Reer Laas-caanood Oo Cadho Iyo Neerfis Ka Qaaday Hadalkii Madaxweyne Deni Iyo Salaadda Jimce Ka Dib Oo La Balamay

0
Friday 11th January 2019 09:06:57 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 1261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Laas-caanood Oo Cadho Iyo Neerfis Ka Qaaday Hadalkii Madaxweyne Deni Iyo Salaadda Jimce Ka Dib Oo La Balamay

    Reer Laas-caanood Oo Cadho Iyo Neerfis Ka Qaaday Hadalkii Madaxweyne Deni Iyo Salaadda Jimce Ka Dib Oo La Balamay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reer Laas-caanood Oo Cadho Iyo Neerfis Ka Qaaday Hadalkii Madaxweyne Deni Iyo Salaadda Jimce Ka Dib Oo La Balamay




Laas-caanood (Karin News):- Waxa maanta kadib Salaadda Jimce la filayo in bulshada reer Laascaanood muujiso dareen ay kaga soo horjeedaan hadalkii madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ku sheegay in Somaliland ku xadgudubtay gobollada Sool iyo Sanaag.

Somaliland iyo Puntland muranka u dhexeeya ayaa gobollada Sool iyo Sanaag Bari ku suntay dhul lagu muransan yahay "Wax iska caadi ah ayey noqotay in hoggaamiyeyaasha Puntland ay collaada gobolka Sool ka dhigtaan wax lagu kaambeen gareeyo maalmaha doorashada iyo marka uu madaxweyne waqtigiisa sii dhammaanayo ", waxaa sidaas Caasimada u sheegay mid ka mid ah dhallinyarada dibad baxa soo qaban qaabisay.







Waxa uu intaasi ku daray "Waxaan u sheegeynaa madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland in aanan doonayn in lagu dul dagaallamo reer Sool oo hadda haysta nabad marka madaxda maamulkaas yaanay xaalad abuur noqon.”

Geesta kale Prof Yuusuf Aflahaar oo ka hadlay arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in bulshada reer Sool magacooda lagu bahdilay weedhaha siyaasiyiinta Puntland adeegsato ee ah in la xoraynayo "Kuwo badan oo had iyo jeer idaacadaha la taaggan Sool baa la xoraynaya waar Sool reer Laascaanood baa jooga e yaa laga xoraynaya? Ma anaga nalaga saaraya oo dad kale ayaa la keenaya? Eraygaasi sumcaddeena iyo magaceenaba waa baabi’iyay oo waa dilay anigu garan maayo waxay ka helayaan,” Sidaas ayuu Prof-ku u sheegay Bulshada reer Laascaanood oo uu hadal u jeedinayay

LATEST NEWS