Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Puntland Oo Balan-Qaad U Sameeyay Madaxweynaha Cusub [Waa Maxay]

0
Thursday 10th January 2019 13:35:57 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Puntland Oo Balan-Qaad U Sameeyay Madaxweynaha Cusub [Waa Maxay]

    Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Puntland Oo Balan-Qaad U Sameeyay Madaxweynaha Cusub [Waa Maxay]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Puntland Oo Balan-Qaad U Sameeyay Madaxweynaha Cusub [Waa Maxay]

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay in shacabka Puntland ka filayaan inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub.


Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland ay u baahan tahay in si midnimo iyo Wadajir ah ay kaga shaqeeyaan horumarinta deegaanka iyo kor u qaadida xaalada amaanka ee Puntland.


Wuxuu sheegay in madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku qabo kalsooni buuxda oo la xiriirta inuu wax ka qaban karo amaanka iyo horumarinta deegaanada maamulka Puntland.



Shacabka Puntland ayuu sheegay in xiligan looga baahan yahay inay muujiyaan Midnimo iyo Wadajir oo ay si dhab ah ula shaqeeyaan madaxweynaha Cusub ee Puntland.


"Puntland waa mid, waxaan u baahannahay midnimo iyo Wadajir, madaxweynaha cusub waan ku kalsoonahay, waana nin shaqadiisa kasoo bixi kara, shacabkana waxaa ugu baaqayaa iney la shaqeeyaan” ayuu yiri Gaas.

Dhanka kale, C/weli Gaas ayaa ballanqaaday in haddii madaxweynaha cusub uu uga baahdo talo iyo la shaqeyn uu xilli walbo diyaar u yahay inuu waayo-aragnimadiisa ku biiriyo.


Loading...
LATEST NEWS