[Akhri:-] Xukuumadda Masar Oo Bedeshay Siyaasaddeedii Midnimada Soomaaliya Iyo Waxbaayaha Dhex Maray Somaliland

0
Saturday 30th March 2019 11:20:06 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Akhri:-] Xukuumadda Masar Oo Bedeshay Siyaasaddeedii Midnimada Soomaaliya Iyo Waxbaayaha Dhex Maray Somaliland

    Xukuumadda Masar Oo Bedeshay Siyaasaddeedii Midnimada Soomaaliya Iyo Waxbaayaha Dhex Maray Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Masar Oo Bedeshay Siyaasaddeedii Midnimada Soomaaliya Iyo Waxbaayaha Dhex Maray Somaliland




Hargeysa (Karin News)- Waddanka Masar waxa uu ka mid ahaa waddamada inta badan aadka u diiddanaa qaddiyadda Somaliland tan iyo markii Somaliland ku dahwaaqday Madaxbannaanideeda sannadkii 1991-kii iyada oo mar walba dareen adag ka qabtay Midnimada Soomaaliya.

Haddaba is baddalada siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale ee dalalka Bariga Afrika tan iyo markii ay bilaabmeen waxa aad mooddaa in siyaasaddii MASAR ay wax badani iska badalayaan iyada oo la ogyahay xidhiidhka ka dhaxeeya dawladda wakhtigan Masar maamusha iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Masar ayaa u muuqataa inay beddeleyso siyaasaddeedii ku aadaneyd Somaliland iyo midnimada Soomaaliya sida uu sheegay Rashiid Cabdi, oo ah agaasimaha mashruuca Geeska Afrika ee hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG).

Wafdi ka socda wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka wasaaradaasi Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa safar shaqo ku tagay dhowaan dalka Masar, isagoo kulano la yeeshay dhiggiisa dalka Masar iyo masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Masar.







Wafdigan Somaliland ka socday ayaa sidoo kale waxay kulamo la qaaten Saraakiil kamida kaaliyeyaasha dawladda Masar u qaabilsan dalalka Afrika iyo Geeska Afrikaba, iyagoo kulamo la qaatey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Gaashaandhiga dawladda Masar, oo uu hogaaminayay Gen. Jamal Xigaazi, iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda iskaashiga dibadda iyo horumarinta ee Masar.

Rashiid Cabdi ayaa booqashada waftigan ku macneeyey mid muujineysa is-beddel ku yimid siyaasaddii arrimaha dibedda Masar.

"Is-beddelka Masar ee ku wajahan Somaliland waa mid aad muhiim u ah. Qaahira waxay caadiyan ahayd codka ugu xooggan ee carbeed ee kasoo horjeeda burburka Sooomaaliya, waxay doorbidi jirtay dowlad dhexe oo Soomaaliyeed, oo ay rumeysned inay ku caabin karto Ethiopia.” Ayuu yiri Rashiid Cabdi.

Kulamada waftiga Somaliland iyo dowladda Masar, ayaa waxaa la sheegaya inay kaso baxeen in labadda dowladood ee Somaliland iyo Masar ay iska kaashadaan dhinacyadda caafimaadka, waxbarashadda, horumarinta dhaqaalaha iyo dhanka amniga.

Masar ayaa qeyb ka ah xulufada dalalka Carbeed ee go’doominta galiyey dalka Qatar, oo dowladda Soomaaliya ay aad isugu dhow yihiin.

warar kale ayaa sheegaya in Waftiga Somaliland ee Masar ku sugan ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo xidhiidhka Golayaasha.

Loading...
LATEST NEWS