Soomaalidu Kacdoon Shacab Ma Ku Keeni Karaan Isbeddel Togan Mise Way Uga Sii Darayaan?...W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

0
Thursday 11th April 2019 18:54:45 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalidu Kacdoon Shacab Ma Ku Keeni Karaan Isbeddel Togan Mise Way Uga Sii Darayaan?...W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Soomaalidu Kacdoon Shacab Ma Ku Keeni Karaan Isbeddel Togan Mise Way Uga Sii Darayaan?...W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalidu Kacdoon Shacab Ma Ku Keeni Karaan Isbeddel Togan Mise Way Uga Sii Darayaan?...W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

Soomaalidu waxa ay kacdoon hubaysan ku ridday Kacaankii uu Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, kaas oo Muqdisho ka firxaday 26kii Jeneweri 1991kii. Halkii laga dhisi lahaa dawlad loo dhan yahay, iyada oo aan waxba la weydiinnin saddexdii Jabhadood ee horseedka u ahaa dhicitaankiisa: SNM, USC iyo SPM ayaa Jabuuti lagu soo dhisay dawlad uu madax ka yahay Cali-mahdi.

Taasi waxa ay sababtay in Somaliland gooni isu taagto, in dagaallo dhex maraan Cali-Mahdi iyo Caydiid iyo in dagaallo beelo ku salaysani (Hawiye iyo Daarood) ay ka qarxaan Gobolladii Koonfureed ee Soomaaliya. Walaw ciidan shisheeye la keenay (UNISOM) lama soo celin kala-dambayntii.

Waxa samaysmay qabqableyaal dagaal oo cagaha iskaga maray dawladdii uu Cabdiqaasin Salaad Xasan madaxweynaha ka ahaa (2000-2004). Iyagiina waxa meesha ka saaray Maxkamadihii Islaamiga ahaa (2006). Aakhirkii waxa ciidan soo kaxaystay Cabdillaahi Yuusuf (2004-2008).

Walaw maxaamiintii la jebiyay, waxa halkoodii soo galay jabhado Islaamiyiin ah, taladii dhawaydna ceel dheer ayay ku sii dhacday. Fara-gelinta shisheeyuhuna waxa ay dhalisay is-qarxin, qudh-gooyo iyo tiiraanyo joogto ah oo hadhaysay ummadda.

Somaliland iyo Puntland waxa ka hirgalay nidaam iyo kala-dambayn lagu soo dhisay hannaan beeleed, waayo waxa shaqeeya hannaankii dhaqanka ee Soomaalidu ku dhisnayd dawladnimada ka hor. Laakiin wixii Gaalkacayo ka xiga Koonfur waxa ka jira qas, qalalaase iyo qawlaysato. Maalin walba waa qarax iyo dhiig qulqulaya. Taasi waxa ay keentay in dad badani ka qoomammeeyaan riditaankii dawladdii kacaanka.

Soomaalidu ma taqaanno hab nabadgelyo ku dhisan oo lagu beddelo talis macangag ah. Keliya waa in hubka la boobo, marka uu meesha ka baxana bililiqo iyo burbur la waajaho. Nidaam kasta oo ku dhaqma caddaalad-darro, qaraaba-kiil, xasuuq, cabudhin, eex, keli-telis iyo dulmigu waa uu dumayaa. Waxa la sugaaba waa maalmo, toddobaadyo, gu’yaal iyo bilo.

Waayo-aragnimadii laga dhaxlay burburkii Soomaaliya ayaa dhalisay in loo dulqaato wax badan oo gef ku ah ummadda. Dadku waxa ay ka daaleen dagaallo, barakac iyo rabshado. Tusaale ahaan, Soomaalida Itoobiya waxa ay toban gu’ u dulqaateen nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar oo ku hayay xadhig, bahdilaad, gummaad iyo tacaddi baaxad leh, ugu dambayntiina si nabadgelyo ayuu ku tegay.

Waxa aan arkayaa maanta, iyada oo dareenka ay kicisay riditaanka nidaamkii soddonka gu’ ka talinayay Suudaan, in lagu baaqayo kacdoonno shacab oo ka dhaca Somaliland iyo Jabuuti. Runtii waa ay jiraan waxyaabo ka gurracan talisyada Soomaalida u arrimiya dhammaan.

Laakiin marka waxa taagan la eego, waxa habboon waxa iman doonana la is weydiiyo. Waa in la is barbardhigo xaalka maanta iyo ka iman kara haddii tallaabadaas la qaado. Waa in caqliga iyo caadifaddda la isku dheelli-tiro.

Weydiimahan ayaa yaalla:
1. Haddiiba lagu boobo, yaa dammaanad-qaadaya in uu imanayo nidaam ka wanaagsan ka maanta jiraa?
2. Maxaa lagu kalsoonaan karaa ee caddaynaya in haddiiba tallaabada la qaado, aan la gelin god iyo xaalad ka sii xun ta maanta taagani?
3. Ma laga yaabaa in looga sii daro, oo ay bilaabmaan qarax iyo qalasho aan laga soo waaqsani?
4. Sida ay dad badani ugu ooyaan kacaankii duudsiga badnaa, ma laga yaabaa in farta dhexda laga qaniino oo ilmada loo daadiyo talisyada la durayo?
5. Ma laga yaabaa in qabyaallada iyo collaytanka bulshadu uu gaadho meel aan ka soo raynnin?

Kacdoonnadii ka dhacay waddamo ay ka mid yihiin Liibiya, Yemen iyo Suuriya waxa ay horseedeen bara-kac, qaxar aan dhammaan, burbur dhaqaale, kufsi iyo dullaysi. Waxa jira odhaah Soomaaliyeed oo tidhaahda "Dawlad xumi waxa ay dhaantaa dawlad la’aan”.

Qof ahaan waxa aan aamminsanahay illaa hadda in wax lagu beddelo hannaan ku dhisan toosin, hadal, xasilloonni iyo degganaan. Lama dhacsani in qori caaradii lagu af-gembiyo nidaamyo dhisan.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS