Madaxweyne Farmaajo Dhiibista Badda Muxuu Ku Bedeshey?

0
Saturday 9th March 2019 07:25:46 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Dhiibista Badda Muxuu Ku Bedeshey?

    Madaxweynihii hore ee soomaaliya maxamed siyaad barre oo madaxweyne farmaajo adeerkii ahaa ayaa kililka 5aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee soomaaliya maxamed siyaad barre oo madaxweyne farmaajo adeerkii ahaa ayaa kililka 5aad
 ama dhulka soomaalida itoobiya uga tanaasuley dawlada itoobiya isagoo uga bedeshey inay mucaaradka snm u qabqabtaan kana xidhaan xeryaha ay ku leeyihiin itoobiya dhexdeeda isla markaana hubka dhigis ugu sameeyaan taasi waxay snm ku keliftey inay madax madax isugusoo tuuraan dalka gudihiisa oo ay joogeen dhamaan ciidankii soomaaliyeed iyo hubkii dalku oo tiradoodu ka badnay 60.000 oo askari inkastaanay tayadoodu fiicnayn isla markaana dhamaan ciidamadii gobolada kale joogeyna laysugu keenay waqooyiga dalka halkii ay snm ka dagaalamaysey xiligaas taasoo burburkii dawladii soomaaliya kasoo gaadhey xiligaas aan weli dabadeeda lasoo qaban .


Hadaba markii dawladii dhacday ee dalku u kala jabay waqooyi iyo koonfur dadka siyaasada soomaaliya gacmaha ku haya iyo dawladaha ku taageera siyaasadoodu waxay dagaal siyaasadeed oo aan loo aabo yeelin ku qaadeen dadkii kula noolaa koonfurta soomaaliya ee ay gacansaarka lahaayeen snm ee xamar ka saaray maxamed siyaad barre kuwaas oo ah kuwo laga siyaasad badan yahay laysagana horkeenay laba garab oo kala ah abgaal iyo habar gidir waa qabiilka hawiyaha e si ay awoodooda iyo dhaqaalahoodaba iyagu isugu burburiyaan maadaama dadka siyaasada gacanta ku hayaa awood ahaan ugu babac dhigi karin .

Intaas kadib markii maraykanku iskii usoo galay si uu u kala qaboojiyo ayaa talyaaniga oo ah kan gacanta ku haya soomaaliya siyaasadeedu aduunka ugu baaqay in uusan maraykanku keligii gelin ee lagu galo sifo qaramada midoobey ah si uu ugu helo firsad inuu ka dabagalo kulana dagaalamo maraykanka . Markii taas aduunku ka yeelay ee uu kamid noqday wadamadii kasoo qayb galay gelistii soomaaliya wuxuu markiiba heshiisiiyey labadii garab ee uu hore isagu isugu diray ee galaamayey caydiid iyo cali mahdi wuxuuna labadoodiiba ku jiheeyey maraykankii si ay ula dagaalamaan , taasi waxay keliftey in dagaal soomaalidii laga siyaasada badnaa lageliyo . Markii uu arkay talyaanigu in maraykanka uusan uga taag heleyn siyaasadiisa soomaaliya ayuu markale qaramada midoobey weydiistey inuu maraykanku cadeeyo ujeedada uu kaleeyahay soomaaliya taasoo aan isaga marnaba la weydiin adigu waa maxay ujeedada aadka leedahay soomaaliya iyo weliba waxa aad maraykanka ugu diideysoba ? .

Maraykanku wuu iskaga baxay soomaaliya isagoon wax jawaab ah ka bixin waxaana ka dababaxay dhamaan dawladihii la socdey oo u badnaa xulafada maraykanka talyaaniguse wuu kusii hadhay wuxuuna marlabaad usameeyey hogaamiye kooxeedyadii si ay dagaalkii ay isku gumaadayeen halkii ugasii wadaan , markale ayaa waxaa dagaalkaas joojiyey muxaakiimtii islaamiyiinta ahaa oo ku guuleystey inay kasaaraan hogaamiye kooxeedyadaa taasoo talyaaniga iyo kuwa soomaalida sheegta ee uu adeegsadaa kusii dhex daysteen dad islaamiyiin sheeganaya oo dalalka aduunka iyo geeska afrikaba u hanjabaya si loolaayo muxaakiimta laakiin ay garan waayeen inay iska qabtaan dadkaas maadaama ay dhinaca siyaasada ku liitaan isla markaana dadkii reer waqooyiga ahaa ee wax u sheegaayeyna markay wax u sheegaan ee ka tagaan labedelayo taasoo ku keliftey reer waqooyigii ka caawin lahaa dhinaca siyaasada inay ka khatoobaan maadaama marwalba siyaasadooda la bedelayo oo aanay lahayn mawqif loogusoo hagaago iyo adkaysi waxa loo sheegay ayku adkaystaan si ay uga badbaadaan siyaasada lagu gumaadayo

Cabdilaahi yuusuf ayaa markale xukunka qabtay isagoo damiciisu ahaa inuu ciidanka itoobiya u adeegsado si uu ugu xasuuqo dadkaas siyaasad ahaan laakiin soomaaliland ayaa uga digtey itoobiya in ciidankooda loo adeegsado in shacabka lagu gumaado inkastoo ciidanka kililka 5aad u khaaska ahi (liyuu booliiska) iyagu si badheedh ah oo qabyaalad ku salaysan , siyaasada soomaaliyana ayka wada socdaan ku xasuuqayeen taasoo ahayd mid xidhiidhsan . Cabdilahi yuusuf markuu ogaadey inuu ku fashilmay siyaasadii uu ciidanka itoobiya ka lahaa ayuu wuxuu sameeyey al shabaab oo ay masuuliin ka yihiin kuwo iyaga ah si dagaalka uu ku hayo dadka laga siyaasada badan yahay halkaa ugasii socdo ilaa iminkana dawladu uga danbayso doonaynina in aan laga guuleysan si uusan dagaalku isu taagin kuwaas oo ugaadhsanaya cidkasta oo dadka la xasuuqayo ah iyo hantidooda iyo goobaha shacabkoodu degan yahay ama wax ugasoo baxayaan

Hadaba farmaajo ayaa itoobiya kula heshiiyey in uu siiyo inta u dhaxaysa xamar iyo kismaanyo si ay ula wareegaan waxna uga dhoofsadaan waxna ugalasoo degaan amnigeedana ula wareegaan taasoo ah qaadasho dadban oo laga dhigayo maalgashi iyo amni ilaalin indhaha dadka soomaaliyeed lagu jeedinayo , taas bedelkeeda ka dalbaday in ay u xasuuqaan khariiradana uga saaraan dadkaas ama qabiilka hawiyaha ee marwalba xidhiidhka la samaynaya cidkasta oo kasoo horjeeda iyaga iyo siyaasadooda .

Hadaba kiiniya ayaa iyana ku qabsatay baddii si ay dhulkan la qaadanayo qaybeeda u qaadato isla markaana ugu hanjabaysa in ay waxay ogtahay sheegi doonto taasoo itoobiya intay u yeedhay u geysey ugana saxeexday waxay rabtey kiiniya taasoo ay raaci doonto dhul balaadhan oo xeebtaas ku beegan oo qaybta koonfureed ah .

Hadaba dhulka xamar koonfur ka xiga waxaa qaybsaday kiiniya iyo itoobiya waxaana loo balan qaaday in qabiilka hawiye loo karbaashi doono inta ay u noqonayaan adoomo ay leeyihiin baaqiga soo hadhaa siyaasada soomaaliyana looga safaynayo .

Hadaba soomaaliland ayaa iyana laga saxeexay in uusan soo aadin haddii uu doonayo in ay ujeedadiisa waxlooga qabto haddii kale ay fashilinayaan siyaasadooda lagana yaabo in lagu yidhaahdo siidaa si ay siyaasidiina ugu madax banaanaadaan taasoo dhici doonta dhowaan . Hadaba dalalkan soomaaliya xadka la leh ee dhulka loogu deeqay iyo badaba ayaan la lahayn xaduud jeexan oo la aqoonsan yahay caalamiyan taasoo suurto gelin karta in muddo layskusii haysto laakiin marnaba talyaaniga kama suurto gasho in dhulkiisa la qaato waxkastoo ay u qabtaana soomaaliya waxba ka raacayn wuxuuse la ogol yahay in ay dadkaas u laayaan sidii uu isba u laynaayey .

Gebagebadii maqaalka farmaajo wuxuu bixinta koonfurta soomaaliya ku bedeshey sidii qabiilka hawiyaha iyo cidkastoo siyaasadooda ka hortimaadaba loogu gumaadi lahaa si khariirada looga saaro inta taasi suurto geleysana wax nabad gelyo ahi soomaaliya ka dhicin wakhti kasta ha gaadhee , marlabaad dadbaa yidhaahda caasimada maxaa amnigeeda wax loga qaban waayey waxaanu leenahay dadka noocaas ah sidan iyo si ka xun ayaa loogu talo galay oo weliba waxaa hadda nabad sugida madax looga dhigayaa ninkii ciiidanka galmudug ku hogaamiyey dayaaradaha maraykanka si uu meelkasta oo wax u yaaliin ugu hogaamiyo ciidamada ajnabiga si ay u xasuuqaan .

Hadaba dadkaas waxaan kula talinayaa inay raacaan dawladaha iyaga loo adeegsanayo si ay ugu badbaadiyaan naftooda ee aan looga horkeenin si loogu adeegto ninkaasna aanloo keenin iskana dhex qabtaan dadka wax qarxinaya ee iyaga bartilmaameedsanaya naftooda iyo maalkooda ee ay dawladu kusoo hogaaminayso dadka iyaga u dhashayna gacantooda ku qabtaan si aan loogu adeegsan iyaga isla markaana dadkooda loo adeegsanayo sida ka raysal wasaaraha ah iska qabtaan , lana tashadaan soomaaliland oo ah dadka keliya ee noloshooda ku dagaalama si ay u badbaadiyaan cidda ayku xidhaana raacaan lana shaqeeyaan .

Qore: maxamed aadan

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS