Kaftanka maanta Shaqa-doon ,

0
Sunday 10th March 2019 08:35:46 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaftanka maanta Shaqa-doon ,

    Haddii aad aragto qof subaxii kalaha oo intuu Cv qaato qaato,laabtobkiisana xanbaarto isagoo aan shaqo haynin subaxdii kalaha waa shaqo-doon .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii aad aragto qof subaxii kalaha oo intuu Cv qaato qaato,laabtobkiisana xanbaarto isagoo aan shaqo haynin subaxdii kalaha waa shaqo-doon .

Hadaad aragto nin xagaa iyo xafiisyadda subaxdii u jarmaadda galabtiina ka yimaada isagoo aan shaqaale ahayn waa shaqo-doon .

Hadaad aragto nin qurbe jooga oo sanadkii sadex ilaa afar jeer yimaada oo wadanka kusoo noqnoqda isagoo aan ujeeda muuqata oo kusoo celcelinaysaa aanay jirin waa shaqo-doon .

Hadaad aragto mid ka tirsan kulmiyihii Siilaanyo oo kolba Cirro iyo Waddani maagga , waa shaqo-doon .

Hadaad aragto mid Ucid ah ,oo intuu ucidii isku soo roogo , Faysal iyo Xisbigaba indhaha goosta ,waa shaqo-doon .

Hadaad aragto qolyo kulmiyihii danbe ahaa , oo marka xisbigooga la maagayo jidhka is geliya marka la amaanayana jidhka is geliya oo mar walba liidka raacaaya waa shaqo-doon.

Hadaad aragto qolyo Wadaniya oo xafladaha madaxduu joogto mar walba kasoo muuqda , oo mar walba dawladda iyo madaxdeeda ka ag dhaw , afkooduna mucaaridnimadii ilaabay waa shaqo-doon .

Hadaad aragto Qolyo aad aragto siyaasi mar walba darafe dawlo ah , oo isagoo aan xil haynin xukuumadda difaaaca, mar walbana iyadoon la dirin isagu is dira oo xusul duuban , waa shaqo-doon .

Hadaad aragto siyaasi horre , oo baryahaa saaxadda ka maqnaa , oo inta xaflad loogu yeedhay aan siyaasadba ku shaqo lahayn , intuu mawduucii xafladdaba dar jiidhay xukuumadda amaanaya mucaaridkana maagayaa , waa shaqo-doon .

Hadaad aragto mid dadka aanay isku fikirka ahayn , Mar walba Mogdisho ku sheega ama Soomaali wayn ku shaabadeeya , waa shaqo-doon .

Markaa shaqa-doonku waa badan yanhee , ilahaay shaqooyinka dadka ha u sakhiro .

 
 
 


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS