Qaranku Ma Madaxweynaha? Q2 - Qalinkii Axmed-xiis Dharbaan

0
Sunday 10th March 2019 06:58:48 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaranku Ma Madaxweynaha? Q2 - Qalinkii Axmed-xiis Dharbaan

    Qaranku Ma Madaxweynaha? Q2 - Qalinkii Axmed-xiis Dharbaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaranku Ma Madaxweynaha? Q2 - Qalinkii Axmed-xiis Dharbaan


Mufakar Ingiriis ahaa oo la odhan jiray John Locke ayaa qadacay qaran waa hoggaanka.Locke waxa uu bilawgaba diiday dadku ma noolaan karaan dawlad la'aan. Dawlada ayaa keenta wanaagga iyo aragtida odhanaysa talada haloo daayo xukaamta. John Locke oo wakhtigii Ameerika loo guuray hantiyey beer, waxa afkaartiisa laga dhex arkayaa in ay ridiyeyso laba sheegasho, teegeeraysana dood:
 



1. Waxa uu tageeray in dadka shacabka ahi ay yeelan karaan hanti, sida dhul.
2. Waxa uu diidayaa in Ameerika ay leeyihiin dadkii loogu yimid
3. Waxa uu diidayaa, Ameerika waxa leh waddamadii hellay.


Locke waxa uu isu arkaa muwaadin. Hindidii cascasayd ee dhulka loogu yimid, may lahayn dhulka maxa yeelay, iyagu waxa ay ahayeen reer guuraa. Dhulka waxa leh ninka ku darsada tacab/labour. Gumayste, ha noqdo boqor ama ninkii kala ba'e ma go'aamin karo masiirka halkan. Halkan waxa taladeedu u taalaa raga/haweenka dagan. Qarankuna waa af-garad dhex mara bulsho.

Qarankii kootada ugu xidhnaa madaxda, waxa uu Locke ku celiyey mushtamicii wada dagganaa.


Dadku waa ay karamaysan yihiin; waxa ay leeyihiin xuquuq ka horaysa wajibaadka, nin waliba waa sagaal ku dhalay - All men are created equal. Sabab qof loo daba fadhiisto meesha ma taalo.


Ereyada - Life, liberty and the pursuit of happiness iyo All men are created eqaul. Waa cagaha uu ku taagan yahay Maraykanku, Locke ayaa allifay.


Locke waxa ay galbeedku ku nanaysaan Aabihii xoriyadda. Xoriyadda, waxa ay ka wadaan madax-bananidii laga qaatay boqor ama hoggaamiye damaciisu noqdo distuur.


Qolyaha xoriyadda u dooda waxa ay geeyeen qaranimadda meel illaa hada laga soo celin kari la yahay. Adam Smith ayaa isagu tilmaamay qarankuba in uu yahay saylada. Sayladda in la illaaliyo, caddaalad lagu dhaqo weeye qaninimada qaranku. Adam waxa uu dhiirigaliyey xoriyadda ganacsiga. Kaliya dawladu cashuur qafiif ah ayaa ay ku leedahay shacabka. Qof kasta marka uu macalin ku yahay dantiisa ayuu suuqo isu dheelitirmayaa.


John Stuart Mill oo ahaa foollaadka xoriyadda, ayaa adkeeyey in dawladu ay faraha kala baxdo nolosha mushtamaca iyo damacooda. Mill laba aragtiyood oo gadaashii lala kala fogaaday ayuu iba furay kuwaas oo ahaa:


Positive Liberty: Dawladu in ay samayso haayado madax-banaan oo u addeega ka midho-dhalinta khayraadka ku kaydsan bulshada.


Negative Liberty: Dawladu waxa ay faragalin kartaa nolosha shiqsiyaadka kaliya, marka shiqsigu uu dhibaato ku keenaayo bulshada. Haddii shiqsigu uu naftiisa dhibayo - balwad IWM - isaga ayaa ay u talaa, dawladu masuul kama aha.


Labadan firqadood, waxa ay markii dambe u kala baxeen dawladu ha hagto dhaqaalaha waddanka iyo mayee faraha hakala baxdo dhaqaalaha waddanka. Halka hadda aynu maraynaa ma aha, waa ayo qaran? Waxa aynu joognaa, sidee loo maamulayaa dhaqaalaha waddanka.


Qaranku ma sayladdaa?
Aragtida bidixda ee qaranimada iyo Q3

Axmed-xiis Dharbaan
[email protected]

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS