Soo-rogaal-celinta Soomaliyeed | Isbedelka Geeska Afrika & Guusha Umadda Soomaaliyeed . Riyadii (AUN) Dr. Cumar Cusmaan Raabe Qaybtii 2AAD W/Q Mukhtar Ali Aden

0
Thursday 6th December 2018 11:54:48 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo-rogaal-celinta Soomaliyeed | Isbedelka Geeska Afrika & Guusha Umadda Soomaaliyeed . Riyadii (AUN) Dr. Cumar Cusmaan Raabe Qaybtii 2AAD W/Q Mukhtar Ali Aden

    I. Qoraalkan waxaan kusoo qaadanaynaa Xulashada Maanta & Isbedelka Geeska africa waxaan jeclaaday inaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

I. Qoraalkan waxaan kusoo qaadanaynaa Xulashada Maanta & Isbedelka Geeska africa waxaan jeclaaday inaan
 la wadaago qayb qayb riyadii filasoofka dr omer oamaan raabe dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan . muxuu ka yidhi :- Qoraalkan waa dardaaran uu ka tegey Dr. Cumar Cusmaan Raabeh Allah ha u naxariistee, waxaanan Soo qaadanaynaa In Umadda Soomaaliyeed uu uga tagay inay Ka faa'iidaystaan Riyadii Dr Raabe , umadda Soomaaliyeedna maanta ay gaadhay, Cadowgooduna waa Burburi doonaa , waxaana baaba'a noqoni , Nidaamkii Lee'aadiyey umadda Soomaaliyeed , waxaana Soomaaliyeey la iniga doonayaa markuu Isbedelka Geeska Africa dhaco , ee wata dabaysha iyo roobka ma-hiigaanka ahi la gaadho inta nool ee alle gaadhsiiyo waa inay shuruudahan buuxiyaan waxana ku xidhan jiritaankiina & maslaxadiina waa sida uu yidhi dardaarankiisii Dr Omer Osman Raabi (IHU) waana sidatan :- Waa kan qoraalkii...


Soomaaliyeey..

II. Soomaliya haddii la waayo qaranka soomaliyeed waa la waayayaa.
1. 1. Dawladda Soomaaliyeed (Somali State) ma dhalin oo qura labadii isu biiray (Biritish & Italian Somalilands), waxaa dhaliyey Soomali oo dhan.
2. 2. Dawladda Soomaliyeed uma dhalan oo qura labadii is-raacday, balse waxay u dhalatay Soomali oo dhan.
3. 3. Dawladda Soomaliyeed ma daafacayn labadii isutegay oo qura, waxase daafacayey Soomali oo dhan.

4. Dawladda Soomaaliyeed uma dagaalamayn oo qura labdii isu biiray, balse waxay dafacaysay Soomali oo dhan; Sidii ay "Saddexda maqan" ugu
dagallamaysayna way ku burburtay oo iyadii baa uubtii (hadhaan dheer) ku dhacday.
5. Dalka Soomaliyeed Dawladda Soomaaliyeed
Jamhuuriyadda Soomaliyeed
Xukuumadda Soomaliyeed
Waa afar dabaqadood oo is dulsaaran (pyramid), Isuxiran oo wada socda, oo cadawgu go'aan ku gaaray inuu kala diro, burburiyo oo uu baabi'yo,
isagoo adeegsanaya soomaali inta ugu liidata ee qabiil mooyaane aqoon kale lahayn oo ku duufsada , reer hebel baa ina laayey , ku leexsada ee maan gaabka ah , kuwa oday caabudka ah iyagoo adeegsanayaa reerahana isku dira & inta caame ah , Dareenka iyo dawladnimada qaran waxay u dhigmaan nafta iyo nolosha Qaranka soomaaliyeed.

III . Soo-rogaal-celinta soomaaliyeed:
1. 1. waxa yeedhi doona , Soomaliyeey, galawgii soo- rogaal-celinta. Waana Allamahaddiis, isbedel iyo duruufo innoo fiican baa yimid!... Heer qaran iyo mandiqadeed...
Adduunka Carabta iyo Caalamka Soomaaliyeey talooyinkan hadaad qaadataan wakhtiga roobka ma-hiiganka ee isbedelku socdo , Guul if iyo Aakhiro ah baa idiin sugnaan doonta bi'idmillah...
1.2. Soomaalina haatan way u bislaatay in ay Dalkeedii-Hooyo ku soo noqoto iyo dawladnimo fiican: laabatan sano iyo in ka badan oo baaba' iyo balanbal ah ayaa wax baray... Waxayna Allaah ka barayeysa, oo ay indha indhaynaysaa kuwii horkici lahaa ee soo hoyin lahaa...
1. Waxaana dalku ku bixi karaa Soomali is- uruursatay oo astaamaha soo socda leh: in
(1) Allahood Allaah yahay oo aan "oday -caabud" ahayn.


(2) Barii'un ka ah qaybaha qabyaaladeed, daleed ("Burbur iyo Balaayo land"), kooxeed , diineed iyo wax kasta oo Soomaali lagu kala sooco oo laysaga horkeeno uu dagaalo , beelo beelo ah ay iskaga horkeenaan dhiig & dhimasho baahsani keeni kara , nimankaasi waxay noqon doonaan niman , Dowlado kale shaqaale u ah ama shaadh jaajuus xidhan , Hadalkooduna yahay sida kuwa dadka caamaha ah, oo wacyi gelintooduna tahay soomaali oo isku timaada waligeed dhici mayso Umadda soomaaliyeedna waa fahmi doonaan beentaa ay akhrinayaan bi'idmillahi .
(3) Naf iyo maal ba u hura samatabaxa Qaranka iyo Dawladdnimada Soomaaliyeed.
(4) Aaminsan inay:
a) Soomaliyi mid tahay
b) Dalkeedu mid yahay
c) Dawladnimadeedu mid tahay
d) Calankeedu mid yahay
e) Mustaqbalkeedu mid yahay
(5) Soomaali u siman tahay.
(6) U halgama ujeeddadaasi ilaa ay guul kama- dambeyn ah ama geeri ka gaaraan.
(7) Wadaniyiin ah, aad u abaabulan (well organized), indheer-garad ah.
(8) Dar-Ilaahay Soomali u badbaadiya, iyadoo ay waajib ku tahay, wax abaalgud ahna aanan ka doonayn.
(9) Arrintaasna isu dhaarsada kuna walaalooba, Allaa hortiis.
(10) Sidaasna ugu soo celiya Ummadda
Soomaaliyeed midnimaddi iyo madaxbanaanidii, sharaftii iyo
karraamadii, oo ku jannatega.

Murti:-

1. Waajibka ugu wayn ee manta saran qof kasta oo soomaliyeed meel uu jooga ba, waa badbaadada Jamhuuriyadda soomaliyeed, isagoon waxba ka hagran awood wuxuu Alla ku mannaystey!...
2. Taasuna waa inuu bilaabo HADDA haddusan horey ugu jirin.
3. Waddaniyiintu,meelay joogaan ba waa Inay heegan noqdaann...
Hadii alle idmo waad la socon doontaan qormooyinkan qormooyinka xigga , Waxkasta oo maslaxadeena ku jirtaa ee uu Dr Raabi inooga tagay (IHU) ee Saadaashii & Riyadiisii oo rumowday, waxayna ibo-furka u tahay isbedelada geeska africa ee hada taagan. Waxaana mahad-gaara iska leh , la,aantoodna ma suura gasheen hadaanay website-yadeena Qiimaha leh Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah , soo gudbintooduna muhiim inoo tahay waanad ku mahadsan-tihiin.

NB.( ""Soomaaliyeey oday caabud ha noqonina , ee Alle Caabud noqda ,Bishaaradaydu waa Soomaaliyeey , 100% hadii la ini kala dilay , 100% waad isjeclaan doontaan wixii idin soomarayna riyo riyo ayey noqondoontaa Bi'idmillahi"" ) dardaarankii Dr Omer Osman Rabeh ("IHU)

W/Q: Mukhtar Ali Aden
Email : [email protected]
Allah Mahadleh.
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS