Qarixii Weynaa, Qur'aanka Miyaa Lagu Sheegay (Big Bang)? Qore Maxamed Sharma'arke

0
Monday 11th March 2019 07:10:12 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarixii Weynaa, Qur'aanka Miyaa Lagu Sheegay (Big Bang)? Qore Maxamed Sharma'arke

    Sida ku qoran bogga 3aad ee buugga "The last Sorcerers from Alchemy to periodic table" ee la daabacay sannadkii 2003-dii,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ku qoran bogga 3aad ee buugga "The last Sorcerers from Alchemy to periodic table" ee la daabacay sannadkii 2003-dii,

inkasta oo ay khaldanayd aragtida ah in walxaha dunida yaallaa ay idil ahaan ka samaysan yihiin afar curiye – Dab, Biyo, Camuud iyo Hawo – haddana reer Yurub waxa ay aragtidan aaminsanaayeen in ka badan labaatan qarni iyo badh (2500 oo sannadood). Waa aragtidii ugu wakhtiga dheerayd ee iyada oo khalad ah haddana lagu sii dhegganaa, iyada oo ku dhegganaanta aragtida khaldan looga dhaadhacay gefaf ka waaweyn sida in ay Reer Yurub u hoggaamisay in ay raadiyaan "Dhagaxa Faylasuufka” iyo "Biyaha nolosha” oo labaduba ahaayeen been ay raadinteeda wakhti badan ku lumiyeen, dedaal xooganna ku khasaariyeen. Yeelko e aragtida afarta curiye waxa halkeeda lagaga dhaqaaqay qarnigii 18aad kolkii la helay qaar badan oo ka mid ah curiyayaasha aynu maanta naqaanno oo uu ugu horreeyey curiyaha Fosforos (Phosphorus). Inkasta oo curiyahan la helay qarnigii 17aad, haddana waxa uu ahaa curiyihii koowaad ee lagu helay dariiqo aqoonaysan (Experimental Procedure), xadhiggana ka jaray jidka lagu soo helay idil ahaan curiyayaasha kale oo dhan. Sidaas si la mid ah ayaa aragtiyo badan oo khaldanaa inta ay doontaba ha ku qaadato in lagu ogaado khaldanaantooda e uu Saynisku uga guuray, illaa welina kama ay dhammaan Sayniska gudihiisa aragtiyo weli khalad ah in la aaminsanaado oo iyagana mar uun salkooda la soo taaban doono. Guud ahaan sayniska waxa aan u kala jabin karnaa laba qaybood oo waaweyn, innaga oo ku salaynayna illaa xadka jiritaankiisa la hubo shayga:



 

 

1. Qayb run la taabtay ah: waa qaybta sayniska ah ee laboratory-ga lagu hubiyey jiritaankeeda sida unugga (cell), atamka, Bakteeriyada, Fayraska, iwm. Kuwani waa xaqiiqooyin uu saynisku taabtay oo aanu jiritaankoodu muran lahayn.


2. Qayb aragti ah oo aan weli la xaqiijin: qaybtan waxa ka mid ah aragtidii Daarwin ee horumarka noolaha (Evolution), aragtida nolosha iyo sida ay u bilaabmatay, aragtida qarixii weynaa iwm. Qaybtan marka xaqiiqadeeda uu Saynisku soo taabto laba midkood ayaa ay noqon doontaa; in ay rumowdo oo ay ku biirto qaybta hore ee xaqiiqooyinka sayniska ah iyo in ay beenowdo oo halkaas lagaga dhaqaaqo sida aragtidii afarta curiye ee aan kor ku soo sheegay oo kale.


Sida aad arkayso, Qaraxa Weyni waxa uu ku jiraa qaybta Sayniska ah ee aragtida uun ku kooban ee aan weli la xaqiijin, khaladka koowaad ee durba soo muuqda ayaa ah in Qur’aanka oo ah kitaabka kali ah ee 100% ah run biyo-kama-dhibcaan ah lagu macneeyo shay aan weli la hubsan xaqiiqnimadiisa oo laga yaabo in uu hadhow beenoobo! Haddaba sidee ayaa uu Saynisku innoogu sheegay in uu qaraxani u dhacay? Maxaa sababay inuu dhaco? Sidee ayaa qaraxan dhiciddiisu ay u abuurtay dunidan? Bal saynisku ha innooga jawaabo, aniga oo ka soo xiganaya buugga caanka ah ee "Chemistry of the Elements” daabacaaddiisaa 2aad ee soo baxday sannadkii 2005-tii ee ay wada qoreen "N. N. Greenwood iyo A. Earnshow” bogga 1aad illaa 5aad. Nuxurkiisa aniga oo soo koobaya waxa uu yidhi buuggu: "Aragtida sida ballaadhan la iskugu raacsan yahay ee samaysanka dunida laga soo bilaabo aasaaskeedii illaa iyo maanta waa aragtida "Qaraxa weyn ee kulul”. Waxa laga soo qaaday in maatarka (the Matter) dunida yaalla oo dhani uu mar isku wada ahaa hal bu’ oo aad u culus oo aasaas u ahayd idil ahaan maatarka oo dhan (One primeval nucleus of immense dense) taasi oo cufkeedu ahaa qiyaastii 1096g/cm3, heer-kulkeeduna ahaa qiyaastii 1032K. Kulaylkaas aadka u sarreeyaa waxa uu sababay in uu qarxo maatarkii kali ahaa ee markaas jiray, waa qaraxii weynaa e, kaasi oo si siman dunida ugu qaybiyey maatarka maanta yaalla. Mar kasta oo uu wakhtigii qaraxa laga sii fogaado, waxa hoos u dhacayey heer-kulka maatarkan qarxay oo sababayey inuu qaboobo maatarkani. Markaas ayaa waxa aasaasmay afarta xoog ee dunida sameeyey – Xoogga cuf-is-jiidadka, xoogga birlab-danabeedka (electromagnetic force), xoogga awoodda badan ee bu’da (strong nuclear force) iyo xoogga itaalka yar ee bu’da (weak nuclear force) – afartan xoog oo midiba shaqo gaar ah qabtay, isu geynta shaqooyinkooda waxa ka aasaasmay bilowgii dunida maanta aynu joogno”. Intaas haddii aan buugga nuxurkiisa ku soo koobo, Saynisku waxa uu sheegay in Qaraxani dhacay 13.8 bilyan oo gu’ hortood, iyada oo uu saynisku male-awaalay in ay dunidu soo unkantay wakhtigaas. Sida kaaga muuqata, waxa jirta su’aalo badan oo aanay aragtidani ka jawaabin: Maxaa ka horreeyey Qaraxan Weyn? Halkee ayuu ka yimid maatarkan qarxay qudhiisu? Duni aanay jirin il ay tamari ka timaaddaa, halkee ayaa uu kulku ka yimid oo dabcan tamar ah? Si haddaba su’aalahan iyo boqollaal su’aalood oo kale jawaab loogu helo, waxa la sameeyey mishiin loogu magac-daray "Large Hadron Collider” oo ujeeddadiisa ugu weyni ay tahay in lagu tijaabiyo isla aragtidan Qaraxa Weyn runnimadeeda. Shabakadda Wikipedia sida lagu daabacay, mishiinkan oo noqonaya ka dunida ugu weyni waxa uu dhereran yahay 27-km, waxa laga dhisay xuduudka u dhexeeya Iswiisarlaan iyo Faransiiska, waxaana dhismihiisa ka qayb-qaatay in ka badan 10,000 oo ka mid ah saynisyahannada casrigeennan, iyo boqol waddan iyo boqollaal jaamacadood o caalamka ah. Dhismaha qalabkani waxa uu socday laga soo bilaabo 1998-kii illaa 2008-dii, iyada oo tijaabadii koowaadna la bilaabay sannadkii 2010-kii. Inkasta oo aan weli wax natiijo ah laga hayn tijaabadaas, haddana aragtida Qaraxa Weyni waa mid weli aragti uun ku kooban oo aan xaqiiq ahayn ama weli saynisku xaqiijin.


Aayadda 30aad ee Suuradda Anbiyaa’ ayaa ah aayadda kali ah ee ay daliishadaan dadka ku dooda in Qur’aanka lagu sheegay Qaraxii Weynaa. Aayaddan kolka la macneeyo sida ku qoran kitaabka Ibnu Kasiir ee Tafsiirka, majallada 9aad waxa ay noqonaysaa: "Kuwa gaaloobay miyaanay arkayn in dhulka iyo cirku ay isku dhegganaan jireen oo aanu kala goynay”, qaybta hore ee aayadda waa intaas macnaheedu, waana inta loo daliishado Qaraxa Weyn.


Maxaa ay ku kala duwan yihiin Aayaddani waxa ay sheegtay iyo Qaraxa weyn ee saynisku sheegay?

Qur’aanku waxa uu sheegay in koonka qaybo ka mid ahi abuurnaayeen, kaliyana ay cirka iyo dhulku isku dhegganaayeen oo la kala furay, halka saynisku ka sheegay in Qaraxa Weyn hortii koonkuba aanu jirin oo kaliya xabbad maatar ah oo weyn ahaa, markii uu maatarkii qarxayna uu koonka aasaasankiisu halkaas ka bilaabmay. Waa kala duwanaanshaha koowaad, waana kala duwanaansho aad u weyn oo aan cidna ka qorsoonayn.


Sida axaadiisi caddaysay kuna qoran buugga Alkamilu fi taariikh ee uu Ibnu Asiir qoray, biyaha ayaa ahaa waxyaabihii ugu horreeyey ee uu Ilaahay abuuray intii aanu dhulka iyo cirkaba abuurin. Biyuhu waxa ay ka samaysan yihiin labada curiye ee Haydarojiin iyo Ogsajiin, abuurkooduna waxa uu ka horreeyey ka hor intii aan cirka iyo dhulkaba Ilaahay abuurin oo ah in ay ka horreeyeen kala furankii cirka iyo dhulka. Halka uu saynisku sheegayo in curiyayaasha dunida yaallaaba ay samaysmeen Qaraxa Weyn kadib. Haddiiba uu kala furanka cirka iyo dhulka ay Aayaddu sheegaysaa ahaan lahaa Qaraxa Weyn ee saynisku sheego, waxa ay isku raaci lahaayeen in curiyayaashu aasaasmeen Qaraxa kadib laakiin immika halkaasna si aad ah ayey ugu kala duwan yihiin. Waana kala duwanaanshaha labaad oo aad u weyn.


Saynisku waxa uu rumaysan yahay in afarta xoog ee aan kor ku soo xusay ay dunida abuureen, isaga oo mar walba diidaya in uu yidhaahdo Ilaahay ayaa dunida abuuray. Si kale, aragtida Qaraxa Weyn haddii aynu qaadanno, waxa ay dafiraysaa in Ilaahay koonkan abuuray iyada oo abuurka koonka siinaysa xoogag afar ah! Ka warran qofka yidhaahda aragti diiddan Ilaahay abuuriddiisa iyo jiritaankiisaba ayaa Qur’aanka lagu sheegay? Waa kala duwanaanshaha saddexaad, waana ka ugu weyn ee aan sinaba loo qaadan karin, sinaba aan suuragal uga dhigayn in Qur’aanka lagu sheego aragti sidan ah.


Gebgabadii, Qaraxa Weyn Qur’aanka laguma sheegin, meelna kagama jiro, Aayadda loo daliishadaana waa aayad illaa xad ka duwan Qaraxa uu Saynisku sheego sida aan halkan ku caddeeyey. Qof wal oo Muslim ah oo ku khaldamay aragtidan Qaraxa Weyn oo meel khudbad kaga jeediyey in Qur’aanka lagu sheegay, ama buug ku qoray ama si kaleba u qiray ha ka toobad keeno, gefkaas waxa loogu cudur-daari karaa aqoon la’aantiisa, wixii dambe oo dhanna ha iska hubsado inta aanu Qur’aanka iyo Muqaddasaadka Islaamka la doonan.


Haddii aynu Qur’aanka u afduubno Sayniska, Qur’aanku waa uu khaldamayaa oo hadba aragti aan la hubin ayaa aynu ku khasbi doonnaa in Qur’aanka lagu sheegay, hadhaw marka ay beenowdana uu weynidii Qur’aanka iyo xaqiiqanimadiisa shaki la gelin doonaa, haddii se aragtiyaha Sayniska ah lagu hubiyo Qur’aanka, Saynisku waa uu saxmi doonaa.

Qore: Maxamed Sharma’arke

Email:[email protected]

Facebook.com/Maxamed Sharma’arke


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS