Igamasho Madaxwayne Masuuliyada U Wayn Ee Qaranka. W/Q: Abdishakur Gande.

0
Friday 12th April 2019 07:30:50 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Igamasho Madaxwayne Masuuliyada U Wayn Ee Qaranka. W/Q: Abdishakur Gande.

    Xilku Waa Fursad Qofku Ku Hirgasho Hiigsiga Umaddeed Ee U Baahan Igmasho Doorasho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilku Waa Fursad Qofku Ku Hirgasho Hiigsiga Umaddeed Ee U Baahan Igmasho Doorasho.

Wadaniyada ayaa ah waajibaad muwaadin walba faraysa Xil ka saaran wadankiisa. Balse, Xilka ugu warama wayn baa ah igmashada ama magacaabista Madaxwayne uu masuuliyad sharciyan ah oo shacabka u hogaamisa qofka Madaxwaynahu igmaday. Sidoo kale, qofkaasi loogu hagaagayo xisaabtan uu ku muto abaal marin iyo ciqaab sharciyeed waafaqsan hadba siduu u guto xilkuu qaranka u hayay. Xilka ama masuuliyadu ma aha wax sahlan oo si sahlan lagu doono haddaanad isu garanayn in aad qaadi karto ama aad tahay qof qarankan in uu xil u qabto wax usoo kordhinaya. Taasi waa sababta maqaalkan keentay.


.
Mudane Madaxwayne, Waxa duurka & dibada ka jooga xukuuumadaada & dawladnimada ba halyayo hibo & hawlkarnimo leh balse hirdiyeen rag nasiib u helay inay hareertaada joogaan ilaa ay hilinka wanaagsan ku baal marinayan. Hogaamiyuhu markaste ma noqdo midka talo ugu haboon balse markaste wuxu noqda midka u nasiibka wacan ee nasiibka uhelay hogaanka dalka. Balse hawsha qaranku waxay sida u haboon u hirgasha is-hareero jooga haldoorka qaranka & kaashiga waxgaradka talada wanagsan. Rag gobanimo, xeerin & garasho gondahooga buuxisay baa wadaniyad darteed u hogaansan gaf. Umada dulmi u adkaysataa waxay kacdaa xili ay adag tahay in la helo kalsooni qaranimo & wax wada lahasho dhaba.
Mudane madaxwayne haldoorkii mudna inay maamulka dalka ka muuqdaan marka loo eego waayo aragnimo & aqoon ayaa dalkoogii marti u ah taasi muwaadinka samraya waa u wadaniyad dalka na waa masiibo waayo waxaa la lumiyay awood dal ama khayraadkii dalka ee in laga faa'idaysto ay muhiim ahayd. Sidaa waxa ka dhigan haldoorkeena wadamada dariska ku macasheen iyago looga faa'idaystay fursadaha hogaamineed ee ay wadamadaasi iyadoo tixgalin la'aantu & caqabado jiraa yihiin sababta ku kaliftay inay dalkooga, dal kale dhaafsadaan maadamo ay u arkeen xalka mustaqbalka nolashooda. Iyadoo xaqiijinta kartida ay leeyihiin inay meel kale ku muujiyaan sababtay qarankoogii ugu wacad fureen.
.
--Qofku Intuu Kutari Karuu Kuyeeli Karaa --
--------------------------------------------------------------------
Nin waxba ku yeeli karin waxba kuma tari karo. nin wax ku tari karaa wax kuyeeli kara. Qofku qiimahu leehay hadii la qirin mar aan munaasib ahayn buu meel aan la jeclaysan qiimahiisa ku muujiya.
.
--- Haddalka Ana Saafo--
----------------------------------------
Run ahaantii, xisbinimada midka lagu yahay ee dimuqraaddiyad ku dhisan baa waxaad lahaanshiyo, wax isku darsi. Tusaal: sida dhari lawada bislaysanayo si baahida guud loo reebo. Sidaadarteed, dharigaa ninja wax but ku darsadaa. Qof basal keena, ku Baradho keena, mid milix Kudaray, mid xawaash ku rita iyo kuwa ugu damaca sareeya ee hogaanka ah oo Cad/hilib kudarsaada. Sikaste ha ahaate qof waliba damac buu leeyahay. Sidaa waxa ka dhigan rabitaanka murashaxa wuxuu ku hirgala halganka raga hareero jooga iyo barnaamij siyaasadeedka xisbiga halka rabitaanka ama hanka xisbiyanada u baahan in ay xukuumada kasoo muuqdaana Amarka Eebe kasokow ku xidhan yahay igmashada / magacaabista Madaxwaynaha.
.
Mudane Madaxwayne markaa ku dooranaynay badhkaayo waaxay u taagnayd waa markaygii balse Anigu waxaan kala dooranayay hogaanka himiladiisa qaranka hirgalin kara kaan u doortay ee halganka hawsha badan ee maskax, muruq iyo maal ba aan u huray
Adiguu ahaa ilaa maanta na waan kugu hareer tagaanahay talada qaranka oo Adigaa sheegay in taladu ku toosayn madaxwayne kaligii lagu eego ee ay ku taabagalayso wada shaqayn & isku hogaansanaan. Sidaadarteed waxaan
mar walba kugu hareer taagnaanayaa toosinta talada qaranka xataa haday dhankaaga ka weecsanto waxaan u in aan adiga si gaara kuu taageerin waayo waxa igala qaro wayn ta qaranka taasoo adiga iyo inta kale ba dan u wada ah. taasi waa micnaha dhabta ah ee qaran.
.
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
.
Abdishakur Gande
634200882 & 634454882
Hargaysa, Maroodijeex Somaliland.



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS