Siyaasi Faroole Oo Weerar Culus Ku Qaday Xukumadda Madaxweyne Farmaajo & Arrimo Uu Fashiliyay.

0
Thursday 25th April 2019 19:42:05 in Wararkii Maanta by Xafiiska Burco
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Faroole Oo Weerar Culus Ku Qaday Xukumadda Madaxweyne Farmaajo & Arrimo Uu Fashiliyay.

    Siyaasi Faroole Oo Weerar Culus Ku Qaday Xukumadda Madaxweyne Farmaajo & Arrimo Uu Fashiliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Faroole Oo Weerar Culus Ku Qaday Xukumadda Madaxweyne Farmaajo & Arrimo Uu Fashiliyay.


Muqdisho (Karin News)-  Cabdi raxmaan Sheekh Maxamed Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee dalka ayaa dhaliilay dowladda Federalka Soomaaliya eeuu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.




Faroole ayaa ku dhaliilay dowladda Federalka Soomaaliya inay u hartay kaliya laba sano, sidaasi ay tahayna Dastuurkii dalka uu qabyo yahay wado qaldana lagu wado.



"Dastuurkii la isla raacay oo Federaalka ahaa oo qabyada ahaa, wadadu ku socdaa maaha wadda saxa ee waa qaldanyahay, wax ka hagaagayna ma jiraan, afartii sano ee dowladda Federaalka ah maadxweynaheeda iyo Baarlamanadeeda la doortayna, waxaa ka haray mudda laba sano ka yar, wax Dastuura oo maanta jiraana ma jiraan” ayuu yiri Faroole oo Garoowe ka hadlay maanta.



Xildhibaanka ayaa sidoo kale Xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso doorashooyinka dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu sheegay in fara-gelintii xukuumaddu ku samaysay ay ka dhalatay dhibaato iyo fidno lagu laayay dad aan waxba galabsan Balse wuxuu tilmaamay in Villa Somalia ay ku fashilantay fara-gelin ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Puntland oo sida uu sheegay ay lacago badan ku bixisay murashixiinta qaar inkastoo aysan soo bixin dadkii ay wadatay.


Senetor Faroole ayaa sii raaciyay in weli xukuumadda Federaalku ay waddo fara-gelinta dowlad goboleedyada, isagoo xusay in ay gebi ahaanba ka baxday heshiis ay dhowaan la gashay Jubaland islamarkaana ay dabada ka soo riixayso murashixiin dhankeeda ka socda , si ay doorashada Jubaland u fara-geliso.
Loading...
LATEST NEWS