Runtii Xumayd..W/Q:Ibraahin-Hawd Yuusuf

0
Tuesday 9th April 2019 10:34:39 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Runtii Xumayd..W/Q:Ibraahin-Hawd Yuusuf

    Salaaddii Jimce ayay ka soo dareereen. Saddex ayay ahaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salaaddii Jimce ayay ka soo dareereen. Saddex ayay ahaayeen.

 Ajar iyo xasanaad ayay soo gurteen oo niyaddoodu waa ay wanaagsanayd. Sahaydii nafsadeed ee toddobaadka ayay soo dhaansadeen. Intaas ayay ku nool yihiin haddii kale beri hore ayay dhiman lahaayeen. Maasha Allaah, alla wadaadku balaaqo badanaa! ayay isu celcelinayaan. Balaaqada ay sheegayaan waa Af Carbeed wadaadku warqad ka akhriyo iyaguna wax yar ka fahmaan. Adeer wax uu qofku dareemayo ayaa ka muhiimsan waxa uu fahmayo, ayaa beri hore la is la meel dhigay.

Imika kolkii ay faralka Jimcaha guteen debedda ayay isu soo raaceen iyaga oo niyad wanaagsan. Caddaanka meelahaa u ga muuqmuuqda waa ay yasayaan. Oo ma wax aan la yasin baa waaba gaalo e. Haddii ay dad yihiin xaqa ayay garan lahaayeen, oo faraa’idda Ilaahay bay gudan lahaayeen, oo masaajidda ayay iman lahaayeen, oo eeyda iyo doofaarrada ay la nool yihiin bay ka soo dhex bixi lahaayeen, oo way is daahirin lahaayeen. Iyagu imika wax ay dareemayaan nadaafad iyo iimaan iyo khayr iyo sarrayn. Maashaa Allaah!

Markii ay masjidka ka soo baxeen qorshe iyo hawlo gaar ah ma ay lahayn, taa darteed Siciid-Weyne ayaa soo jeediyay in ay maqaaxi is ku yara waraystaan. Sheekh Cali-Farey hawraarsan ayuu fikradda ku soo dhoweeyay, laakiin Abuu Xudeyfa oo aan weligii maqaaxi fadhiisan baa talada ka lugdambeediyay. In aanu weligii maqaaxi fadhiisan waxaa u sabab ah gacan adayg la gu xanto, isagu se wax uu ku sheegay in aanu jeclayn meel aan gurigiisa ama mid muslin ahayn in uu wax ka cuno ama ka cabbo. Labada dabeecadood in ay is wataan iyo in ay ku soo ka la horreeyeen la ma oga.

”Walaalow, lacag maqaaxi la geeyaa waa israaf, meel walbana doofaar baa ku walaaqane maad innaga daysaan”, ayuu yidhi.

”War koob bun ah oo la gu sheekaysto lacagi kuu gu dhigmi mayso, doofaarna waxba ka ma geline, maqaaxidaa ina keen”, Siciid-Weyne ayaa ku adkeeyay. Siciid-Weyne dhowaan buu masaajidka ku soo xidhmay, laakiin labada kale waa raggii hore iyo ruugcaddaagii al-Itixaad.

Waa meel Ilaahay wax ka wado ee maqaaxi aan sidaaba u durugsanayn ayay galeen. Laba hablood oo caddaan ah oo si jajaban u adeegaya ayaa gacmo furan iyo waji farxad leh ku soo dhoweeyay. Bun iyo keeg ayay ka dalbadeen, laakiin Abuu Xudeyfa keegga wuu ka cudurdaartay shaki uu ka qabo in doofaar u gu soo dugaalo awgeed. Labada wadaad gacantoodu jeebka ku ma degdegto, sidaa darteed haddii ay israaf ahayd iyo haddii kaleba Saciid-Weyne ayaa ka bixiyay. Miis dhinac yara leexsan yaalla ayay fadhiisteen. Dhawr qof oo kale ayaa maqaaxida fadhiya. Miiska iyaga xiga waxaa fadhiya nin cad oo lixdan jir in uu dhaafay la qiyaasi karo. Waxaa hor yaalla bakeeri gun dhuuban oo cabbitaan casaan ahi u gu jiro.

Odayga cad ee ay la derseen kutalagal la’aan ayay u wada eegeen, sababta oo ah isaga ayaa si aan caadi ahayn isha u la soo raacay. Wax uu u ekaa nin doonaya in uu wax wayddiiyo, sidaas bay iyaguna moodeen. Laakiin eegmada aan hagaagsanayn mooyee wax hadal ah la ma uu yeelan, iyaguna wax ay is ku dayeen in ay is moogaysiiyaan, Abuu Xudeyfa oo sida muuqata waxa cas ee uu cabbayo malaynaya ayaa se eegmada ku sii raajiyay.

”Walaalow, tolow waxan gaalku cabbayaa ma khamri baa?” ayuu wayddiiyay saaxiibbadii.

”Kollay haa, ma wax kale ayay cabbaan”, waxaa u celiyay Cali-Farey.

Nimanku kolkii ay fadhiisteen ee sheekaysi bilaabeen ayuu odaygii jaaha iyo jidhkaba xaggooda u soo wada dadbay, oo si weerar ah u soo eegay. Hadalkooda oo sidii soomaalida caadada u ahayd yara dhaadheeraa in uu dhibsaday iyaga oo moodaya ayuu si ay u qaadan waayeen u yidhi: ”Ha murmina hana dagaallamina ee qun yar nabad u fadhiya.” Dadka iswiidhishku caado u ma laha cid aanay garanayn in ay la qabsadaan, taa darteed saddexda nin waa ay la yaabeen ninka faduushiisa, Siciid-Weyne ayaana wayddiiyay: ”Oo maxaannu u dagaallamaynnaa?” Kuye: ”Si baad u qaylinaysaan. Soomaali baad tihiin sow ma aha? Haa, kollay soomaali baad tihiin, taasina in aad dagaallantaan bay halisteeda kordhinaysaa. Raalli ahaada oo nabad ku qaxweeya.”

War bal gaalkaa gaalku dhalay faduushiisa iyo gardarradiisa eega! ayay niyadda is ka wada yidhaahdeen, Abuu Xudeyfa ayaa se intaa Af Soomaali ku yidhi. Iyaga iyo soomaalida Yurub ku dhaqan oo dhami si guud wax ay u dareemaan caddaanku in ay u la dhaqmaan si ka duwan sida ay madowga kale iyo waageeniga kale oo dhan u la dhaqmaan. Imika lixdan jirkan ladnaanta iyo tacliintu ka muuqdaan markii uu soomaali u gartay isbeddelka ku dhacay iyo sida uu u la hadlay taas ayay xusuusisay. Siciid-Weyne ayaa jeclaystay gaalka in uu yara qodqodo oo waxa hadalka ka keenay ogaado, laakiin labada kale wax ay doonayaan arrinka in ay is dhaafiyaan. Khamriga cas ee uu cabbayaa in uu madax maray iyo in ay ka tahay aragti uu qabo ogaanshaheeda ayuu Siciid xiiseeyay.


”Marka aad na lee dahay ’ha dagaallamina’ fikir caynkee ah baad na ga haysataa?”

Odaygu sida uu u soo eegay cadaawad iyo yasid mid ay ahaydba tu gacaltooyo ma ahayn. Sida la gu garto nafta aan xasilloonayn ama wax dhibsanaysa ayuu odaygu mar kale kuurkuursaday oo jalleeco dadban ku soo celceliyay. Dabadeed iyaga oo mooday in uu ka gaabsaday ku tiraabay:

”Run haddii aad doonaysaan, dadkiinnaa soomaalida la yidhaahdaa dhulkiinnii ku ma haysaan wax aan dagaal iyo gaajo ahayn, halkanna ku ma haysaan wax aan mashaqaystennimo iyo qoqobnaan ahayn. Wax aad tihiin dadka dunida u gu qarriban, u gu baahi badan, haddana u gu shaqaysi yar u guna qoqoban. Diin iyo xijaab iyo muran ayuun baad meel walba ku haysaan. Horta diintu miyay idinku cusub tahay? Diinta iyo qoqobnaantu carruurta ma idiin koriyaan?”

Bal amarka Ilaahay, intaasiba in ay qalbigiisa ku jirtay Siciid-Weyne wuu dareensanaa. Wax uu degdeg u gu celiyay wayddiin ah sababta uu sidaa u rumaysan yahay. Odaygiina kuye:

”Waxba i gu ma seeggana meesha aad ka ga jirtaan bulshadan iyo dunida kaleba. Halkan iyo Ingiriiska iyo Waqooyiga Ameerika iyo dalkiinnii midna waxba ku ma haysaan. Meel walba maato gaajaysan baad la tuban tihiin oo doonaysaan in cid kale idiin masruufto. Bal eega dalkiinnii, ciidammo qalaad baa ka dagaallama, idinkuna meelahan baad murmaysaan. Runta haddii aad ka xanaaqdaanna dan ka ma lihi.”

War bal gaalkaa gaalku dhalay dhegaysta waxa uu ku hadlayo! Saddexdii nin oo jawigii ka diqoobay dareenkuna ka cakirmay ayaa hadalkaa Af Soomaali isu celiyay. Siciid-Weyne mooyee labada kaleba xanaaq iyo kacdoon baa wajiyadooda ka muuqda. Saaxiibkoodan hadalka sii wada ayay canaan ku qaadqaadeen. Adeer gaalkan sakhraanka ah hadalkiisa na ga daa, ayay ku soo celcelinayaan. Laakiin isagu weli odayga in uu ka ga hadliyo ayuu doonayaa. Wax uu rumaysan yahay caddaanku waagii ay dunida qabsadeen, ee is mahadiyeen, dadyowga qolo walba in ay ku dhigteen astaan ay ku tilmaansadaan kuna saleeyaan qaabka ay u la dhaqmayaan, waxaana jirta si ay soomaalida u arkeen iyo hab ay ilaa maanta u la dhaqmaan. Soomaaligu in uu yahay qof miskiin ah oo haddana islaweyn, oo aan ninka cad ee ilaahnimada sheegtay waxba u arag, ayay ku xukumeen. Aragtidaasi wax ay fadqalallo laxaad leh gelisay aayaha dadka soomaalida, bulsho ahaan iyo dawlad ahaanba. Markaa arrinta uu odaygu ka hadlay oo ah mid Yurub oo dhan taallaa in ay halkaa daarran tahay, xidhiidhka soomaalida iyo caddaankuna sidiisaba taa ku salaysan yahay ayuu Siciid-Weyne u arkaa.

"Anigu carruur gaajaysan meel la ma taagni ee waan u shaqaystaa, ma se la ga yaabaa hadalku in aanu xogogaalnimo kaa ahayn ee kaa yahay xumaan ku gu jirta? Waa run in aannu aad u burburnay una gaajoonnay, waayo muddo dheer baannu ku jirnay colaad sokeeye, mid deris iyo mid caalami. Laakiin taa maxaa ka galay maagistaadan iyo sida aad noo aflagaaddaysay? Waa maxay dawarsiga iyo mashaqaystannimada aad na gu sheegaysaa, sow dadka kale la ma mid nihin, siiba soogalootiga aannu la duruufta nahay?” Siciid-Weyne ayaa odaygii intaa u gu babac dhigay.

Ma degdegin jawaabtii, cabbitaankiisii casaa buu qunyar fiiqsaday qunyarna dhigay, dabadeed si liidid ah nimankii u soo daymooday.

"Sabab aan xumaantiinna dan u ga galaa ma jirto, runta ayaan se idiin sheegayaa. Foolxumada aad ku jirtaan waxaa ka sii foolxun in aydaan ogayn. Baadhis walba oo la sameeyay wax ay caddaynaysaa in aad tihiin dadka u gu shaqo la’aan badan Yurub, dadka u gu saboolsan, dadka u gu tacliin hooseeya, dadka u gu xabsi gelis badan, dadka u gu qoqoban, dadka u gu xagjirsan... Dad ay intaas oo dhami isu raaceen foolxumada u dhimani waa maxay? Miyaan idin caayay haddii aan run sheegay?”

War bal gaalkaa gaalku dhalay edebdarradiisa eega! ayuu Abuu Xudeyfa qaadanwaa Af Soomaali ku yidhi, Cali-Farey baana u jiibiyay. Imika ragga xanaaqu waa ka dhab, taana Abuu Xudeyfa ayaa u matalaya.

"Waar wax aad tahay gaal bilaa diin ah oo khamri cabbaya, markaas baad annaga oo muslin ah wax na ga sheegaysaa.”

Abuu Xudeyfa gadhkiisa weyn iyo huruufka ka muuqda ayuu odaygu awalba u gu maleeyay in uu saddexda nin u gu xanaaqisan yahay. Sidaa darteed ogaan buu imika hadalka isaga u gu jeediyay.

"Adiga ma ku wayddiin karaa waxa aad ka shaqayso, haddii aad shaqaysaba?”

"Waxba kaa ma gelin shaqadayda, mana doonayo in aan ku la hadlo adiga oo diinlaawe ah, soo gal diinta Ilaahay haddii aad doonayso hadalkaagu in uu macno ii yeesho.”

"Anigu diin kaa ga ma baahni, adiguna waxba ku ma qabtid, in aad shaqayso iyo in kale ayaan se ku wayddiiyay oo aad carruurtaada ku filan tahay, mise baryo ayaad ku nooshahay?”

"Diintayda wax walba waan ku qabayaaye, afka ha i la soo gelin gaal yahow gaalku dhalay...”, Abuu Xudeyfa intii aan hadalkaasi afkiisa ka soo dhammaan ayaa la maqlay qacda bilaalihii uu bunka ku cabbayay oo odaygii madaxa ka cuskaday "nijaas yahow nijaasku dhalay ee urayaa...”.

Is la ilbidhiqsigaa ayuu odaygii oo dakhrani fadhiga ka booday oo miiskii soomaalida is ku soo qaaday. Nin laxaad leh oo baradho-cun ah ayuu ahaa, goobtiina dayaan baa ka yeedhay kolkii uu soo booday. Abuu Xudeyfa oo ahaa nin jimidh yar isaga oo hinqasho bilaabay ayaa dusha la ga ga dhacay oo feedh la gu daandaamiyay. Cali-Farey oo qudhiisu ahaan nin itaal yar ayaa saaxiibkii u hiiliyay, laakiin harraati xooggu u dhan yahay ayuu odaygu beerka ka ga qaaday oo derbiga ku malaasay, Ilaahay uun baana ogaa cabaadkii ka yeedhay, markiibana dhulka ayuu galgashay oo taah bilaabay. Siciid-Weyne isagu ma hiilin ee ka la qabasho iyo ladqabo ayuu isu xilqaamay. Labadii miis waa ay is rogeen, alaabadii saarnaydna baduugaha ayay noqotay, ubaxyo iyo alaabooyin kale oo meesha u dhowaana digaandigaha. Maqaaxidii oo dhan fawdo iyo qaylo ayaa ka oogsatay. Carruur yaryar baa oohin bilawday. Hablihii maqaaxidu telefoon bay bilayskii HALOWdaa hayaan. Abuu Xudeyfa ilkihii qaar baa dhulka yaalla dhiig baana afka burqanaya, wajigana durba barar baa wada fuulay. Odayga bakeerigii la gu tuuray oo barta la gu sujuudo ka haleelay dakhar weyn oo dhiiggu ka hoorayo ayaa ka gaadhay. Meeshii oo dhami dhiig miidhan bay noqotay. Abuu Xudeyfa in kasta oo laba jeer dhulka loo riday, waxaa miciin u noqday Saciid-Weyne oo odaygii ka haya. Cali-Farey isagu weli wuu galgalanayaa oo taahayaa, sida muuqatana xaalkiisu waa ambalaas.

Odaygii oo Siciid-Weyne ku duuban yahay markii uu dhiig daadiyay isaguna kiisii daawaday wuu miyirsaday, duufaantiina qunyar bay u degtay. Abuu Xudeyfa itaal baa u run sheegay oo afka dulaaqan baa xanuun iyo qoomammo ku noqday. Cali-Farey hablihii baa dhabta ku haya oo gurmad caafimaad baa la la sugayaa, welina aad buu u taahayaa. Saciid-Weyne dembi buu dareemayaa oo meel uu wax ka qabto wuu garan la yahay. Laakiin bilayskiiba waa kan. Askartu kolkii ay hareeraha eegeen wax ay arkeen waxa alaabo burburtay iyo waxa dhiig daatay. Gaadhi ambalaas ah baa yimid, saddexdii nin ee wax qabay baana dhaymo la gu bilaabay.

Bilaysku wax ay bilaabeen afartii nin mid walba in ay xog ka qoraan. Kolkii la gaadhay qof walba shaqadiisa, odaygii wax uu sheegtay in uu yahay sarkaal millateri. Saddexdii soomaalina Siciid-Weyne wax uu sheegtay in uu nadaafadda magaalada ka shaqayn jiray laakiin imika bukaan ku qoran yahay, labadii kalena in aanay waxba qaban ayay sheegeen. Odaygii intaa markii uu maqlay qosol buu u dhacay, dabadeed si jeesjees ah bilayska u maqashiiyay: "In ay maqaaxiyaha ka murmaan oo dadka dhibaateeyaan ayay ka shaqeeyaan dee.” Abuu Xudeyfa oo afka burburay la dhayayo ayaa hadalkaa Af Soomaali aan saani loo maqlayn ka ga jawaabay: "Gaal yahow doofaar-cunka ahi waa inoo jihaad.” Siciid-Weyne kolkii uu intaa maqlay qosol buu ka wareegay.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS