlaan xaaladda iyo Duruufaha ku gedaaman Haweenka Somaliland oo aanu ahayn isagu nin wax loo sheegayo ee wax walba oo ay haweenku tabayaan la socda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka qayb galayay shirkii dhaqdhaqaaqa haweenka Somaliland oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa, ayaa hadallo kaftan iyo duur xul ah waxa uu ugu quus gooyey haween-weynihii shirkaasi soo abaabulay iyo kuwii kasoo qayb galay ee saluugsanaa sida ay xukuumaddiisu u wajahday duruufaha haweenka waxaanu ugu soo hal qabsaday sheeko kooban oo in badani ku qosleen qaabka uu Madaxweynuhu uga hadlay halka kuwo kale ku dhaliilsanaayeen in aanu si rasmi ah u wajahin garnaqsigii shirkaasi loogu talo galay ee uu sheekada ku dhaafiyey haweenka isaga oo aan sheegin wax uga qorshaysan sababta shirkanba keentay ee ah duruufaha haweenka.






Madaxweynaha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: "24-ka saacadood ama saddexdii Cishaba, saddex dacwadood oo saddex janal soo kala mara, saddex qof oo adag baa idiin dacwooda oo mar walba dhirbaaxo dhegtaydaa ku haysta. Ta koowaad waa Hinda iyo Shukri Baandare oo labaduba aftahamo yihiin ayaa aroor walba I hor taagan hortayda oo aanan ka dabbaalanin. Haddii maanta mid iga maqan tahay ta labaadbaa joogta oo arrinta dumarka ayay ka hadlaysaa markaa horta aroor walba Briefing baan ah ee horta ogaada laba hablood oo aftahamo ah baa halkaa idiin joogee.

Ta kalena waxa weeyi tu yar oo inantayda ah oo aan dhalay oo dhakhtarad ah oo dhakhtarka weyn ka shaqaysa ayaa 24-ka saacadoodba igala hadasha oo maba qadeeyaba marka aan soo fadhiistaba miiska ayay igu haysataa, gowda ayay iyana igu haysaa oo waa advocate (u doode) kale oo halkan ii taagan oo idiin hadlaysa oo haweenka u hadlaysa. Quraacda iyo qadada toona kama cuni karaba dhakhtaraddaasi yari naftaa Ilaahay bay ii keentay. Habeen walba waxa dumarka ku dhaca ayay ii keentaa ee dhakhtarkaa Hargeysa ka dhaca waadhkiisa.

Ta saddexaadna waa hooyaday oo nool oo Haweenka uun u hadasha oo marka aan u tagaba. Saddexdaa Mawjadood baa igu furane, nin wax moog ah oo wax loo sheegayo ha iga dhigina oo sidaa aad iila hadlaysaan aan iila hadlayne dhagaha ii fiiqa dhagaha!”. Ayuu yidhi Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay shirkaasi haweenka ee shalay la qabtay.

LATEST NEWS