Madaxweyne BIIXI Oo Isku Shaandhayn Culus Ku Samaynaya Golaha Xukuumaddiisa + Masuuliyiin Miishaartu Dulhoganayso Oo Wadnaha Farta Ku Haya.

0
Thursday 6th December 2018 11:44:42 in Wararkii Maanta by Xarunta Burco
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne BIIXI Oo Isku Shaandhayn Culus Ku Samaynaya Golaha Xukuumaddiisa + Masuuliyiin Miishaartu Dulhoganayso Oo Wadnaha Farta Ku Haya.

    Guddaha Ka Akhri Magacyadda Masuuliyiinta Macasalaamaynaya Tareenka Xukuumadda Muuse Biixi Iyo Wasaaraddo Dib Loo Soo Celinayo Haykalkoodii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddaha Ka Akhri Magacyadda Masuuliyiinta Macasalaamaynaya Tareenka Xukuumadda Muuse Biixi Iyo Wasaaraddo Dib Loo Soo Celinayo Haykalkoodii


Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi ayaa la filayaa inuu isku shaandhayn ballaadhan ku sameeyo golaha xukuumaddiisa waxaana safaka hore kaga jira masuuliyiin u cuntami waayey qaabka ay u shaqaynayaan oo uu saluug ka muujiyey, 


ilo looga qaateen ah oo diiradda ku haya dhaq-dhaqaaqa madaxtooyada ayaa tibaaxaya in isku shaandhaynta xukuumadda ay ka soo muuqan doonaan siyaasiyiin mucaarad ah oo ka doob ridan jiray xisbiyada mucaaradka waxaa sidoo kale iyana jirra masuuliyiin rukumo u ahaa madaxweynaha xiligii uu guclo oradka ugu jiray guusha madaxtooyada waxaana la wariyey inay ku jiraan wasiirro hore oo ka tirsanaa xukuumaddii cahdigii madaxweyne SIILAANYO oo muddo banfadhi ahaa. 



wasiirrada seeftu dul hoganayso waxaa ka mid ah wasiirka ganacsiga, wasiirka warfaafinta, wasiirka horumarinta maalgashiga, guddoomiyaha maxkamadda sare, wasiirka xanaanada xoolaha, agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud, wasiirka caddaaladda, wasiirka maaliyadda, wasiirka dhallinyaradda iyo ciyaaraha, wasiirka qorshaynta qaranka, wasiirka diinta iyo awqaafta, wasiirka gaashaan dhiga, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha debada, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada,wasiirka wasaaradda deegaanka, agaasimaha wasaaradda xidhiidhka goleyaasha, taliyaha ciidanka asluubta, maareeyaha haya,dda duulista hawadda iyo madaarrada, guddoomiyaha baanka somaliland, wasiirka arrimaha debadda,


 isku shaandhaynta oo ah mid culus oo lagu soo dhisayo xukuumad adag oo dhaqaajisa dalka ayaa xoguhu tibaaxeen in masuuliyiintani ay safka hore kaga jiraan oo ay macasalaameyn doonaan tareenka xukuumadda madaxweyne bixii halka ay masraxa ku soo laaban doonaan siyaasiyiin aan layli ku ahayn siyaasadda, 


waxaa sidoo kale jirra wasaaraddo la soo nooleynayo oo dib boodhka looga jafayo ka dib markii ay ku raad gaabteen haya,dihii loo baddelay isla markaana aad lootabay wasaaradihii la baa,biiyey waxaana ka mid ah wasaaraddaha la soo celinayo wasaaradii duulista iyo hawadda oo la tabay dhaq-dhaqaaqeedii taas oo ay ka awood roonaatay wasaaradda duulistada hawadda ee somaliya oo markii hore ay caalamka ka shiiqisay wasaradii duulista ee somaliland oo ahayd wasaarad ballaadhan oo si xoog ah u shaqaysa, 


waxaa sidoo kale la soocelinayaa wasaaradii kalluumaysiga iyo khayraadka badda oo iyana la tabay baaxadeedii isla markaana ku hoos luntay wasaarada xanaanada xoolaha taas oo haya,dihii deeqaha siin jiray ka gacmaha kala laabteen waxaana xoguhu tibaaxeen in lagu soo celinayo wasiirkii hore ee kalluumaysiga buureed. isku shaandhaynta madaxweyne Muuse Biixi ayaa noqonaysa mid ka duwan isku shaandhayntiisii hore.

 



Xigasho Wargeyska SAHAN.
LATEST NEWS