Kulankii Golaha Wasiirada Somaliland Oo Labo Wasaaradood Xoogo Laga Dhegaystay Iyo Amaro Madaxweyne Bixiyay [Maxaa Soo Kordhay]

0
Thursday 6th December 2018 15:01:48 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulankii Golaha Wasiirada Somaliland Oo Labo Wasaaradood Xoogo Laga Dhegaystay Iyo Amaro Madaxweyne Bixiyay [Maxaa Soo Kordhay]

    Kulankii Golaha Wasiirada Somaliland Oo Labo Wasaaradood Xoogo Laga Dhegaystay Iyo Amaro Madaxweyne Bixiyay [Maxaa Soo Kordhay]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii Golaha Wasiirada Somaliland Oo Labo Wasaaradood Xoogo Laga Dhegaystay Iyo Amaro Madaxweyne Bixiyay [Maxaa Soo Kordhay]

Kal-fadhigii 25-aadee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay06/12/2018,waxa lagaga dooday Maalgashiga iyo horumarinta dalku la wadaagi karo adduunka intiisa kale, iyadoo goluhuna warbiximo ka dhegeysteen, wasiirrada, arrimaha gudaha iyo horumarinta Maalgashiga.



 

Goluhu waxay warbixin amniga la xidhiidha ka dhegaysteen wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, waxaanu wasiirku ku dheeraday adkaynta nabadgelyada dalka iyo qorsheyaasha ka hortaga falalka dhalinyarada caadaystay dhibaataynta ay habeenkii ka geystaan magaalooyinka qaarkood.


 

Sidoo kale wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, ayaa warbixin ka siiyey golaha wasiirrada safarro shaqo oo uu ku soo maray dalka dibeddiisa, kuwaas oo la xidhiidha mashaariicda maalgashi ee dalku ku talaabsanayey mudooyinkii u danbeeyey iyo sidii shacab iyo xukuumad ba loogu diyaar garoobi lahaa mashaariicda maalgashi ee dalka kusoo wajahan, iyada oo indhaha caalamku kusoo jeedaan waddanka, danaynayaanna khayraadka dihin ee Jamhuuriyadda Somaliland.


 

 

Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu golihiisa wasiirada ku adkeeyey in ay dardargeliyaan mashaariicdii horumarineed ee uu kasoo dhagax-dhigay gobolladii uu safarka ku soo maray, isla markaana ay dhammaystiraan dhammaanba mashaariicdii hore uga socday gobollada dalka.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


LATEST NEWS