[Faallo:-] Jamaal Cali Xuseen.

0
Sunday 10th February 2019 16:51:30 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Faallo:-] Jamaal Cali Xuseen.

    Sheekaba sheeko ayay keentaaye,beribaa waxa la yidhi nin reer miyi ah ayaa soo degey guri laga guurey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekaba sheeko ayay keentaaye,beribaa waxa la yidhi nin reer miyi ah ayaa soo degey guri laga guurey

, dabeeto nin geedi soo maray oo daalan buu ahaaye , waxoogay ooda intuu soo gurey ayuu xaradii adhiga saarsaaray , ka dibna iska fadhiistay .

Ninkii oo geed guriga agtiisa ah fadhiya , oo malaha in shaah loo keeno sugaya ayaa nin geedkii ugu yimi ,dabeeto is waraysi ka dib wuxuu yidhi , waar nin yahow meeshu waraabe ayay leedahaye , reeraad u ood , oo weliba mus-danbeedka guriga xoog isaga adkee , dabeeto ninki wuu iska dhayalsaday hadalkii waanu iska seexday .

Habeenimadii baa reerkii waraabe usoo dhacay , ka dibna wiil yar buu reerkii ka qaatay , inanka yar qayladiisii haduu maqlay ninki waraabihii ayuu ka daba cararay waanu gaadhi waayay , ilayn waa nin daalan oo shalay oo dhan geedi iyo socod kusoo jiraye .

Subaxnimadii ayaa ninkii oo murugaysan uu ninki u yimi , dabeeto ninkii loo yimi wuxuu u sheegay in xalay Waraabe usoo dhacay , ka dibna wiil yar ka qaatay , dabeeto uu gaadhi waayay .

Ninki markuu warkii qaatay buu ugu hal celiyey , Nin yahow shalay baad ood xumayd , xalay baad orod xumayd , maanta ayaad ayaan daran tahay .

Imika waa halkaase , Jamaaal oo Xisbigii geelu isugu jirey ka dayrinaya , waxaynu leenahay , Doraad baad tallo xumayd , shalay baad sahan xumayd , maantaad rajo xuntahay .



Waxa qoray Axmed Nuur Gurunje
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS