Duulaankii Buuraha Meriya 27.November.1984. Waa Dagaalkii Ugu Gadhaadhaa Ee SNM Gashay.

0
Monday 24th December 2018 16:57:53 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 3105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duulaankii Buuraha Meriya 27.November.1984. Waa Dagaalkii Ugu Gadhaadhaa Ee SNM Gashay.

    Guutadii la odhan jiray 1aad ee deganayd meesha la yidhaahdo Baalidhaye ayaa waxay ruqaan satay 27.November.1984-kii,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guutadii la odhan jiray 1aad ee deganayd meesha la yidhaahdo Baalidhaye ayaa waxay ruqaan satay 27.November.1984-kii,
waxayna beegsadeen isla silsilada Golis siiba buurta Meriya ee ku taala waqooyi bari ee magaalada Burco. Ciidankan waxaa taliye u ahaa Muj;Maxamed Kaahin Axmed, waxaana taliye ku xigeen u ahaaMuj.Maxamed Cawed Baxooshe. Ciidamaddii Dawladdii Soomaaliya waxay isku dayeen inay mujaahidiintan jidka ku joojiyaan oo aanay u ogolaan inay buurta gaadhaan, lakiin taasi umay suurto gelin, ciidanka oo dhulka uu marayo iyo deegaanka uu ka dagaalamayo kala yaqaaney aawadeed, iyana waxay gaadheen Buurtii Meriye iyo nawaaxigeeda, halkaas oo uu in muddo ah dagaal balaadhani ku dhex maraayey ciidamadii Soomaliya, iyagoo khasaare ba’an gaadhsiiyay ciidankii Soomaaliya ee xaqdarada ku dagaalamaayay, mar kale ayaa Cisbitaalka Burco, maydka iyo dhaawaca ciidamadii dooxatada ahaa ee Siyaad Barre, ay buux dhaafiyeen.



Ugu dambeyntiina ciidankan oo masaafo aad u dheer oo 300 oo km, gaadhaysa ka soo kicitimay, wuxuu ku guuleystey inuu dib u gaadho Baalidhaye, oo ahaa saldhigii ay markii horeba ka soo duuleen. Dhibta iyo naf hurida ay sameeyeen ciidamadaas SNM waa mid ninkii joogay uun uu garan karo, sida nimankaasi muddo, iyagoo aan daawo wadan, oo cunto ku filan wadan, oo xitaa tikniko iyo baabuur aan wadani ay ugu badheedheen dagaaladaas, dusha sare ayay ka qolof dhaceen. Muj.Yuusuf Axmed X.Aadan (Yuusuf dhakhtar) oo ahaa dhakhtarkii daaweeyay markii ay Baalidhaye ku soo noqdeen, mujaahidiintii Meriya galay, wuxuu sheegay „In maalintii ay Baalidhiye yimaadeen, Muj;Maxamed Kaahin iyo colkii la socday, in uu kabihii uu ka saaray uu soo raacay hilibkii cagahoodu!. „Waxaad moodeysey inay gubteen"ayuu yidhi. Wuxuu intaas ku daray „ileen waa niman xaq ku dagaalamayee, daawada ka dib dhawr maalmoodba hilibkii iyo duubkii ka dhacayba way ku soo noqdeen".


Guuldaradaas ay Ciidamadii SNM, u geysteen ciidankii Soomaaliya, waxay keentay inay shacabkii magaalooyinka waqooyi degenaa ka aarsadaan oo si naxariis darro ah u xasuuqaan, tusaale ahaan.

17.November.1984-kii, waxay magaalada Hargeysa , dil toogasho ah lagu fuliyey 37 qof oo aan waxba galabsan, oo wax garadkii magaalada ahaa.

19.November.1984-kii, waxaa magaalada Shiikh, dil toogasho ah lagu fuliyay 11 qof oo aan waxba galabsan oo labeentii magaalada ahayd.

20.December.1984-kii, waxaa magaalada Burco, dil toogasho ah lagu fuliyey 45 qof oo aan waxba galabsan oo labeentii iyo aqoonyahankii iyo odayaashii magaalada ahaa.

Aarsi naxariis darro ah ayaa meeshaas ka dhacay!.

Xigasho. Buuga Dhiigii Geesiga,

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed Ilahay Haka Abaal Mariyo Wuxuu Dadkiisa Usoo Galay Isaga Iyo Ciidankii Uu Watayba. AAMEEN .


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS