Bal Cida Carruurtan Darbi Jiifka ka Muusala Kow Ha Is Waydiiso Marka Xigtana Xilkeeda Ha Gudato.W/Q, GEELE OSMAN TAKAR. Q3aad.........

0
Wednesday 9th January 2019 08:29:11 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bal Cida Carruurtan Darbi Jiifka ka Muusala Kow Ha Is Waydiiso Marka Xigtana Xilkeeda Ha Gudato.W/Q, GEELE OSMAN TAKAR. Q3aad.........

    Mar hadaan soo sheegay dastuurka Somaliland qodobkiisa 19aa iyo 24aad oo ah dowladdu inay masuul ka tahay caafimaadka horumarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mar hadaan soo sheegay dastuurka Somaliland qodobkiisa 19aa iyo 24aad oo ah dowladdu inay masuul ka tahay caafimaadka horumarka

,waxbarashada iyo ilmaha aan haysan cid daryeesho .

Xaalada carruurtani ku sugan tahay waa xaalad naxdin leh ,xaalad aad iyo aad runtii u xun ,waxaad arkaysaa dumarkii oo gidaarada u hoyanaya oo garaabada ku cunaya oo dadku iska dhaafayo halkaa dhaxantu ku dilayso bal qiyaas adigu .

Waxaad arkaysaa hudheelada waawayn ee hargeisa oo ka socda siminaaro looga hadlayo xuquuqda carruurta ,hayado badan oo ka shaqeeya carruurta oo la baxay daneeyayaasha carruurta ayaa jira anigu waxaan u bixin lahaa magaca danaystayaasha carruurta waxaasoo dhana waa shilimo doon , hayadahaasi ka shaqeenayey daryeelka carruurta waxay ku heshiiyeen inay roodhida kuwada dhuuqaan dhanaanka yar ee loogu talagalay carruurta .

Laakiin carruurtani cid u naxaysaa ma jirto ,qofka damiirka lihi maanta wax kale kamuu hadleen wuxuu ka hadli lahaa masuul ha ahaado ama waxgaradka bulshadan ha ahaado, carruurtan ku dayacan dariiqyada ee markaad aragto ilmaynayso ee dushooda lagu ganacsanayo ee lagu taajirayo hortooda gawaadhida cad cad lala marayo ee gidaarka fadhiya markaa sidaa aad u aragto ooyeyso oo waliba dumar ah bal rag iska dhaafoo dumar caara oo cawraa bal ilaahbaa idin ku dhaarshee ufiirsada oo qiyaasa.

Waxaa amaan leh oo duca leh ilaahay ha barakeeyo aan leeyahay,Wasiirka Wasaaradda Shaqo-Galinta ,Arrimaha Bulshada Iyo Qoyskaoo ah number kow masuuliyiinta fara kutiriska ah ee booqata meelaha ay ku sugan yihiin carruurtaa yar yar mudadii ay joogtayna wax wayn ka qabatay kaalinta koowaadna ku jirta .

Ma u malaynaysaa Marwo Hinda inay markay timid wasaarada in carruurtii darbi jiifka lagu arag suuqa oo kan soo gala inta markiiba la qabto la xareeyo oo la daryeelo waa wasiirada ugu daryeelka wanaagsan waa wasaarada kaliya ee xasilatay ee ka soo baxday kaalinteedii ,wasiirkarun ahaantii waxaykamid tahay xubnaha hormuudka ah ee xukuumada madaxweyne muuse biixiIntii ay xilkaa haysay waxay qabatay hawlo aad muhiim ugu ah shacabka ay mas uulka katahay ilaahay haka abaal mariyo kudayasho ayay mudantahay.

Meesha lagu dhintay ee lagu ba'ay ee carruurtii ku baabaday waa hargeisa .

Mararka qaar waxaan is idhaahdaa tan malaha dhulkaa lala goyn doonaa ,waxaan ka sheekayn karayo xaqiiqatan maaha ,waxaanu odhan karayno xaaladoodu waa sidee maaha waana halkii ugu xumayd.

Inkasta carruurta daryeelka u baahan aanan ahayn inta lagu xareeyey xarumaha lagu daryeelo ee magalaada hargeisa oo kaliya balse waxa jira dad rag iyo dumar ba leh oo ku dayacan suuqyada magaalada hargeisa iyo jidadka waawayn isla markaana dhibaatooyin badan ay soo food saaraan haday noqoto cadceeda ,gaajada iyo xiligan aynu ku jirno ee dhaxanta maxaa hadaba keenay in carruurtan loogu xareen waayo xarumaha dowlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee daryeelka carruurta ?

Maxaa hortaagan in xarumaha lagu daryeelo caruurta loogu samayn waayo meela tababar xirfadeed leh wax lagu yidhaahdo afka qalaad (Vocational Training) iyo meelo ay ku ciyaaraan ? 

Runtii lama dabar goyn karo oo darbi jiifku maalin walba wuu imaanayaa ilmihii shalay xaafadoodu joogay ayaa maantana imaanaya suuqa waa is badaloo way isdaba soconaysaa markaa dowlad iyo shicib intaynu isu takno umadan sidii daryeel guud ay u heli lahaayeen aynu u sameeno ayaan ku talin lahaa .

[email protected]



On Sat, Jan 5, 2019 at 6:44 PM Shaam Haji <[email protected]> wrote:

DarbiJifka Dadkoodii Haday Qaban Karayaan Way Hayn Lahaayeen ,Hadaanan Dadkoodii Hayn Karin Yaa Ka Masuula ? W/Q, GEELE OSMAN TAKAR. Q2aad..............

 

Waxaan qaybtii koowaad ku soo sheegay inDastuurka Jamhuuriyada SomalilandQodobkiisa 19aad iyo qodabkiisa 24aaduu tilmaamayo in dowladdu ay masuul ka tahay caafimaadka, horumarka, waxbarashada hooyadda, ilmaha iyo naafadda aan haysan cid daryeesha.

 

Haddaba Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay'adaha Madaxa BannaanXeer Lr. 71/2015ayaa tilmaamaya xilka iyo waajibaadkaWasaaradda Shaqo-Galinta, Arrimaha Bulshada Iyo Qoyskawaana sidan:-

1)Dejinta iyo fulinta siyaasadda Xukuumadda ee kuwajahan daryeelka, xanaanaynta iyo waxbarashada naafada, hooyada, dhalaanka iyo dadka aan xiskoodu dhammayn ee aan lahayn awood iyo cid kafaala qaadata.

2)Taakulaynta iyo ilaalinta dumarka, caruurta iyo dhammaan dadkanugul.

3)Gacan ku heynta xarumaha dhaqan celinta iyo daryeelka caruurta.

4)Xidhiidhinta/horumarinta hay'adaha ka hawl gala adeega bulshada iyo dabagalka xilgudashadooda shaqo si looglu warbixinyo waxaa ay wadanka ka qabtaan.

5)La dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo caruurta sida tacadiyada galmada ee haweenka loo gaysto.

6)ka hortiga takoorida dadka nugul, ka hortiga iyo la dagaalanka tacadiyada jinsiga ah iyo shaqaalayntq caruuurta.

 

Intii aan xog ogaal u noqonayey xaalada carruurta darbi jiifka waxaan arkayey in wadankan ku soo badanayeen balwadaha kale ee maanka dooriya oo aan hore u jiri jirin sida xashiishada ,xabagta, marjuwaanaha ,kookiinta iyo kiininkaba waxayna dhalintu u isticmaashaa habab kala duwan qaar sida sigaarka ayaa loo nuugaa ,mid sankaa laga qaataa ,mid waa la calaliyaa sida xanjada iyo mid laysku mudo oo ah mid si fudud looga heli karo wadankeena waana maandooriyaal midba mida kale ay ka culustahay aanan miisaanayn ,

 

Markii hore anigan dadka uunbaan la mid ahaa oo sida dadka kale u dareemaan uun baan u dareemi jiray oo aan isaga dhaafi jiray laakiin wakhti ilaa mudo laba sano ah ayaan is waydiiyeymaxay carruurtani dadkoodii u qaban waayeen ?su'aashaasi ayaa igu soo dhacday ,hadana waxaa maskaxdayda ku soo dhacday ,dadkoodii haday qaban karayaan ,way hayn lahaayeen .

Waxaan is idhi carruurta sidan oo kale hadaanan dadkoodii hayn Karin yaa ka masuula ?

Markaa waxaa maskaxdayda ku soo dhacday cida kalee ka masuula inay tahay cida umada hogaamisa ee masuuliyada ummadu saaran tahay .

Deedna halkaa waxaa iiga soo baxay wax badan inaan waligeed ba cida ummada hogaamisaa iyo waxgaradka ummadan midna aanu carruurtan hoos u eegin oo aanay ku baraarugin .

Maalintaa wixii ka dambeeyey ayaan bilaabay inaan ka shaqeeyo daryeelka carruurta ,Maansa hore ayaa tidhi:-

dadkan waa yuhu haysto

ee waxyeeladu gaadhay

ee waayey xuquuqdoodii

ee habeenkii wareega

ee akteena ka wiiwle

horta yaa ka masuula ?

Su'aasha hada taagan waxa weeye bal horta dadkani yaa ka wakiila? bal cida ka wakiilka ah kow ha is waydiiso? marka xigtana xilkeeda ha gudato?

la soco Q3aad.....................

[email protected]

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS