[Dalka Maraykanka:-] Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga oo mar kale is maan dhaafay

0
Monday 11th February 2019 09:07:57 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Dalka Maraykanka:-] Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga oo mar kale is maan dhaafay

    Dalka Maraykanka:- Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga oo mar kale is maan dhaafay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Maraykanka:- Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga oo mar kale is maan dhaafay






Ergooyinkan ayaa rajaynayay in ay is fahmaan Isniinta si ay Aqalka Congress-ka u siiyaan wakhti uu ku ansixiyo Jimcaha, maalintaas ayuuna ku egyahay heshiiskii bishii hore la gaaray ee lagu ansixiyay kharashaadka dawladda.

Isfahan waagan waxaa xudun u ah meesha uu madaxweyne Donald Trump ka taagan yahay dhaqaalaha ku baxaya darbiga uu rabo in laga dhiso xadka Maraykanka iyo Mexico.





Trump ayaa ku adkaysanaya darbigaReuters
Trump ayaa ku adkaysanaya darbiga

Hawlaha Dawladda Maraykanka ayaa horay u xirmay 35 maalmood, arrintaas oo noqotay middii ugu wakhti dheerayd taariikhda dalka Maraykanka.

Ismariwaagan u dambeeyay waxaa keenay markii xisbiga Dimuqradigu uu dalbaday in waaxda socdaalka iyo dhaqangalinta arrimaha canshuuraha ee loo soo gaabiyo ICE ay diiradda saarto xirxiridda dadka soo galootiga ah ee dambiyada galay badalkii ay xirxiri lahaayeen dadka dal ku galku uu ka dhacay, arrintaas oo ay sheegeen in ay xadidayso sariiraha goobaha dadka lagu hayo, sida uu ku warramay wargeyska New York Times.

Waaxda ilaalada xuduudaha oo ku sugan xadka MexicoEPA
Waaxda ilaalada xuduudaha oo ku sugan xadka Mexico


BBC
Loading...
LATEST NEWS