[Akhriso:-] Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

0
Friday 11th January 2019 08:59:11 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Akhriso:-] Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

    [Akhriso:-] Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Akhriso:-] Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho





Dab khasaare dhaliyay ayaa xalay ka kacay suuqa Bakaaraha ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaa uu dabka qabsaday qeybo kamid ah Suuqa gaar ahaan goobta lagu iibiyo dharka celiska ah ee Hudheyda.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ku sugnaa Suuqa ayaa BBC u sheegay in dabka uu baabi’iyay hanti badan oo ay laheyd ganacsatada isla markaasna ay xakameeyeen in dabka uu kusii fido guud ahaan Suuqa.

Tuulax wuxuu sheegay in qeyb badan oo kamid ah Suuqa uu gubtay balse inta ay ogyihiin aysan jirin dadka ku dhintay dabka .




Xarumo ganacsi oo ku yaallaa suuqa Bakaaraha oo gubanaya

Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan waxa dhaliyay dabka iyo dhibaatada rasmiga ah.

Ma ahaan markii ugu horreysay uu dab qabsado Suuqa Bakaaraha, waxaa horraan suuqaasi ka kacay dab gaystay khasaare badan.


BBC

LATEST NEWS