Ethiopia , shalay iyo maanta

0
Friday 8th March 2019 08:08:31 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia , shalay iyo maanta

    Marka lagga hadlayo taariikhda wadanka Itoobiya , qarnigii tagey horaantiisii ayaa kacdoon abaabulan xilka lagga qaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka lagga hadlayo taariikhda wadanka Itoobiya , qarnigii tagey horaantiisii ayaa kacdoon abaabulan xilka lagga qaaday
boqorkii la odhan jirey Ilyasu , kaasoo ay isu kaashadeen dawladaha reer galbeedka iyo wadaada kiniisaduhu .

Boqor Ilyaas , isagoo ku maqan Magaaladda Herer , ayaa Badhasaabkii Gobolka Gondar , Sahle Hayle Salaise iyo xoogag la socdaa usoo waydaarteen Qasrigii Adis ababa , ka dibna , waxay xoog ku qabsadeen caasimaddii ,boqor Ilyaasna wuxuu noqday dabad meer ilaa mar danbe gacanta laggu dhigay .

Hadaba markii Boqor ilyaas dhacay , waxaa xukunka la wareegtay ayaydii oo la odhan jirey Zawditu , hassa yeeshee islaantaas oo aan magac mooyaane awood lahayn , waxaa xilka si kama danbaysa ugala wareegay Haila Salaase oo ay sodoh u ahayd , Boqorka uu inqilaabay ee Ilyaasna Seedigii ahaa . markaas ayaanay Itoobiya cago dhigatay dhawr sanadood oo ay rabshado ka socdeen .

Mar kale , dabayaaqdii isla qarnigaa , Kacdoon ay sameeyaan ardayda iyo ciimaddu , waxay xukunka kaga tuureen , Boqor Haile salaase , Boqor Haile salaase xukun ka tuuristiisana waxaa ka dhashay rabshado socday muddo 3 sanadood ah .

1974 Inqilaabkaa laggu riday Haile Salaase , waxaa ka danbeeyey 2 Madaxwayne oo la kala odhan jirey , Gen Amana Dom iyo Gen Taffarre Binti , kuwaasoo qalalaasahaasi galaaftay .

Sanaddii 1976 ayaa nin yar oo aan la filaynin , oo ka mid ahaa Saraakiisha safka dhexe ee Ciidamaddu kusoo booday xukunkii , ninkaas oo ahaa Mingiste Haile Mariam , imaanshihii ayaana dejiyay qalalaasihii , hassa yeeshee kumanaan kun oo qof ayaa ololahaasi galaaftay .

Mar kale dhimashaddii Males Sanawi ka dib , waxaa bilowday kacdoono iyo mudaharaadyo u badan dhinacyadda Orromadda iyo Amxaaradda , waxaana ilaa hadda is badalay 2 raysal wasaare males ka dib , kuwaasoo kala ah , Haile mariam iyo Abbay Ahmed , hassa yeeshee weli qulqulatooyinki way socdaan , mudaharaadadini may istaagin, waxaana ugu danbeeyey kuwa hadeer dib uga bilaabmay Adis ababa iyo agagaarkeeda , markaa waxa is waydiinle , tolow doorkana qalalaasuhu intuu ku istaagi doonaa .



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS