SIYAASADA SOOMAALIYA KA LEEDAHAY SOOMAALILAND

0
Sunday 10th February 2019 12:03:03 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIYAASADA SOOMAALIYA KA LEEDAHAY SOOMAALILAND

    Waxaad in badan warbaahinta ka maqashaan aduunka oo canbaaraynaya israaiil iyo wadamada reer galbeedka oo ay hormuud uga dhigayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaad in badan warbaahinta ka maqashaan aduunka oo canbaaraynaya israaiil iyo wadamada reer galbeedka oo ay hormuud uga dhigayaan maraykanka taasoo ayku sheegayaan inay wadamada aduunka faraha kula jiraan si ay u burburiyaan ama ay siyaasadooda u hanan lahaayeen si ay uga ilaashadaan inay soo galaan wadamada uu loolanka siyaasadeed iyo dhaqaale ka dhexeeyo sida ruushka iyo shiinaha si wadamadaasu aanay u helin awood ay isku balaadhiyaan siyaasad ahaan dhaqaale ahaan iyo garab awoodeed intaba ama kuwa soo korayaa u gaadhin horumar dhaqaale oo u saamaxaya inay samaystaan awood ciidan intaba .

Hadaba waxaa isweydiin mudan arinka wadamada reergalbeedka iyo yuhuudu ka wadaan aduunku maku saxsan yihiin mise wayku qaldan yihiin ?.


Siyaasada waxay dhigaysaa cadowgaaga dil inta uusan ku dilin . Taasi waxay kelifeysaa in aad disho oo halkooda ku burburiso siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba cidkastoo aad u aragto inay cadowgaaga tahay iyo cidkastoo ku taagi karta cadowgaaga siyaasadiisa mustaqbalka taas oo ah mid maalin maalmaha ka mid ah dib ugusoo noqonaysa hadaanay hadda kasii hortegin fidideeda .

Hadaba israiil iyo reergalbeedku wayku saxsan yihiin inay cidkasta meeshooda ku burburiyaan intaanay ku awoodaysan ama helin awood ku fida oo tooda lamid ah kadibna loolan kula gasha aduunka dhinackasta . Tusaale waxaan kasoo qaadayaa midowgii soofiyeeti ee ka koobnaa 17 dal iyo kudhowaad 20 dal oo shuuciyada qaatay waxay u fideen si degdega taasoo reergalbeedka iyo aduunka khatar gelisey maantana sadexda dal ee ruushka kusii hadhay ayaa ah kuwo reergalbeedku gacanta ku hayaan unasoo fadhiisteen dalalka ay xuduudaha leeyihiin ee markoodii hore iyaga ka tirsanaan jirey .

Hadaba hadaan dib ugusoo noqdo mawduucayga ah siyaasada soomaaliya ee ku aadan soomaaliland waxaad ogeydeen ama maqasheen in midnimadii dhinaca ka rarayd ee soomaaliland la samaysay soomaaliya 1960 kii inay reerkoonfurku shuruud uga dhigeen inaanay dawlada iyo barlamaanka midna awood ku lahayn magaalo madaxdana ku darsanayaan taasoo ujeedadoodu ahayd inaanay jiridoonin wax saamayn siyaasadeed oo ay reer waqooyigu ku yeeshaan xukunka soomaaliya ahna mid ayku saxsanaayeen wakhtigaas oo gumeysigoodii oo daaha dabadiisa ugu jirey kasoo qaadanayeen halka reer waqooyigu ay ka dhaqaaqeen gumeysigoodii iyagoo wax siyaasad ah iyo xukuntoona aqoon u lahayn una kala fadhiyey qabiilooyin taasoo ilaa maanta dabasocota xukunkooda aan aduunka ku xidhnayn isla markaa markii ay talada dalka qabteena reerkoonfurku si toosa u inqilaabeen taasoo ay markaana ku saxsanaayeen waayo siyaasada iyo xukunka midna cadowgaaga looma dhiibto .

Hadaba maanta oo koonfuri sidii lixdankii dadkii umiga ahaa ee kusoo yaacay ay ugu bilaabeen dagaal siyaasadeed oo aanay aqoon u lahayn kana fekerin mustaqbalkooda ayay maantana u samaysteen waxa loo yaqaan 4.5 oo ay dal ahaan iyo shacab ahaanba ku kala qaybinayaan soomaaliland isla markaana madaxyada qabiilooyinka soomaaliya isasiiyeen ay kala dagaalameen madixii keliyahaa ee ay yeelan lahaayeen oo ah isaaq una bixiyeen dir si ay ugu daraan dad aanay waxba isu ahayn isir ahaan laakiin siyaasad ahaan iyaga loogu karbaashayo lagana horgeynayo si loogu garaaco tiro ahaan iyo dal ahaanba iyo in laysu feeraariyo oo layidhaahdo waxaasaad hesheen oo lagu heshiiyey ee kusoo fayla ama halkaa ka qayliya weligiin xumaan latuso mooyaane wax nasteexo ahna loo gelin sida hadanba aad si cad u arkaysaan in wadahadalkii wixii lagu heshiiyeyna la burburiyey wax danbena loo wadayn maalinba maalinta ka danbaysana xumaan loosoo dalacayo .

Hadaba soomaaliland oo dagaalka sidaas ahi ku socdo ayaan iyadu ogeyn waxa koonfuri uga jeedo isla markaana ku hadaaqa waxaanu doonaynaa inay wax noqdaan hadalkaas oo ah mid siyaasad ahaan nuqsaan ku ah ee ay ahayd inay dagaalka lagula jiro mid lamid ah la galaan soomaaliya isla markaana cidkastoo soomaaliya isku haysa taageeraan ciday u arkaan inay isku siyaasad noqon karaan si ay khasab uguga dhigaan cidda siyaasada soomaaliya gacanta ku haysa inay dhuxul ololaysa cagaha u geliyaan si aanay iyagu iyaga firsad ugu helin ay kula dagaalamaan ama siyaasad u dhex dhigaan ay gudahooda iska qabsadaan si ay isugu mashquulaan sidaana faraha uga qaadaan isla markaana usoo dedejiyaan inay ogolaadaan waxay soomaaliland dalbanayso si ay isaga dhex saaraan ugana tanaasulaan midnimada beenta ah ee ay sheegayaan taasoo si buuxda u muujinaysa nuqsaanta siyaasadeed ee soomaaliland .

Hadaba siyaasadu maaha cadowgaaga dil inta uusan ku dilin oo keliya ee waxaad dileysaaa saaxiibkaa marka aad kasoo dhamayso cadowgaaga si uusan maalin maalmaha kamid ah cadow kuugu noqon isaga laftiisu intaad iskaga hortimaadaan maslaxad dhexdiina ah waayo siyaasadu mahala saaxiib joogto ah ee waxay leedahay maslaxad joogto kolka aad maslaxaad isku qabataana wuxuu noqonayaa cadowgaa koowaad oo jiritaankaaga khatar gelinaya .

Inkastoo soomaaliland siyaasada ay qaadatay ku khasban tahay isla markaana ugu madax u buuxinayso siyaasada wadamada ayla saaxiibtay mustaqbalkeeda hadana iyaga laftooda waxay ahayd inay heshiis lataabankaro oo ku simaya wakhtiga lasugayo kula gorgortanto oo wax qabad maalgelin iyo dadkeeda loo looga shaqaalaysiiyo wadamadooda ah si ay u xamili karto duruufaha ku gadaaman ee gudaheeda taasoo aan si buuxda uga dhex muuqan inta muuqataana tahay mid siyaasadaysan oo ah qawda maqashii waxna haw qaban iyo baahideeda oo maalinba maalinta ka danbaysa kor usii kacaysa .

QORE: MAXAMED AADAN AXMED
SIYAASI MADAXBANAAN
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS