Hirdanka siyaasadaha dunida … kala horororsigooda marsooyinka Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed … Halista Somalilandkusoo fool lehiyo hawaawi-kaca doorashooyinka … Weydiimo warcelin u baahan!

0
Monday 11th February 2019 11:34:43 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirdanka siyaasadaha dunida … kala horororsigooda marsooyinka Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed … Halista Somalilandkusoo fool lehiyo hawaawi-kaca doorashooyinka … Weydiimo warcelin u baahan!

    Waxaynu ku jirnaa xilli siyaasaddii dunidu dhabaqday oo xasilloonidii degganaantii ka luntay, xilli

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu ku jirnaa xilli siyaasaddii dunidu dhabaqday oo xasilloonidii degganaantii ka luntay, xilli

aanay miisaan lagu qiyaaso iyo majiire toosan oo loogu soo hagaago midna lahayn.Waxaynu ku jirnaa xilli dawladihii dunida ugu waaweynaa siyaasaddoodii maalin-maalin iyo gelin-gelin isu bedelayso, islamarkaana habeen iyo maalin gudohood madaxeedu minjo isu rogayo. Waxaynu ku jirnaa xilli la odhan karo siyaasaddii dunidu waxay ku jirtaa galgalad iyo baxaadeg malaha gogoldhig u ah isbedello waaweyn oo ugu yaraan qaybo dunida ka mid ah kusoo fool leh, gaar ahaan gobolkan aynu ku noollahay ee Geeska Afrika iyo gobollada la deriska ah. Isbedello laga yaabo in cunfi iyo qalalaase ku lammaan yahay, lagana yaabo inay juqraafi-siyaasadeedka gobolkeennan Geeska Afrika iyo gobollada la deriska ahba saameeyaan.




Abwaan Sangub oo beryo hore mustaqbalka iyo waayaha siyaasadeed ee soomaalida kusoo aaddanaaka faaliyey ayaa isagoo saadaal aan digniini ka madhnayn bixinaya yidhi: "Waayuhu sirgacanaa! Kululaa sabaannadu! Siyaasaddu gurracanaa! Soo salal madoobaa!”

Inkastoo wadcigii berigaasjirey ee Sangub ka hadlayey iyo waaqica maanta jirnaa aad u kala duwan yihiin marka dhinacyo badanlaga eego, soomaalidii uu berigaas ka hadlayey tan aynu maanta ka hadlaynaana kala duwan yihiin, haddana jira waxay wadaagaan ama isaga eg yihiin kaasoo ahwerwer laga qabo khatarosiyaasadeed oo mustaqbalka dhow ummaddan kusoo fool leh.Khatarahaasina waxay ka iman karaan in Somaliland garoon cayaareed u noqoto cartan iyo loollan quwado shisheeye u dhexeeya, taas oo keeni karta in jiritaanka qarannimo ee Somaliland ku dhex lumo hirdan ummado kale u dhexeeya.Werwerku wuxu ka imanayaa halka xaaladda dunidu maanta marayso iyo heerka wacyigaiyo dareenka reer Somaliland joogo oo aan haab isu lahayn. Waxaad mooddaa in reer Somaliland weli madadaalo ku jiraan, islamarkaana aanay warba u hayn xasaasiyadda goobta ay deggan yihiin, khatarta loollanada socda, quwadaha is haya, waxa ay isku hayaan iyo dawladihii dunida ugu waaweynaa oo goobaha istiraatiijiga ah ee mandiqaddeennan ku yaal kala boobaya si ay saldhigyo ciidan uga dhigtaan, saamaynta ay innagu yeelan karaan iyo waxa ka iman kara.Waxan maqli jirey hees tidhaahda: Ismoog aqalkii bay aslaysaa ismana oga!




Dhinaca dunida kale waxaynu aragnaa siyaasaddii Maraykanka oo intay dhabaqday la baxaadegaysa sidii ay isu waafajin lahayd ama u kala maarayn lahayd go’aannada iyo siyaasadaha madaxweyne Trump Twitter-ka ku faafiyo eeuuwixii uu shalay soo saaray maanta bedelayo, wixii uu gelinka hore soo saarona gelinka dambebedelayo. Waxaynu aragnaa siyaasaddii Ingiriiska oo cakirantay oo aftidii "Brexit” ee ay ikhtiyaarkeeda ku gashay lugaha iskaga martay oo dhinacna ugabixi la’.Waxaynu aragnaa siyaasaddii Faransiiska oogudaha kahulaaqayaysaoo mudaharaadkeeda iyo rabshadeheedu bilo ku dhammaan la’yihiin.Waxaynu aragnaa siyaasaddii Talyaaniga oo mar keliya madaxeedii minjo loo rogey, jihadii ay u socotey jihada kasoo horjeedda u dhaqaaqday, soo galootigii diidday, ururkii Midowga Yurub iyo saaxiibbadeedii ay ku wada jireenna xisaabtan adag la daba socota. Waxaynu aragnaa siyaasaddii Turkiga oo laba bogleynaysa oo jiif iyo joog midna xammili weydey xasaasiyadda mandiqadda ay ku taal iyoculaysyada quwadaha iswada diiddan ee ku xeeran kaga imanaya awgood.Waxaynu aragnaa siyaasadihii Masar, Sucuudiga, ImaaraatkaCummaan iyo kuwa la midka ah oo intawixii ay huurinayeen debedda usoo baxaymeel daran ku arooray.Waxaynu aragnaa siyaasaddii Ruushka oo xisaabihii ayqaladka uga shaqaysay natiijo-xumadeedii kusoo baxday.Dawladda Ruushku dagaalkii ay Suuriya ku baabi’isay cidda qudha ee ka faa’iiddey waxay noqotay Israa’iil oo ah xulafada koowaad ee Maraykanka iyo reer galbeedku Bariga dhexe ku leeyihiin.Waxaynu aragnaa siyaasaddii Iiran oo xiinkii iyo xawaarihii badnaa dhintay islamkaana aad mooddo inay isasoo xidhayso, ka dib markii wixii ay guulaha moodeysey guuldarro iyo garab la’aan ku noqdeen. Waxaynu aragnaa siyaasaddii Israa’iil oo intay xisaab- xumada siyaasadaha ummadaha kale ka faa’iideysatay laba kaclaysayka dib markaymarkay xoog carbeed oo caabbiyi kara Bariga dhexe ka weydey,ciidan ahaan iyo diblomaasiyad ahaanba dhuummashadii ka baxday oo halkii ay doontoba duqaynaysa halkii ay doontana ka degeysa.



Dhinaca kale gobolkeennan Geeska Afrika waxa ka dhacay wax aynu ku tilmaami karno Qulubaa-geddi siyaasadeed oo habeen iyo maalin gudohood maqluubka u rogey qaab-dhismeedka siyaasadaha gobolka. Isbedelkii xawliga duufaanka ku socdey ee Itoobiya ka dhacay wuxu keenay isbedello waaweyn oo aan lagu sii tashan, cid kasii fekertey iyo cid sii saadaalisayna aanay jirin. Inkastoon isbedelkaasi welihalkii ugu dambaysey gaadhin si buuxdana u dhammays tirmin, ilaa hadda waxa muuqata inuudhinacyo gobolka ah oo muhiim ahaa shaki geliyey la jaanqaadkiisuna ku adag yahay. Isbedelkaasi wuxu mugdi geliyey mustaqbalka mashaariichorumarineed iyo xidhiidho ganacsi oo maalgelintooda iyo ka faa’iideysigooduba dhinacyo gobolka ah iyo kuwo ka baxsan u dhexeeyey, kuwaasoo isbedelkan ka hor si habsami ah u socdey ku talogalkuna ahaa inaan muddooyinka dhow waxba iska bedelin.Dhinaca gudaha Itoobiyana waxa muuqata inaan weli xaaladdu saldhigin, oo loollan qoomiyadaha kala duwan u dhexeeya iyo mid xoogag siyaasadeed oo kala aragti duwan u dhexeeyaa marba marka ka dambaysa soo ifbaxayo.Kilillada Itoobiya qaarkood waxa ka jira werwerlaga qabowaxa ka dhalankaraciidammo hubaysan oo hore mucaarad u ahaa iyo kuwo kale oo nidaamkii hore taageersanaa oo gudaha ku wada sugan iyagoon heshiis buuxa ahayn.

Xagga Jabuuti waxad mooddaa inuuladh ku kiciyey waxyaabo is diiddan oo ay mar qudha caloosha isugu geeyeen. Jabuuti waxay la baxaadegeysaa dacar siyaasadeed oo kaga kacday dalalkii badnaa ee ay saldhigyada ciidan siiyeen oo danohoodii iska hor yimaaddeen, si ay u kala maaraysaana ku adkaatay maadaama tamarteeda iyo xoogagga dul fadhiyaa aad u kala badan yihiin.Dhinaca kalena waxa werwer ku haya mashaariicdii horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee ay deynta faraha badan ku gashay oo mustaqbalkoodii mugdi soo galay.Waxase intaaba kasii culus oo ay wadnaha farta kaga haysaa in khilaafka qoomiyada Itoobiya u dhexeeya dalkeeda cagaha lasoo galo, maadaama isla qoomiyadaha Itoobiya ku dhaqani Jabuutina ku dhaqan yihiin.

Dhinaca taariikhda waxaynu joognaa boqol guuradii kasoo wareegtey dhammaadka dagaal-weynihii 1aad ee dunida. Sida la ogyahay dagaal-weynahaas waxa ka ratibmay isbedello waaweyn oo juqraafi-siyaasadeedka dunida wax badan ka bedeley. Tusaale ahaan waxa dagaalkaas aad loogu wiiqay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo Caalamka Islaamka inta ugu ballaadhan xukumi jirtey.Waxa intii dagaalkaasi socday Boqortooyadaas Cusmaaniyiintalagala wareegey dhulalkii Bariga Yurub iyo Badhtamaha Aasiya ee ay xukumi jirtey.Sidoo kale waxa lagala wareegey dhulalkii Barigadhexe ee ay xukumi jirtey sida Ciraaq, Shaam, Xijaas iyo Yaman qaarkeedba. Waxa kale oo lagala wareegey Woqooyiga Afrika sida:Masar, Suudaan,Tuniisiya, Liibiya, Aljeeriya Marooko iwm. Waxa la saxeexay oo higalay heshiiska caanka ah ee loo yaqaan Saykes-biiko (Sycos/Picot).Heshiiskaasoo ahaa heshiis 1916-kii dhexmaray Boqortooyadii Ingiriiska iyo Dawladda Faransiiska waxa lagu sameeyey xuduudaha qaran ee dawladaha Bariga dhexe ee maanta jira u dhexeeya, gaar ahaan Ciraaq iyo Shaam (Suuriya, Falastiin, Urdun iyo Lubnaan).




Waxa kasii horreeyey oo gumeystayaashii reer Yurub ee Boqortooyadaas Cusmaaniyiinta loollanka kula jireyhoreba ula wareegeen dhulalkii Caalamka Islaamka ee darafyada xigey ee aan xukunka Cusmaaniyiinta toos ugu xidhnayn, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dalalka Geeska Afrika ee Somaliland ka mid tahay, kuwa Galbeedka Afrika sida Mali, Senigaal, Nayjeeriya, Nayjar, Jaad, Gini iwm.

Marka lasoo koobo dagaal-weynahaas 1aad wuxu ahaa loollan u dhexeeyey quwadihii reer Yurub ee berigaas jirey oo isku haystey sidii ay u kala boobi lahaayeen una kala badsan lahaayeen dhaxalkii Boqortooyada Cusmaaniyiinta oo ahaa dhulalkii ay xukumi jirtey ee lagala wareegay, gaar ahaangobollada muhimadda dhaqaale, muhimmadda ganacsi ama tan istiraatiijiyadeed leh. Tusaale ahaan Ingiriiska oo berigaas ahaa imbiraadooriyad ballaadhan oo bariga dunida iyo galbeedkeedaba isku fidisay, wuxu awooddiisa isugu geeyey inuu helo marinnobadeed oo u isku xidha qaybaha Imbiraadooriyaddiisa ballaadhan, sidaa awgeed wuxu qabsaday labada marin-badeed ee dunida barigeeda iyo galbeedkeeda isku xidha oo mid yahay marin-biyoodkan Somaliland ku taal ee isku xidha Gacanka Cadmeed, Badda Carabta, Badweynta Hindiya oo dhinac ah iyo Badda Cas, Badda Cad iyo Badweynta Atlaantigga oo dhinaca kale ah. Kan kalena yahay marin-biyoodka "The Cape of Good Hope” ee Koonfur Afrika oo isagu si toos ah isugu xidha Badweynta Hindiya iyo Badweynta Atlaantigga.Waxa kale oo uu u suurta gashay inuu xuquuq buuxda oo dhinaca bad marista ah ka helo marin-biyooddada kale ee muhiimka ah sida Boosfoor, Dardaniil iyo kuwa la midka ah.

Dagaalweynahaas 1aadiyo qabsashadii ee isticmaarka ee ku lammaanayd ama daba socotey waxay dhaliyeen natiijo ku dhow ama u eg qaab dhismeedkan dunida barigeedu maanta leeyahay iyo xuduudaha dawladaha u dhexeeya intooda badan oo ay ka dhiman tahay intii dagaalweynihii 2aad ee dunidu bedeley ama sababta u noqday oo ahayd in xuduudaha dalalka qaar wax iska bedeleen iyo in dhulalkii gumeystaha ku hoos jirey qaarkood ama intoodii badnayd xorriyad qaateen Dagaalweynihii 2aad ka dib.Qaab dhismeedkaas iyo xuduudahaas reer Yurub dunida u dhigeen labadaas dagaalweyne ka dib waxay shaqaynayeen boqolkii sano ee ina dhaafay; haddase waxa muuqataa in galgaladka iyo baxaadegga siyaasadaha dunida maantaka muuqdaa keeni karoin qaab dhismeedkaas hore wax iska bedelaan.




Haddaba waxa Dagaalweynahaas 1aad xusuustiisa ii geeyey in dagaalkaasi ahaa mid dhexdiisa aad la isu badowsaday! Haa waa la is badowsadey! Oo waa la is harowsadey! Sidaynu horeba usoo tilmaannay, intii dagaalkaasi socdey waxa Boqortooyadii Cusmaaniyiinta lagala wareegay maamulka dhulalkii ay ka talin jirtey ee Bariga dhexe iyo Jasiiradda Carabta, waxana intooda badan la wareegtey Boqortooyadii Ingiriiska. Haddaba waxa xusid mudan sida dawladda Ingiriisku qabaa’ilkii Carabta iyo odayadoodiiba u badawsateyislamarkaana uga dhigatay ciidankii ay Turkiga kula dagaallantay ee Jasiiradda Carabta ka saaray, markii ay Turkigii jebiyeenna intay kala qayb qaybisay ayay iyadu dib u gumeysatey! Waxay ku qalqaalisay kuna dhiirri gelisey inayTurkiga ladagaallamaan oo iska xoreeyaan.Waxay u ballan qaadday hadday sidaas yeelaan inay iyaduna ay ka taageeraysodhinaca hubka.Waxay kuwii madaxnimada doonayey u ballan qaadday inay iyaga madax ka dhigi doonto. Waxa kale oo la sheegaa inay u ballan qaadday in ninkii askari Turki ah madaxiisa keena miisaankiisa oo dahab ah la siin doono! Waxa kale oo xusid mudan inay ciidammadii qabaa’ilka carabta ee Turkiga la dagaallamayey hoggaaminayeen saraakiil Ingiriis ah oo Lawrence Al-arabi ugu magac dheeraa, hubka iyo saanadda lagu dagaallamayeyna dawladda Ingiriisku bixinaysey.Waxa iyaduna la yaab leh in dawladda Ingiriisku ka faa’iideysatey goldaloolo dhinaca fiqiga siyaasadda ah oo kooxda Selefiyada ku jirtey! Selefiyadu waxay dagaalweynihii 1aad dhexdiisa ka mid ahaayeen ciidammadii Ingiriiska taageeray ee Cusmaaniyiinta jebiyey! 1991-kiina waxay taageereen in ciidammada Ingiriiska iyo Maraykanku Jasiiradda Carabta soo degaan oo saldhigyo rigli ah ka samaystaan! 2013-kiina waxa taageereen kacdoonkii madaxweynihii Masar ee Maxamed Mursi lagu inqilaabay! Waxa haddaba isweydiin leh: Selifiya maxaa ka qaldan? Maxaa mar walba dhinaca qaldan raaciya?

Waxa kale oo isweydiin leh; haddii waagii dagaalweynihii 1aad ee dunidu socdey la is badowsadey; maanta oo boqol sano kasoo wareegtey, dadkiina ilbaxay oo wax bartay in la is badowsadaa ma dhici kartaa?Intaynaan taas ka jawaabin; waxa jirtey sheeko laba nin oo geeljire ah dhex martay: mid ayaa kii kale ku yidhi: "waar ninyohow khiyaanada i bar” dabadeedna kii baa yidhi: "waayahaye hashaada iisoo lis!” markuu hashii usoo lisay ee ninkiicaanihii dhamay ayuu ku yidhi: "haddaba khiyaanadii i bar” dabadeedna kii kale ayaa ugu jawaabay: "khiyaanadu waa taas aan hashaadii kaaga maalay!”

Waxaynu ogeyn in reer Somaliland shirkad ajnebi ah ku yidhaahdeen: dekedda noo maalgeliya oo noo ballaadhiya; waxaynu ogeyn in shirkaddii tidhi: aan idiin maalgelinnee horta dekeddiinnan hore nagu soo wareejiya! Waxaynu ogeyn in laga aqbalay oo dekeddii lagu wareejiyey! Waxaynu ogeyn inay yidhaahdeen: annagaa wax walba ka jug iyo muc siin doonna’e oo waddada Itoobiyana idiin dhisi doonna’e garoonkana nagu soo wareejiya aan saldhig ciidan ka dhigannee; waxaynu ogeyn in laga aqbalay oo isagiina lagu wareejiyey! Waxaynu ogeyn in tirobadhowr jeer la dhagax dhigay, waxaynu aragnaa in muddo sedex sano ku dhowi kasoo wareegtey, in aan ilaa hadda wax la dhisay iyo wax soo dhow midna jirine; haddaba ma laga yaabaa in sidii ninkii geeljiraha ahaa la ina yidhaahdo: Maalgashigu waa kaas aannudekeddiinnii idinkaga maallay!



Fg: dib uga akhri Aljazeera.net iyo Wikepedea taariikhda iyo doorka saraakiisha Ingiriis ah ee Lawrence ka mid ahaa iyo sida qoysaska boqortooyooyinka khaliijka haystaa ku yimaaddeen. Sidoo kale dib u akhri taariikhda kooxda "Ikhwaanu man addaacallaah”.

Haddaba iyadoo dunidu guud ahaanbaku jirto fawdadaas siyaasadeed ee aynu soo tilmaannay; islamarkaana u sii socoto dhinaca qalalaasaha; iyadoo ay muuqato oo aanay cidna ka qarsoonayn inuu bilowday dagaal ganacsi oo u dhexeeya labadii quwadood xagga dhaqaalaha dunida ugu waaweynaa (Maraykanka iyo Shiinaha);iyadoo ay muuqato in gobolkan Geeska Afrika iyo biyaha la deriska ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cademeed ka mid yihiin meelahaugu muhiimsan ee la isku haysto amaba lagu kala adkaaynayo; sow ma haboonayn Somaliland hurdada ka kacdo oo maanta taxaddir iyo feejignaan halkii ugu sarraysey ku jirto? Sow ma ahayn inay u diyaar garowdo sidii ay uga samatabixi lahayd duufaannada siyaasadeed ee gobolka ka socda iyo kuwa biyaha Gacanka Cadmeed ka socdaba?

Marka aad isu eegto sida wax u socdaan iyo heerka wacyiga reer Somaliland maanta joogo ayaad si dhab ah u dareemaysaa werwerka iyo baqdinta heesta Abwaan Sangub ee aynu maqaalka ku bilownay muujinayo. Akhriste weli ma eegtay waxa wargeysyadeennu maanta qoraan ee war innooga dhigaan?Ama waxa siyaasiyiinteennu ku hadlaan?Indhihii Caalamkaa inoo soo jeestay! Wargeys caalami ah baa wax innaga qoray! Hay’ad Caalami ah baa Somaliland soo hadal qaadday! Shir Caalami ah baa qaddiyadda Somaliland lagagahadlay! Mudanayaal Baarlamaanka dawlad Hebla ku jira ayaa qaddiyadda Somaliland ka hadlay! Dawlad Hebla ayaa doonaysa inay Seylac saldhig millateri ka samaysato! Dawlad kale ayaa doonaysa inay Berbera saldhig ciidan ka samaysato! Somaliland indhihii Caalamka ayaa ku soo jeestay!Iwm.Waa yaabe Somaliland ma timir xabaal taal baa? Somaliland ma caalamka ayay ka dhaxaysaa?Miyaan cidiba lahayn?Mee dadkeedii?Meeday dawladdeedii?Iyagu miyaanaydan iyo ujeeddo midna lahayn?Meesha maCaalamka kale ayuun bay ku simayeen?Mise iyagu waxbaba dooni maayaane wixii Caalamku ugu taliyo ayuun bay sugayaan oo diyaar u yihiin?!Caalamka laftiisu isku ujeeddo maahee; ka warran hadduu kuba heshiin waayo oo dhexdeeda isku hirdiyo, sida hadallodawlado waaweyni (Ruushka iyo Ingiriiska)maalmahanisku tuurtuurayeen kadhadhameysey? Markaas sow xaalku noqon maayo "Hal la qalay raqdeedaa … lagu soo qamaamoo….?”

Bal isweydii akhriste hadallada noocaas ah ee warbaahinteenna ku badani maxay ka tarjumayaan? Ma caqiido xumo siyaasadeed?Ma madhnaan aqooneed?Ma faham la’aan siyaasadeed?Ma nidaamka dawladnimo oo aan fikradba lagahaysan?Bal qiyaas dadka saxaafaddiisii sidaa u hadlaysaa heerka fahamka dawladnimo ka joogaan. Bal qiyaas qofka aan iyaga ka dhalan ee hadalladaas wargeysyada ka akhriyaya ama loo tarjumayaa macnaha uu kala baxayo iyo waxa uu dadkan iyo dalkan ku qiimaynayo? Weliba ku darsoo wargeysyadeenna wax subaxii waagiisu beryoba xafiisyo Nayroobi iyo meelo kaleba ka furan ayaa loo diraa waana loo tarjumaa.

Alle ha caafiyo oo cimriga ha u barakeeyee Abwaan Hadraawi oo dadka hoga tusaalaynaya in dawladnimaduu baahan tahay in digtooni, feejignaaniyo dareen soo jeeda lagu ilaashado islamarkaana ka digaya in dawladnimaduba lumi karto oofaro dhexdood ka bixi karto haddaan garasho iyo faham buuxa lagu hagayn ama lagu hoggaaminaynayaa maansadiisii Gudgude beri hore ku yidhi:

Inkastoo gantaal iyo wed iyo gawrac lagu hooyo

Meel loo gun raaciyo haddaan gogoldhig loo yeelin

Mar haddaan garaad loo lahayn wayska gubataa

Geedkeed ba’ waa sixir haddaan garasho liilayne

Gacmaa lagu xejaa amase way galab dhaqaaqdaaye

Waa lagu gam’aa amase way geeri badisaaye

Gob baa lagu noqdaa amase waa lagu gumoobaaye.

 

Ma jirto gunnimo ka weyn ummad gobannimo iyo dawladnimo haysatey mar qudha fareheeda ka weydey! Ama laga sasabtay oo meel ay lasoo gaadhey iyo meel ay kaga warrantoba garan weydey!Alle ha u naxariisto’e dembigiisana ha dhaafee Abwaan Gaarriyena isagoo dadka u tilmaamaya in dawladnimada inta la haysto lagu faro adaygo oo aan goor xeedho iyo fandhaal kala dheceen la gabgablayn wuxu maansadiisii hoga tusaalaha badnayd ee Daba-taxan ku yidhi:

Intaan Daawad lala tegin

Ma aqaan daryeelo’e

Digdigtaan ku fiicnahay

Markay dhacanto dabadeed.

 

Soomaalidu waxay odhan jirtey "Ninka aan waxa soo socda garani; waxa joogana ma garto” waxa kale oo ay odhan jireen: "Nin habeen ogi maalin ma hadhsado”. Haddaba iyadoo duniduhalkaas aynu soo tilmaannay marayso; reer Somaliland-na weli madadaalo, qayilaad iyo fadhi ku dirir ah ku mashquulsan yihiin; loona baahnaa hoggaan ummadeed oo dadka ku baraarujiya waxa dunida ka socda iyo waxa kala gudboon;ayaa war hor lehi soo dhacay; waxa la yidhi: Beeshii Caalamka ayaa xisbiyadii Somaliland amar ku siisay inaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaanku sannadkan 2019-ka dib uga dhicin! Xisbiyadii siyaasadduna waxay yidhaahdeen: waannu aqlballay waxa Beesha Caalamku na fartay!Toloow miyaa la ina qabsaday? Somaliland miyaanay qaran xor ah oo taladiisa, doorashadiisa iyo u madax bannaan ahayn?Bal adba! Toloow waa maxay danta Beesha Caalamka ugu jirta in Somaliland lagu dirqiyo inay muddadaas kooban ee sannadka ka yar ku qabato wixii seddex iyo toban sannadood oo hore la qaban waayey, iyadoo caqabadihii mararkii horeba dib u dhigi jirey weli halkoodii yaallaan?!Toloow waa maxay danta ugu jirtaa?Ma in la murmo?Ma in la ismaago?Ma in la isku keen diro?Ma in la isku mashquulo, si cid kale oo hawlo Somaliland khuseeya wadataa intaas la isku jeedo hawleheeda u dhammaysato?!Waxa kale oo iswediinleh: Malaha innagu caalamka kama mid nihin oo cirka ayaynu degganahaye; waa ayo Beeshan Caalamka ee la sheegayaa?!

Buug aan qoray oo magaciisa "Weydiimo warcelin u baahan”la yidhaahdo ayaan ku tilmaamay inaan magacan Beesha Caalamku ahayn magac cid gaar ah oo la yaqaannaa leedahay, balse uu yahay magac sida doorsoomayaasha xisaabta ah oo marba macnihiisu wax goonniya noqdo, iyadoo hadbameesha la joogo iyo ciddaadeegsanaysa la eegayo.Haddaba marka doorashooyinka Somaliland laga hadlayo Beesha Caalamka waxa la yidhaahdaa koox dawlado is xulafaystey ah oo Woqooyiga Yurub kasoo jeeda, waxana u madax ah dawladda Ingiriiska, sida muuqatana cidda amarkan soo bixisayna waa kooxdaas iyada ah.

Siyaasiyiinta qaar weligoodba waxa lagu xaman jirey inay ajnebiga siiba reer galbeedka xidhiidho hoose la leeyihiin, laakiin hadda maba kala hadhsana’e seddexdii xisbiba waa u dhan yihiin, warkuna dhayda ka caddaayoo iyagii baa qiraal ah oo leh Caalamkii baa nagu amray ama naga codsaday inaanu muddada intaas le’eg doorashada ku qabanno? Qaarkood baa leh safarkaygii Nayroobi Caalamka waxan usoo sheegay inaan xisbigaygu sidaas iyo sidaas doorasho ku gelayn? Qaarkood baa leh haddii aynu sidaa Caalamku ina faray yeeli weyno Somaliland jiri mayso! Yaab iyo amankaag! Show nimankuba waa niman beri hore isdhiibay! Ilaahoow iimaanka nagu sug oo yaqiinta noo adkee!

Badaha caadiga ah iyo badaha siyaasadeed waxa u dhexeeya isu ekaandhinaca saamaynta ah.Marka badaha caadiga ahi kacaan ee biyohooda dabayluhu ruxaan dadka ku dhex jira waxa ku adkaada in lagu dhex safro, in dhexdooda laga kalluumaysto, in ganacsatadu ka dhex gooshto iyo inay ka samato baxaan.Sidaa si u eg marka badaha siyaasadeed kacaan ee dabaylaha colaadeed ama duufaannada isbedel ruxaan waxa bulshooyinka arrimahaasi lasoo dersaan ku adkaata inay ku dhex noolaadaan, inay horumar sameeyaan iyo inay ka samata baxaan si aanayjiritaankoodaba u sahayan.

Markaas oo kale ciddii badaha caadiga ah ku dhex jirtaa qaddarka Alle ka sokow waxay ku badbaadi karaan oo berri ammaan ah gaadhsiiya qodobbadan soo socda:

·Tayada iyo xoogga gaadiidka ay wataan.

·Sahayda ay sitaan cunto, biyo, shidaal iyo qalab dayactir intaba.

·Khibradda iyo aqoonta Naakhuudohooda iyo

·Dedaalka iyo adkaysiga baxaaridooda iwm.

Sidaa si u egmarka badaha siyaasadeed kacaan Qaddarka Alle ka sokow waxa dawladahawaxyaabahan oo kale lasoo dersaan ku badbaadi karaan qodobbadan soo socda:

·Tayada iyo wax ku oolnimada hannaanka dawliga ah ee u dhisan.

·Wacyiga, khibradda iyo ildheerida hoggaanka siyaasadeed.

·Awoodda dhaqaale, tan farsamo iyo tan wax soo saar ee gudaha.

·Iyo adkaysiga dadkeeda oo kasoomaaxda awoodaha ruuxiga ah (Akhlaaq, diin, dhaqan iyo ogaal taariikheed)

"Khayr wax kuma yeelo’e shar u toog hay”baa la yidhiye; marka aad eegto heerka maanta awoodaha ruuxiga ah laga joogo; markaad eegto heerka wacyiga diinigalaga joogo iyo sida dadkii jidh ahaan iyo akhlaaq ahaanba u nuglaadeen ee mukhaadaraadka Qaadka, Xashiishadda iyo Khamrigu ugu horreeyaan loo qabatimay amaba loogu qamaamayo; markaad eegto nolosha dadka ee dhammaanteedba wax debedda laga keeno ku tiirsan iyo sida quwadahan shisheeye ee saldhigyada ciidan kala boobayaa badda u xidhi karaan; markaada eegto heerka farsamada iyo wax soo saarka gudaha laga joogo; markaad eegto heerka dadka inta ugu badan oo dhallinyarada ahi aqoon iyo ogaal taariikheedba ka joogo iyo sida madhnaanta ruuxiga ahi ugu horseedday boobka, tuugada hubaysan iyo tahriibka; bal qiyaas heerka adkaysiga dadka reer Somaliland xilligan joogo, marka la eego sidan hadda la yahay intee in le’eg ayay u babac dhigi karaan haddiiba waqti adagi yimaaddo? Alleba innaguma keeno’e.

Bal haddaba akhristoow marka aad eegto hirdanka siyaasadaha dunida u dhexeeya, isgarbinta quwadaha waaweyniyo saamaynta uu gobolkeennan Geeska Afrika iyo biyaha ku xeeran ku yeelan karo; marka aad eegto cam-camada iyo isbedellada aan weli saldhigin ee Itoobiya ka socda iyo waxa ka dhalan kara; marka aad eegto werwerka iyo culayska Jabuuti ka haysta quwadaha shisheeye ee dul fadhiya iyo baqdinta ay ka qabto in qalalaasaha Itoobiya ka socdaa kusoo fido; markaad ogeyd qalalaasaha soddon jirsadey ee Soomaaliya ee aan weli dawadiisii muuqan; marka aad eegto sida siyaasaddii dunidu u dhabaqday ee madax bannaanidii dawladaha loogu tumanayo oowaxa Venisuella ka socdaa tusaale u yahay; markaad ogeyd dilkii Jamaal Khaashuqji halkii lagu diley,sida anshaxii diblomaasiyadda looga tallaabsaday iyo waxa dawladihii dunida ugu waaweynaa kaga fal celiyeen; marka aad ogtahay in dagaalka ganacsi ee reer galbeedku bilaabay si fudud u dhalin karo fara-ka-ciyaar bar bilow u noqdadagaalweyne 3aad oo dunidan ka dhaca, marka la eego nooca iyo damiirka madaxda maanta dunida ka talisa;Ma kula tahay in la joogo maalintii Somaliland isku mashquuli lahayd ama muran iyo sawaxan doorasho u tafo xaydan lahayd? Ma kula tahay in amarkan Beesha Caalamka ka yimi ujeeddo qarsooni ka hoosayso? Ma kula tahay in Somaliland wax aan maanta la gudboonayn lagu mashquulinayo, si wixii la gudboonaa looga jeediyo?Ma kula tahay in Somaliland laga jeedinayo inay ka fekerto amaka tashato sidii ay uga samato bixi lahayd qalalaasahan kanuuniga yimi? Waxaan maqli jireynin heesay baa yidhi: "Meel aan hogorba lagu hayn … Maxaa sacab laga hawadiyaa?!”

Weliba ku darsoo doorashada baarlamaanku way ka qaylo iyo xasarad badan tahay, kana muran badan tahay tii madaxweynaha ee dhowaan ina soo martay, waayo waxa tartamaya 246 nin (3xisbi oo min 82 ah = 246Tartame) taasoo ka dhigan 246 olole iyo qaar ka sii horreeya xisbiyada gudohooda ka dhacaya. Bal isweydii akhriste waallida intaas le’eg iyo xaaladda gobolkeenna ka taagan iyo hawlahaas ka socda ee aynu wax kasoo tilmaannay ma is leeyihiin?!Waar ma laga yaabaa intaynu buuqa iyo xasaradda doorashada ku jeedno in quwado shisheeye dusha innaga qabsadaan?! Ama ciidammo aynaan iska kicin karayn la ina dul keeno oo xaalkeennuba noqdo "Talo faro ka haaddaay mooyi?! Bal is weydii badbaadinta iyo samato bixinta dadka iyo dalka iyo doorashada iyamaa horreeya?!Iyamaase maanta inala gudboon?!Talada Caalamka iyo talada muwaadinka iyamaa muhiimsan?!Iyamaa mudnaanta leh?!

Waxaan maqaalkankusoo gabagabaynayaa oo reer Somaliland shacbi iyo dawladba weydiinayaa gaar ahaan inta aqoon loo tuhmayo oo culimada iyo siyaasiyiintu ugu horreeyaansu’aashii Abwaan Hadraawi saaxiibkii weydiiyey ka dib markuu soo hoga tusaaleeyey inay mar walba habboon tahay in taladu hadba waayaha la joogo iyo duruufta kuguxeeran ku salaysnaato, dantana waafaqsanaato ee uu maansadiisii Sirta Nolosha ku yidhi:

Waxaad aragtay oo saasa … waxaad maqashay oo saasa … maxaad odhan lahayd Suudi?

Allaa mahad leh.

Waxa qoray: Maxamed Ducaale Barre

Tel: 4826390

 

 

 

 

 

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS