Hambalyo Ku Socota Madaxa warbaahinta iyo shaqaalaha(Head section) ee wasaraada Horumarinta Biyaha JSL Eng:Abdiqadir Ismail Jama.W/Q:Ugaas Cumar Jaamac iidle.

0
Friday 8th February 2019 11:25:29 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Ku Socota Madaxa warbaahinta iyo shaqaalaha(Head section) ee wasaraada Horumarinta Biyaha JSL Eng:Abdiqadir Ismail Jama.W/Q:Ugaas Cumar Jaamac iidle.

    Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Madaxa warbaahinta iyo shaqallaha(Head section) ee Wasaraada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Madaxa warbaahinta iyo shaqallaha(Head section) ee Wasaraada
 Horumarinta Biyaha Jamuuriyada Somaliland Eng:Abdiqadir Ismail Jama
Anigoo Ku hadlaaya Afka Ugaaska Dhalinyarada Gobolada Bari iyo aqoonyahankooda waxaan halkan Hanbalyo ugadirayaa Madaxa Warbaahinta iyo Shaqallaha(Head section) ee Wasaraada Horumarinta Biyaha Jamuuriyada Somaliland Eng:Abdiqadir Ismail Jama oo wasiirka wasarada Hurumarinta Biyaha jamuuriyada somaliland Saleban cali Koore shalayto Degreeto Wasiir kumaghaacaabay.


hadaba Madaxa warbaahinta iyo shaqallaha Wasarada Biyaha iyo hurumarinta ee cusub wuxuu kamid ahaa dhalinyaradii doorka wayn ku lahayd guushii Xisbiga Kulmiye,Waxaa uu ahaa Xubin Firfircoon oo door fiicanku lahaa in Xisbiga Kulmiye codkii ugu badnaa ka helo Carooley,godaalo,taleex,sarmaanyo,awrboogays,shaxda iyo dhamaan deegaanada hoosyimaada gobolka sool.
Waxaa uu kamid ahaa madaxdii xisbiga kulmiye ee u qaabil-sanaa Gobolka Sool iyo deeganada kor kuxusanba isla markaana u hagar baxay sidii Madaxwayne Muuse Biixi uu ugu hubsan lahaa Kursiga ugu sareeya Xafiiska Dawlada.
Waa nin dhalinyaro ah oo ka mid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee dalka .waa shaqsi aan aaminsanahay inuu qaranka iyo masuuliyada culus ee Wasiirku u wakiishay kasoo bixi doono.

Aniga oo ku hadlaya afka Ugaaska dhalinyarada iyo aqoon-yahanka Gobolada bari waxaan ku hambalyaynayaa uguna ducaynayaa in illaahay ku asturo una fudaydiyo xilka qaranka ee uu Wasiirku u magacaabay.

Waxaan u mahad-naqayaa Wasiirka wasarada Biyaha iyo hurumarinta JSL W/Saleban Cali Koore garashada uu gartay inuu magacaabo Madaxa warbaahinta iyo shaqallaha Wasarada Biyaha iyo hurumarinta JSL ee cusub oo ku huboon xilka iyo masuuliyada uu u magacaabay.

Waxaan ku kalsoonahay in Madaxa warbaahinta iyo shaqallaha Wasarada Biyaha iyo hurumarina JSL Eng:Abdiqadir Ismail jama uu yahay nin karti u leh inuu sare u qaado shaqadii warbaahinta iyo shaqallahaba.

Allaah mahadleh

Contact:063-4439712/065-4439712


Ugaaska dhalinyarada Gobolada bari

Ugaas Cumar Jaamac Iidle
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS