SIYAASADA MOOSHINKA XISBIYADA

0
Thursday 6th December 2018 11:50:05 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIYAASADA MOOSHINKA XISBIYADA

    Siyaasiyiin farabadan oo aan isku hadaf iyo xisbiyo midna ahayn ayaa si wadajir ah dabada uga riixaya inla furo tartanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiin farabadan oo aan isku hadaf iyo xisbiyo midna ahayn ayaa si wadajir ah dabada uga riixaya inla furo tartanka
xisbiyada si ay xisbiyo u samaystaan isla markaana u ridaan dhamaan xisbiyada dalka si ay ugusoo baxaan xisbiyo cusub oo ay siyaasiyiintu hogaaminayaan debed wareega ahi waana sidan hadafyadoodu

(1) kulmiyihii hore ee siyaasiyiinta ahaa waxay doonayaan inay samaystaan xisbi kulmiye siyaasiyiin ah oo bedela kulmiyaha askarta ah kadib markay boosasna ka waayeen xisbigiina loo diidey .

(2) siyaasiyiinta wadaniga dhabta ahi waxay doonayaan inay furtaan wadani labaad oo magicii uun laga bedeley si ay wadanigii hore iyo ciro oo ay saluugsan yihiin meesha uga saaraan , isla markaana xisbiga ucid debeda u dhigaan si beeshoodu hal xisbi u yeelato isla markaana u sameeyaan kulmiye labaad si ay u kala jebiyaan kulmiye si uu codkiisu u kala jabo wadaniga labaadna firsad u helo uu ku foosi karo .


(3) kulmiyihii cadhooday ee ku biiray wadani oo taageero ka helaya wadaniga cusub waxay doonayaan inay xisbi furtaan si ay marqudha kursiga u hantaan dhulkana ula dhacaan askarta halka wadaniga cusubina la doonayo xisbi codka kulmiye la qaybsada laakiin aan awood yeelan

Hadaba haddii arinkanu sidaa u dhaco cida ugu horaysa ee meesha ka bacaysaa waa faysal cali waraabe iyo xisbigiisa , marlabaad waxaa meesha laga saarayaa ciro iyo xisbigiisa wadanigii hore waxaana soo baxaaya wadani cusub , hadaba waxaa laysku hayaa kulmiyihii hore ee madaxweyne siilaanyo iyo kulmiyihii cadhooday ee wadani ku biiray yaa awood ku dhexleh beelaha aykasoo jeedaan iyo dalkaba oo guuleysan kara ?.
Sidaasi markay dhacdo anigu waxaan u arkaa in sadexdan xisbi ee hadda joogaa siyaasada ku midoobi doonaan si midkastaaba isaga ilaaliyo in debeda la dhigo waxaana taas ka faa,iidaya dawlada iyo xisbigeeda kulmiyaha cusub halka xisbiyada mucaaradkuna ilaashan doonaan booskooda ciskastoo ay shaki ka qabaana debeda dhigi doonaan . RAG IS GURAYEE

Qore:maxamed aadan

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS