Filinka Taariikhiga ah ee Sancaani

0
Tuesday 5th February 2019 08:41:52 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Filinka Taariikhiga ah ee Sancaani

    . Aad ayaa qof wal dareen wadaninimo ku jiro ugu raaxaystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

. Aad ayaa qof wal dareen wadaninimo ku jiro ugu raaxaystay
. Filinkaa oo muujinayaa hoggaamiintii toosnayd ee madaxwayne Cigaal iyo geesinimadii Suldaan Maxamed iyo gobnimadii saraakiishii Arab iyo guud ahaan beesha Arab. Suldaan Maxamed suldaan Faarax oo ahaa suldaanka kaliya ee Isaaq ee si toos ah uga qayb qaatay halgankii SNM,

 marnuu muu rabin in halgankiisii ku dambeeyo dagaalo sokeeye iyo qabyaalad hoose oo foolxun. Wuxuu rabay in laga midho dhaliyo oo halgankii boqolaalka kun ee qof u dhinteen uu noqdo mid qaranimo dhala. Madaxwayne toosan oo isna ri'yigaa la qabana ugu dambayn wuu helay oo gacanta la is qabsaday. Wixii ka dhashayna waa taa illaa maanta lagu hadhsanayo. Ilaahaybaana mahadda leh. Waxase nasiib darro ah in isu duwaha filimkani uu cinwaan qaldan oon meeshan ku habboonayn u bixiyey filimka. isagoo ku magacaabay billadii luntay. Xaggay ku luntay waa yaabe? Sowtaa hirgashay ee calankiina maanta Hargaysa ka dul lulanayo. Billadu waa taa! waa calanka iyo gobonimadii ay muujiyeen madaxdii Arab ee 25 sano ka hor beesha u talinaayey.


 Taariikhdooda in si nadiifa oo gobonimo leh loo sheego weeyi, maaha in loo ekaysiiyo sidii ay tahay arrin lagu khasaaray. Mana aha in lagu cabbiro loolanka ama saluuga siyaasadeed ee waqtigan taagan. Waa in taariikhda halkeeda iyo cabbirkii iyo dareenkii maalintaa loo daaya. Bi'i waaye ha innaga dilin taariikhda dahabiga ah!
Wa Billahi tawfiiq,

A. Amir Bidde

[email protected]


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS