Tuugii Wax Dhacaba, Hadii Beeshiisu Dawladda U Hanjabto Sidee U Dhismi Karayaa Qarankani

0
Wednesday 10th April 2019 09:20:42 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuugii Wax Dhacaba, Hadii Beeshiisu Dawladda U Hanjabto Sidee U Dhismi Karayaa Qarankani

    Wasaarada Warfaafinta Somaliland Ayaa Mudooyinkii U Danbeeyay Waxa Ka Soo Baxayay Buuq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Warfaafinta Somaliland Ayaa Mudooyinkii U Danbeeyay Waxa Ka Soo Baxayay Buuq

 Iyo Qaylo Fara Badan Oo La Odhan Karo Waxay Nusqaan Ku Yihiin Haybadii Qaranimo Iyo Miisaankii Hay'adaasi Lahayd.Buuqaasi Iyo Sawaxankaasi Waxa Uu Noqday Mid Ay Xukuumadihii Soo Maray Dalka Dawadeeda Ka Raadiyaan, Isbedel had iyo goor Lagu Sameeyo Madaxda Sare Ee Wasaaradaasi,


Hadaba Xaqiiqadu Waxay Tahay In Aanay Dhibaatadu Baadi U Ahayn Halka Laga Deyayo,Balse Xaaladda Dhibaato Ee Ka Oogsata warfaafinta waxa Markastiba Saldhigeedu Yahay waa Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagata Wasaaraddaasi.

Agaasimaha Maamulku Waa Shakhsiga Timaha Isugu Xidha Iskana Horkeenaa Shaqaalaha Iyo Madaxda Sare Ee Wasarada Waa Shakhsiga Xaalad Abuurka Ah Ee Naafeeyay Adeegii Ay Qaranka U Qaabilsanayd Wasaaraddu,


Waa Shakhsiga Hanti Boobka Iyo Musuqa La Yaabka Leh Ka Geysta Wasaaradda.
2012kii Oo Hanti Dhawrku Baadhitaan Ku Sameeyay Waasaaradda,Waxa Uu Ahaa Agaasimuhu Shakhsigii Bud Dhigga U Ahaa Falalkii Musuqmaasuq Ee Ka Dhacay Halkaasi Oo Lagu Lunsaday Hanti Gaadhaysa Hal Million Iyo Laba Boqol oo Kun Oo Dollar,Kadibna Waxa Agaasimihii loo Taxaabay xabsiga

.Odayaal Uu Sii Diyaariyay Ayaa Kadib waxa Shirar Jaraaid Oo Ay Qabteen ay Ku Goodiyeen In Si Deg Deg Ah Loo Sii Daayo,Hadii Kale Wax La Yaab Lehi Dhici Doonaan,

Xukuumadii Axmed Siilaanyo Waxay markaasi Qaaday Talaabo Ay Faraha Kaga Qaadayso Wiilkaasi.xabsigana kasii dayso.

Muddo Shan Sano Ah Ayuu Ka Maqnaa Waddanka,isagoo joogay Dalka Ingiriiska, Kadib Waxa Uu Kusoo Noqday Somaliland.2017kii..

Kolkii Uu Yimi Dalka 2017kii, Waxa Uu isla markiiba Abaabulay Odayaal,si madaxweynaha loogu geeyo oo Xil loola raadiyo,odayaashii kadib Waxay U Geeyeen Madaxtooyada,..

Waxaanay ka codsadeen Madaxweynaha In Ninkan Xil La Noogu Magacaabo..

Hoggaankii Talada Dalka Hayay Waxa Uu Markaasi Sheegay Inuu U Magacaabayo Wasiir Ku Xigeen..

Hase Ahaatee Kolkii Odayaashii U Sheegeen In Xil Wasiir Ku Xigeen Loo Magacaabayo,Xasan Yare Wuu Ka Diiday Odayaashii,Waxaanu Ku Yidhi Anigu Ma Rabo Xilka Wasiir Ku Xigeenka,Balse Waxaan Doonayaa In Agaasime Maamulka Iyo Lacagta Ah Oo Wasaarada Warfaafinta Ah la i siiyo....

,Odayaashii kolkii ay dalabkaasi kale madaxtooyadii kula noqdeen, Waa Laga Ogolaaday Waxaana Dib Loogu Soo Celiyay Wasaaradii Uu Hore U Baabi Iyay.ee warfaafinta.

Ilaa Maalintii La Keenay iyadoo Sidii Qaskaasi Joogto U Yahay,Ayaa.Hanti Dhowr La Geliyay Bil Kahor 2019.

Sidii Berigii Hore Oo Kale Ayaa Musuqii Ugu Xumaa Ka Dhacay Wasaaradda .
Kadibna hanti dhowrka qaranka ayaa Xabsiga u Taxaabay Isaga Iyo Agaasimihii Guud Ee Wasaarada.Warfaafinta.

Dhowr Casho Kolkii Uu Xidhnaa Ayaa Loo Abaabul Galay Sidii Odayaashiisii U Qaban Lahaayeen Shirar Jaraaid Oo Xukuumadda Loogu Hanjabayo Sii Daynta Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta ,Iyagoo Odayaashu Intaasi Kusii daray In Weliba Lagu Celiyo Halkii Uu Joogay Ee Warfaafinta..

Waxa Nasiib Darro Weyn Ahayd In Xukuumadda Talada Haysaa Ee Muuse Biixi,Baaqii Dhaawaca Ku Ahaa Qaranka Ee Odayaasha Koofiyad Baclaha Ah Ee Wiilkaasi Ababulay Ay Toodii Aqbashay

Siina Deysay Agaasimihii Hantida Umadda Dhacay,Isla Markaana Sidii Odayaashu Ku Hanjabeen Lagu Soo Celiyay Xafiiskiisii Hore Oo Uu Todobaadkii U Danbeeyay Ka Hawl Gelayay.

Hadaba Waa Yaabe Nidaamka Caynkaasi Ahi Ma Ina Dhiqi Karayaa
Sideese U Noqon Karnaa Qaran Dhisma Oo Dunida Wax La Qaybsada.Inta Nidaamkeenu Noocaasi Yahay...Bal Adba.

Halkan Ka Daawo: Awaamiirtii Odayaashu Xukuumadda Ugu Jeediyeen Ninka Hantida Qaranka Boobay.In Xabsiga Laga Sii Daayo Eedaha Musuqa La Laalo Isla Markaana Bartii Uu Ka Shaqayn Jiray Lagu Celiyo Hadalka Oo Yar.


Cabdi Xirsi Aadan....Hargaysa.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS